Jacaylbaro Posted June 14, 2009 Warar goor dhaweyd soo baxay ayaa sheegaya inuu socdo kulan heer Caalamiya oo looga arrinsanayo Isgaarsiinta Koofurta Somalia sida laga yeelayo maadama dowladda ay geleeyso xaalado colaadeed oo lagu doonayo in lagu wiiqo huwanta Xasan Dahir iyo Axmed Godane. Saraakiil xog ogaala ayaa tilmaamay in kulanka lagu go-aamin karo in Isgaarsiinta koofurta Somalia guud ahaan la damiyo. Dowladda Federalka iyo khubarada dagaal ee dejinaya xeeladaha cusub ee lagu wajahayo huwanta la baxay Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaa qabo in war Isgaarsiintu tahay halis loo baahan yahay in la wiiqo ka hor inta aan la gelin gulufka colaadeed. Ciidamada dowlada ayaa Mogadishu ka galay is abaabulkii ugu badnaa,waxaana la sheegayaa in guud ahaan goboladda Somalia uu ka bilaabanayo dagaal halmara. Ciidamadii ugu badnaa ee ay horkacayaan maamulkii laga eryay Bay iyo Bakool ayaa soo buux dhaafiyay Aaga Ceelbarde,waxayna dadka degaankaas sheegayaan inay isu jiraan wax ka yar 10 KM. Rabdhuure meel 15 KM ka xigta xadka Somalia waxaa soo buux dhaafiyay ciidamo lixaadleh oo u wato Barre Hiiraale. Ciidamo uu wato Wasiirka amniga Qaranka Somalia ayaa dhinaca wadada kalabeyr ee gobolka Hiiraan ka wado dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku hakiyeen isu socodka Gaadiidka wadadaas isticmaala Col Cumar Xaashi Waxaa la sheegay inuu duulaan ku yahay Maxaas iyo Buuloburde hasse yeeshee,lama ogga goorta sida rasmigaa u dhici doono hoowlgalka dagaal ee dowladda damacsan tahay. Warar hoosaadyo la xaqiijiyay ayaa sheegay in kooxda la baxday Shabaab ay caawa Miinooyin ku xireen Saraha ama dabaqyadda NBC,Albaraka,Warshad a caanaha iyo gaashandhiga si hadii looga adkaado ay ugu adeegsadaan qaraxyo lagu hoobto. Huwanta Ahmed Godane iyo Xasan Dahir waxay degaanadeey joogaan ka wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ugu diyaar garoobayaan dagaalka. Duulaanada ugu culus Mogadishu ee dowladda waxaa kala hogaaminaya Yusuf Indhacadde,Cabdi qeybdiid,Cabdi Fitaax Shaaweey,Goobaale iyo Maxamed Cismaan dhagaxtuur,waxaana dagaalkooda looga dhigay laf dhabar Ciidamadda Amisom oo xog lagu helay inay ka caawinayaan madaafiicda gurmadka iyo la wareegida Isgoysyada faras magaalaha gobolka Banadir. Kooxaha dowlada dagaalada qorsheysan kula jira,waxaan la ogeyn guulaha dagaal lala galo,laga gaari doono hasse yeeshee marka la qiimeeyo xaalada ay ku sugan yihiin shacabka Mogadishu waxaa muhiima inay labada dhinac,dhan u dhacdo marxalada ku dhisan dhimashada,dhaawaca, barakaca iyo daryeel la'aanta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted June 14, 2009 War adiga ya warka ku siiya? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 14, 2009 This is waagacusub ,,, so i don't take them seriously lakin sometimes they could be right ,, no ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 14, 2009 JB, don't worry, it is another Ethiopian 'Invasion' but this time they are 'liberators' and no call or bad news needs to go out... cut the the telephones but that is highly unlikely... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 14, 2009 Waar expect anything from those crooks niyow .... they will call it "the 7 day operation against Alqaeda" and will switch off the communications. Quote Share this post Link to post Share on other sites