Jacaylbaro Posted December 26, 2008 Hargeysa(Qarannews)-Wasiirkaka Arrimaha Gudaha JSL Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa uga digay Maamul-goboleedka Bariga Somaliya ee Puntland inay ka joojiyaan Daandaansiga Gar-darrada ah ee ay ka wadaan Gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaana Sanaag kuwaas oo ay haatan ka socdaan Hawlaha diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland. Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay Mar uu maanta Kormeer dhinaaca diiwaangelinta ah ku marayay Degmada Gar-adag ee Gobolkaasi, waxaanu wasiirku Jawaab kulul ka bixiyay Hadal ka soo yeedhay Ninka lagu magacaabo Xasan Daahir Afqudhac oo Puntland ka ah Madaxweyne ku xigeen, isagoo wasiirku tilmaamay in Afdhuqac ku riyoonayo waxaan jirin xaqiiqadana indhaha ka lalilanya waxa uu hadalkiisa Wasiirku ku bilaabay; "Ninkaa Sheeganaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aan u malaynayo hadaladii u yidhi inay ahaayeen Riyo, Somaliland Cidna ku xad gudbi mayso hase yeeshee Taako kasta oo ka mid ah Dhulkeeda Diiwaangelintu way ka dhacaysaa, Qof kasta oo reer Somaliland ahna Xuquuqda uu leeyahay wuu helayaa oo wuu qaadanayaa kaadhka Dhalashada iyo ka codbixintaba, Cid ku khasbaysaana ma jiro". ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray in haba yaraatee aanay Somaliland caado u lahayn gar daandaansiga iyo ku xadgudubka deriskeeda, hase yeeshee ay mar kasta ka go'an tahay sugida xuduudaheeda kana difaacayso cid kasta oo soo faro galisa, " reer Somaliland iyagaa diyaar ah, iyagaa danahooda wada yaqaan, iyagaa meel ilaahay ku wada abuuray oo is jecel oo ehel iyo abba isu ah, isir sooc wax la yidhaahdaana dalkan kama jiro, waana loo siman yahay warqada dhalashada, ee waxaan ninkaa leeyahay (Afqudhac) ha riyoon walaale indhaha kala fur". ayuu Wasiirka arrimaha guduhu Hadalkiisa ku soo xidhay. Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa beryahanba ku hawlanaa sidii aanay gobollada bari gaar ahaan sanaag Beri iyo Sool uga qabsoomi lahayn diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socda, iyagoo xadka soo dhoobay ciidamo ka soo jeeda deegaanadaas balse taageersan Maamulkooda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted December 26, 2008 LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted December 27, 2008 War kan yaa naga aamusiya, wuu khafiifay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2008 I'm glad that everyone is finally smiling ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted December 28, 2008 War qoloba qolobaa Alla ku saladay. Bugland Somali oo dhan & Somaliland baa lagu saladay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2008 yaad ka hadlinaysaa xabiibi ?? ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted December 28, 2008 My Somali reading ability is poor Jac..What is this about? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 28, 2008 this is the last dignin ( warning) for mamuulka yar eeh la naga ag sameeye eeh buntiland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2008 Africa, it is a warning to bugland that they should stay out of Somaliland affairs and not interfer the registration process. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 28, 2008 ^Oo haddeey Puntland taako durqi diido maxaa dhacaya? Ma cirka tiirar looga hayey ayaa lagu soo deynayaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 28, 2008 ^ Askartii xamar laga soo xawilay o dhulkaas ku soo fool leh ayuu malaha ogyahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xidigo Posted December 29, 2008 Originally posted by AfricaOwn: My Somali reading ability is poor Jac..What is this about? Waar yaa JB, inanka afkiinii clan land wax ugu turjum dee, waa ku sidee cidlada iyo kuwan samaliyeed ha ku haleyne. Waa maxay halka line eed u xariiqday. I mean warka ha jumladayne u tafaariiqee. Quote Share this post Link to post Share on other sites