Sign in to follow this  
Suldaanka

Good news for the nomads

Recommended Posts

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Ee Somaliland Oo Caawa ****olka Ka Qaaday In Sucuudigu Xayiraadii Ka Qaaday Dhoofkii Xoolaha Somaliland

 

 

Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka wasaarada xannaanada xoolaha ee Somaliland Dr. Idiris Cabdi Ibraahin, ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolihii kala duwanaa ee ay ganacsatada reer Somaliland u iibgayn jireen wadanka Sucuudiga.

 

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu caawa ku qabtay magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku faahfaahiyey go’aanka uu sucuudigu xayiraadii kaga qaaday xoolaha looga dhoofiyo Somaliland iyo guud ahaan-ba Somaliya.

 

Wariirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego laga bilaabo caawa Markabta ka baxa Berbera in uu toos ugu xidhanayo dekada Jidda [sucuudiga], xoolihiina sidaas ayay ku furan yihiin, waana dadaalkii ay dawladu ku jirtay muddaba ee dagaalka badani ka qabsaday, ee cidhiidhiga badani ka dhacay, ee wareerarka badani ka dhacay, ee cadawgeenu isu dayay inaan maxjarkeena Dekada Berbera oo ah ka maants furay Suuqa Sucuudiga in laga hortago.”

 

Waxaana uu intaa raaciyey Wasiirku oo uu yidhi “Waxaa mad led dadaweynaha reer Somaliland wixii gacan-ka-gaystay hawshaas, dawlada Somaliland oo iyaduna dadaal badan ka gashay hawshaas, khaasatan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale oo go’aan adag ka gaadhay dhismaha Maxjarka, oo aad-na loo mariyey in uu maxjarkaas joojiyo ama si kale wax loo leexiyo, ayaa isaguna aad ugu mahadsan.”

 

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo af-meeray oo uu yidhi “Waxaan dadka u sheegayaa in saaka la saxeexay oo dawlada sucuudigu faraha ka qaaday oo ay fasaxday in xoolaha Soomaaliyeed toos ugu soo dhoofaan Sucuudiga. Dekeda ugu weyn ee ugu muhiimsan ee ay xooluhu ka dhoofayaana waa Berbera.”

 

Dr. Idiris waxa uu sheegay in maanta-ba ay bilaabeen shirkadaha xooluhu hawl-galkii rarista xoolaha ee sucuudiga, “Maantaba shirkadihii xoluhu way bilaabeen dhoofintii xoolaha, oo shirkada Al-jabiri waxa ay maanta-ba amar ku bixisay inay laba Markab oo min 100,000 oo neef ahi inay u soo dhaqaaqaan Dekada Berbera oo ay ka qaadaan xoolo. Muddo toban cisho guduhood ah waxa aynu sugaynaa in Markabtii ugu horeeyey ee 100,000 ee neef qaadayey ee toos u tegayay Sucuudiga in uu ku soo xidho Berbera. Markabta labaad-na todobaad gudaheed marka uu ka hore tago in uu isna ku soo xidho, markaas oo uu isna qaadayo xoolo 100,000 oo neef ah.”

 

 

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

 

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^That is good for North westerners, you know what else is good news for y'all? 20,000 goats from Western Somalia that were heading to Bosaso Port have been diverted to Berbara Port, they are now on their way to Berbara and should be there at the end of this week. This is due to the retarded decision that Faroole and his admin made against the Western Somali community.

 

Business will soon be booming in Berbara until Riyaale messes it up again then they will start heading to Djibouti which is not that far either.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this