Sign in to follow this  
Juje

Pathetic Looser.. he Resigns..from WHAT?

Recommended Posts

Juje   

Gacmadheere oo ku dhawaaqay daqiiqado ka hor inuu iska casilay xilkii ra'isul wasaarenimo ee uu u magacabay Madaxweyne Yuusuf

3473.jpg

 

Maxamed Max’uud Guuleed (Gacmadheere) oo maalmo ka hor uu ra’isul wasaare uu u magacaabay madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada baydhabo ee gobolka Bay.

 

Gacmadheere ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha uu isku casilay, isagoo sheegay iney ka dambeysay ka dib markii uu arkay xaalada adag ee dalku ku sugan yahay oo dad badani ay u arkeen ayuu yiri in magacaabisteyda ay caqabad ku tahay dib u heshiisiinta ka socota magaalada Jabuuti iyo xalinta khilaafka ka dhex aloosan heyadaha DF

“Markii aan la tashi badan la sameeyey saaxiibey sida xildhibaanada baarlamanka iyo dadka kale aan siyaasada ku wada jirino, markii aan arkay xaaladaha ee dalku ku sugan yahay iyo nabadeynta ka socotay dalka jabuuti oo dad badani ay arkeen in magacaabisteyda ay carqalad ku tahay nabada iyo dib u heshiisiinta Somalia ayaan waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii ra’isul wasaarenimo ee la ii magacaabay dhowaan anigoo eegaya danta iyo maslaxada shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Gacmadheere oo inta ku daray inuu nabadeynta dalka ka qeyb qaadan doono isagoo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inuu is casilaadiisa aqbali doono madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia.

Maxamed Max’uud Guuleed (Gacmadheere) ayaa maalmo ka hor waxaa ra’isul wasaare u magacaabay madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ka dib markii uu malamo ka sii horeeyey uu madaxweynuhu sheegay inuu xilkii ka qaaday ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) xilka qaadistaasi ka dib helay kalsoonida baarlamanka Somalia iyo taageerada beesha caalamka, waxaana dad badani iswediinyaan sida iscasilaada Gacmadheere ay sharci ku tahay maadaama sida ay qabaan magacaabistiisii hore aysan sharci aheyn, waxaana is casilaadiisa ay ku soo beegantay xili la hadal hayo in maalmaha so socda uu xilka iska casili doono madaxewyne Yuusuf ka dib markii uu sii kordhay cadaadiska arintaasi la xiriira oo kaga imanaya beesha caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Though it is probably too late it really is the best thing he could have done for his own career prospects. He also spun it well by claiming he did so to help stop the feuding. :D

 

Imagine if AY resigned first, saaxib. This would have left Mr Long Arms looking as lost as a rabbit in the headlights. He would have been the subject of ridicule for a long long time to come. At least this way people will laugh at him for a day or two and things will be forgotten.

 

Whoever advised him to 'resign' did him a favour there but they really should have given him better advice earlier and told him not to accept this phantom job.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...Career prospect...cakuye riyo...I hope odayaashaan inaysan nagu soo noqon...They have destroyed Somalia already. Makax fayoow baan u baahannahay oo aan ahayn iyaga iyo kuwa daba ordaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this