MoonLight1 Posted May 28, 2009 Afhayeenka Milateriga "Hadii ay wax isku hayaan Mucaaradka, banaanka ha is keenaan, waxba yeysan shacabka dhexdiisa uga dagaalamin" Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda KMG Farxaan Casaanyo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee dhowaan la geeyay Degmada Dharkeenley arrimo ammaan loo geeyay, waxaana uu xusay in aan iyagu dooneyn inay shacabka dhexdiisa ka dagaalamaan. Afhayeenka ayaa ka codsaday Kooxaha Mucaaradka ee Dowladda ka soo horjeeda inay banaanka is keenaan oo aan shacabka dhexdiisa lagu dul dagaalamin si dagaalka u soo afjarmo. "Hadii ay wax isku hayaan Mucaaradka, banaanka ha is keenaan, waxba yeysan shacabka dhexdiisa uga dagaalamin, maxaa yeelay xasuuqa shacabka ayay doonayaan"ayuu yiri Afhayeenka Milateriga. Sidoo kale waxaa uu sheegay in kooxaha ku dhuumaaleysanaya Bulshada dhexdooda ay muujineyso fuleynimadooda iyo in ay xasuuq la doonayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu kaloo sheegay in kooxaha sheeganaya Mucaaradka laga doonayo in banaan weyn ay iskeenaan si loo ogaado cidda wax isku heysa isla markaasina loogu kala boxo dagaallada Dagaallada Muqdisho ka soconaya ee soo noq noqday ayuu sheegay ay ugu wacan tahay iyadoo aan lagu dagaalamin meel fagaare ah oo aanu cidina joogin, sababta ugu weyn ee ay dagaalada wali uga socdaan Muqdisho ayuu ku macneeyay inay tahay in shacab dhexdiisa lagu dagaalamayo, isla markaana koox walba ay ku hoos dhuumaneyso daaraha, taasna ay tahay waxa uu wali dagaalka u soo afjarmi la'yahay. Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted May 28, 2009 This reminded me when I was a kid, if another child troubles you we used to say, banaanka is keen.lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
LayZie G. Posted May 28, 2009 LOL, ragiisa waaye. Wallee run buu sheegay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted May 28, 2009 This is childish. Sharif govt officials need less talk and more action before the takfiirs take over the capital. Quote Share this post Link to post Share on other sites