Sign in to follow this  
General Duke

Puntland gov, Public and diaspora mournthe death of Adan Cade

Recommended Posts

adenade.jpg

 

allpuntland condolence page Madaxweynaha Puntland oo dhambaal Tacsi ah soo gaarsiiyey SBC Tv/Radio

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Max’uud Muuse Xirsi (Gen.Cade) ayaa maanta dhambaal tacsi ah wuxuu u direy eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geeriyadii ku timid Madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyada Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo shaley ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

 

Dhamaanka Tacsida ah ee uu soo gudbiyey Madaxweynaha Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey xafiiska wararka Idaacada & Telefishinka SBC ayaa madaxweyne Cade Muuse ku sheegay isagoo ku hadlaya magaciisa, magaca golayaasha xukuumada & golaha wakiilada, iyo shacabka Puntland uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo eheladii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyada Soomaaliya markii xornimada la qaatey.

 

Madaxweynuhu wuxuu ILAAH uga baryay Marxuumka in uu ka waraabiyo janadiisa fardawso, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna uu samir iimaan ka siiyo Aamin Aamin.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa lilaahay wa innaa ileyhi raajicuun. Ma dhinte waa Eebe

 

Jaaliyadda reer Puntland ee ku nool Switzerland waxa na soo gaartay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Madaxaweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, waxan si qushuuc leh tacsi ugu soo dirayaan xaaskiisa, inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen

 

Jaaliyadda reer Puntland ee ku nool Switzerland waxa na soo gaartay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Madaxaweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, waxan si qushuuc leh tacsi ugu soo dirayaan xaaskiisa, inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen oo uu ka geeriyooday marxuumku, eheladiisa, guud ahaan bulshada soomaaliyeed. Waxan Eebe uga baryeynaa in uu naxariisti jano ka waraabiyo anaga na naga samirsiiyo.

 

Geeridu waa xaq, waa na la wada sugayaa, waxase naxdin iyo qushuuc leh marka ay ku timaado qof bulshada u ah laf-dhabar iyo halyey qiimo weyn u leh sida Aadan cabdulle.

 

Aadan cabdulle waa tegey, wuxuse noo dhaafay dhaxal qiimo weyn ku fadhiyo, waxase loo baahanyahay in la garto sida loogafaa'ideysanlahaa. Wuxu ka tegey

taariikh dhaxalgal ah, talooyin iyo tusaal loo baahanyahay in lagu daydo laga na

faa'ideysto, mustaqbilka. Muddo dher ayuu Aadan cabdulle u soo halgamay gobanimada soomaaliyeed naf iyo maal na u soo huray. Wuxu ahaa curadkii iyo madaxweynihii Soomaaliya ugu horeyay, waxa na lagu yaqaanay caadilnimo, karti iyo maamul sharaf leh.

 

Aadan cabdulle wuxu ahaa nin qaran oo Soomaaliya si weyn looga jecelyahay, waxa badan na u soo qabtay dadkiisa iyo dalkiisa ba, xag dhaqan, xag diineed, xag maamul sharaf iyo karaamo loo qiray, xag siyaasadeed iyo isku xirka bulshada

Soomaaliyeed si nabad ay ugu wada noolaadaan.

 

Xubnaha jaaliyadda reer Switzerland oo tacsi soo direysa waa:

 

1. Prof. Maxamed Xareed Cali

2. X. Camabaro Jaamac

3. X. Ardo Gaawiido

4. Prof. Faarax Zakariye

5. X. Muuse Ibraahim Maxamed

6. Caasho Jaamac Cali Dheeg

7. Moxamed Cali Kalay

8. Maxamed Xaaji Nuur

9. Maxamed Cabdulqaadir

10. Cali Maxamed Warsame

11. Aamina Maxamed Cigaal

12. Zeinab Maxamed Cigaal

13. Maxamed Ciise Raage

14. Axmed Jaamac Cali

15. Cali Baashi Yusuf Axmed

16. Maxamed Aaden Fanax

17. Mahad Sheek Maxamuud

18. Yaasiin Cabdi cabdulle

19. Maxamed Sugule

20. Cadulqaadir Y. Weyrax

21. Cal Mire Kooreye

22. Dr. Xasan Cali Ciid

23. Xuseen Xasan Jarmal

24. Cadullaahi Cusmaan Cilmi

25. Cadicassis Aw Nuur Maxamed

26. iyo in badan oo kamid ah jaaliyadda

ANAGOO AH SHABAKADA CARMOOYIN.COM SIDOO KALE WAXAANU LEENAHAY AAMIN AAAMIN AAAMIN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn: Tacsi Geeridii Madaxweynihii Hore Marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan.

 

Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo aad uga tiiraanyeysan geeridii Madaxweynihii hore ee Ummadda Soomaaliyeed Marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan, wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

 

Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo aad uga tiiraanyeysan geeridii Madaxweynihii hore ee Ummadda Soomaaliyeed Marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan, wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meel ay Adduunka ka joogaanba caam ahaan, khaas ahaanna qoyskiisii iyo eheladiisii.

 

Waxaannu qireynaa inuu ahaa hogaamiye sharafna loogu doortey Madaxweynimada Soomaaliya, sharafna kaga degey markii uu si dimuqraadi ahna doorashadii u waayey.

 

Wuxuu Golaho Ummadda Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in abaal-marin looga dhiga in looga duceeyo Masaajidada iyo maalaha kale ee khayrka leh ee lago kulmo muddo 3 ilaa 7 maalmood ah.

 

Waxaannu kale oo ku hambalyeyneynaa Dawladda Dhexe ee Federaalka ah go'aanka ay gaadhey in aas Qaran loo sameeyo iyo in Garoonkii Caalamiga ahaa ee Muqdisho magaciisa loo bixiyo. INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobolada SSC.

 

Kala xiriir guddidassc@yahoo.com

 

CARMOOYIN.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this