Sign in to follow this  
MoonLight1

Hadaad wax isku heysaan, banaanka is keena.

Recommended Posts

Afhayeenka Milateriga "Hadii ay wax isku hayaan Mucaaradka, banaanka ha is keenaan, waxba yeysan shacabka dhexdiisa uga dagaalamin"

 

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda KMG Farxaan Casaanyo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee dhowaan la geeyay Degmada Dharkeenley arrimo ammaan loo geeyay, waxaana uu xusay in aan iyagu dooneyn inay shacabka dhexdiisa ka dagaalamaan.

 

Afhayeenka ayaa ka codsaday Kooxaha Mucaaradka ee Dowladda ka soo horjeeda inay banaanka is keenaan oo aan shacabka dhexdiisa lagu dul dagaalamin si dagaalka u soo afjarmo.

 

"Hadii ay wax isku hayaan Mucaaradka, banaanka ha is keenaan, waxba yeysan shacabka dhexdiisa uga dagaalamin, maxaa yeelay xasuuqa shacabka ayay doonayaan"ayuu yiri Afhayeenka Milateriga.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kooxaha ku dhuumaaleysanaya Bulshada dhexdooda ay muujineyso fuleynimadooda iyo in ay xasuuq la doonayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu kaloo sheegay in kooxaha sheeganaya Mucaaradka laga doonayo in banaan weyn ay iskeenaan si loo ogaado cidda wax isku heysa isla markaasina loogu kala boxo dagaallada

 

Dagaallada Muqdisho ka soconaya ee soo noq noqday ayuu sheegay ay ugu wacan tahay iyadoo aan lagu dagaalamin meel fagaare ah oo aanu cidina joogin, sababta ugu weyn ee ay dagaalada wali uga socdaan Muqdisho ayuu ku macneeyay inay tahay in shacab dhexdiisa lagu dagaalamayo, isla markaana koox walba ay ku hoos dhuumaneyso daaraha, taasna ay tahay waxa uu wali dagaalka u soo afjarmi la'yahay.

 

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this