Sign in to follow this  
Paragon

American soldiers held hostage in Somalia?

Recommended Posts

Paragon   

Xooggaga xaq u dirirka oo gacanta ku dhigay askar Mareykan ah

Posted to the Web Jan 16, 04:55

 

 

Muqdisho (Aayaha.com) 16.01.07 - Wararka naga soo gaaraya gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga xaq u dirirka ayaa xaqiijinaya in xooggaga xaq u dirirku ay gacanta ku dhigeen askar Mareykan ah, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamo Mareykan ah oo dagaalo kula galay xooggaga xaq u dirirka deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka, ka dib markii ciidamada Mareykanku ay dagaalkii dhinaca cirka ahaa wax kaga qaadi waayeen xoogagga xaq u dirirka, marka laga reebo xasuuq daran oo ay u geysteen shacab xoolo dhaqato ah .

 

 

Wararka la xiriira in xooggaga xaq u dirirka ay gacanta ku dhigeen askar Mareykan ah ayaa ahaa kuwo isa soo tarayey oo maalmihii ladoo dhaafayba soo gaarayey xarunta Aayaha.com ee Muqdisho. Innagoo weli ku guda jirna baaritaanka warkan ayuu mid ka mid ah ragga xiriirka dhow la leh mas'uuliyiinta sar sare ee Maxkamadaha oo isagu ku sugan Magaalada Muqdisho u xaqiijiyey Shabakadda Aayaha.com jiritaanka warkaan, isagoo sheegay in xiriir uu la sameeyey qaar ka tirsan mas'uuliyiinta Maxkamadaha ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ay u xaqiijiyeen jiritaanka qabashada askartaan Mareykanka ah.

 

 

Mas'uulkaan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo xagga amaanka ah ayaa in taa raaciyey in askartaan la qabtay ay ay dhan tahay tiro door ah. Mas'uulka aanu warka kasoo xiganay waxa uu xusay in qabashada ciidanka Mareykanka ay ay ka dambeysay kadib dagaal qaraar oo dhinaca dhulka ah oo dhex maray xooggaga xaq u dirirka iyo ciidamada Mareykanka.

 

 

Ciidamada Mareykanka ayaa dagaalkii ay ka wadeen dhinaca cirka ee duqeynta diyaaradaha u badalay mid dhuleed, ka dib markii ay moodeen in ay waxyeelo ba'an u geysteen xoogagga xaq u dirirka , hase yeeshee xooggaga xaq u dirirka ayaa cashar lama iloowaan ah u dhigay ciidamadii Mareykanka ee dagaalka dhinaca dhulka la galay xoogagga xaq u dirirka, iyadoo la soo sheegayo in ay jiraan dhimashada askar aad u fara badan oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, halka qaar iyagoo nool ay gacanta ku dhigeen xoogagga xaq u dirirka.

 

 

Guushaan ay soo hooyeen xoogagga xaq u dirirka ayaa ah mid guul weyn u ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo jabkan loo geystay ciidamada Mareykanka uu ka horeeeyey jab kale oo ay xoogagga xaq u dirirka u geysteen ciidamaa cadowga Itoobiya, kadib markii gawaari kolonyo ah oo ay lahaayeen ciidamada Itoobiya gabi ahaanba la gubay iyaga iyo ciidankii cadowga ee saarnaa.

 

 

Mareykanka oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay joojiyay duqeyntii dhinaca cirka, isla markaana idaacadaha ka sheegay in loo baahan yahay in Maxkamadaha laga qeyb geliyo wadahadalada dib u heshiisiinta ayey ragga siyaasadda u dhuun daloola faaqideen.

 

 

Aqoonyahanno ku taqasusay siyaasadda ayaa Aayaha.com u sheegay in mar kasta oo Mareykanka nolol looga qabsado askar ka tirsan ciidankiisa uu markaa Mareykanku dagaalka joojiyo, wada hadalna ku bedelo, isagoo daneynaya in aan la waxyeeleyn askarta nolosha looga haysto.

 

 

Khubarada siyaasadda ayaa intaa ku daray in Mareykanku dadaal walba u geli doono sidii uu maslaxad iyo wada hadal ugu dhameyn lahaa askarta nolosha looga qabsaday.

 

 

Waxaa diyaarinta warkan ka qeyb qaatay Tifaftirayaasha Aayaha.com xafiisyadooda Muqdisho, Nairobi, Minnesota, iyo London

 

 

Aayaha.com

Editor@aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this