Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

Breakingnews Barre hiiraale on his way to kismayo with tikniko

Recommended Posts

Kismaayo (PP) - Wararka ka imaanaya Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay dhawaan la wareegeen gacan ku haynteeda Maxkamadaha Midoobay ayaa waxay sheegayaan in meel u jirta 30-km uu soo gaaray Barre Hiiraale oo wata Malleeshiyooyin aad u fara badan.

 

Warka ayaa intaas ku daraya in Col. Barre Hiiraale oo ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu qorsheynayo inuu weerar ku qabsado Degmada Kismaayo mar kale, waxaana magaalada uu isaga baxay 24-kii bishii la soo dhaafay kaddib markii ay kaga yimaadeen dhanka Maxkamadaha Hanjabaado ah inay dagaal ku qabsan doonaan Magaalada Kismaayo.

 

Xubin ka tirsan Maxkamadaha Midoobay oo ku sugan Magaalada Kismaayo kulana hadlay ragga wararka fidiya gudaha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inaysan qorsheynayn ka maxkamad ahaa inay dagaal galaan, balse ay doonayaan inay wax walbna ku dhameeyaan nabad iyo wadahadallo.

 

Warar hoose oo ay Puntlandpost ka helayso dhanka magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in xubnihii hore ee isbahaysiga oo ku haray Magaalada Kismaayo laga cabsi qabo inay dagaalka uu wado Barre Hiiraale ka qaybgalayaan, waxaana wararku ay sheegayaan inay Xubnaha Maxkamadaha ee ku sugan Kismaayo waardiye ka hayaan xubnahaas oo uu ka mid yahay xoghayihii Maaliyadda Jubbooyinka.

 

Sidoo kale Malleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa waxaa la sheegay inay ka soo baxeen Degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada dhexe halkasoo ay gaareen goor dhaweyd, waxaana ka soo bixitaankooda lagu sheegay inay tahay kulaalidda la soo kulaalay Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this