Liibaan Posted October 25, 2009 Puntland Oo Kahadashay Shirkii Nairobi Iyo Gobolada Maqan 09Puntlnad ......"Dadka SSC wixii dan u ah, maamulka Puntlanda ay dan u yihiin, oo aysan ka hor imaanayn wixii danta *********** ku jiraan oo aan bulshada u keenayn kala qaybsanaan una keenaya midnimo taabo gal ah waa taageersan nahay". Wasiirka duliista hawada Ahmed Garaash oo shir khaasa la yeeshay Jaaliyada SSC ee magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu doonayo inuu qeexo siday ay deegaanada Puntland u yihiin gobolada SSC, iyo sida ay uga go’antahay inay raadiyaan midnimada beesha una xorreeyn lahaayeen caasimadda SSC ee Sool iyo deegaanada ka maqan gobolada SSC ee Putnland. Ujeedooyinka kale ayuu ku qeexay sida baahi loogu qabo inay qurbajoogtu taageeraan midnimada dadkooda iyo ka shaqeynta horumarka iyo nabada deegaanada putnland. Wasiirka oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey in dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn aanay kaga maqnayn, mar uu ka hadleyey wasiirku waxqaybsiga beelaha Puntland iyo maamulka Puntland ayuu wasiirku sheegay in beelaha ssc leeyihiin 6 lix wasiir iyo 3 saddex wasiir ku xigeen iyo Madaxweyne ku xigeenka. sidaas darteedna aanay wax ka maqan jirin marka loo eego wax qaybsiga beelaha ku midoobay Puntland ee walaalalaha ah. Mar la waydiiyey sida uu arko hogaanka ssc ee laga dhisay Nairobi ayuu wasiirku uga jawaabay si taxadderleh isagoo sheegay in dadka ssc wixii dan u ah, maamulka Puntlanda ay dan u yihiin, oo aysan ka hor imaanayn wixii danta *********** ku jiraan oo aan bulshada u keenayn kala qaybsanaan una keenaya midnimo taabo gal ah. Wasiirka ayaa xusya in loo baahan yahay inaynu isku si u aragno maqnaanshaha deegaanada maqan aynuna iska kaashano, dhaamaanteen ama xagga ha joogeen, ama qurbaha , ama Puntland ah noqotee. Widhwidh Online News Des..Media Center Mar la waydiiyey sida uu arko hogaanka ssc ee laga dhisay Nairobi ayuu wasiirku uga jawaabay si taxadderleh isagoo sheegay in dadka ssc wixii dan u ah, maamulka Puntlanda ay dan u yihiin, oo aysan ka hor imaanayn wixii danta *********** ku jiraan oo aan bulshada u keenayn kala qaybsanaan una keenaya midnimo taabo gal ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites