Saalax Posted November 18, 2010 Wargayska The Enterprise News-paper Oo Markii Kobaad Isku Mar Ka Soo Baxay Waddanka Ingiriiska Iyo Somaliland, Daawo Bogga Hore (Hadhwanaagnews) Thursday, November 18, 2010 (London-HNW) Wargayska The Enterprise News-paper ayaa markii kobaad isku mar ka soo baxay waddanka Somaliland iyo dalka Ingiriiska, Joornaalkan ayaa hore uga soo bixijiray carriga Ingiriiska, isagoo wax ka qora arrimaha Somaalida ku dhaqan dalkan Ingiriiska, haddaba sherkada soo saarta wargayskan ee West Publishing ayaa ku gulaysatay inay shalay markii kobaad uu isku mar ka soo saran wargayska Somaliland iyo dalka Ingiriiska. Haddaba waxaanu wax ka waydiinay siday arrintani ugu suuro gashay guddoomiyaha sherkada Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xinwaal) isagoo ka jawaabaya su’aashana wuxuu yidhi” Muddo ayuu wargaysku ka soo baxaayay dalkan Ingiriiska, markii aanu aragnay baahida loo qabo in aanu dalkii gaadhsiino ayaanu ku dhiiranay, yadoo aad garan karto inay aad u adagtahay in isku mar uu wargaysku ka soo baxo Somaliland iyo Uk”. Si kasta oo ay tahay arrintan ayaa ah talaabo horumar ah oo ay qadayaan qurbajooga u dhashay Somaliland yadoo arrintani sii xojinayso xidhiidhka qurbajooga iyo dadka gudihii jooga. Hadhwanaagnews/London Quote Share this post Link to post Share on other sites