Jacaylbaro Posted May 23, 2010 Hargeysa (Waaheen) – Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Komishaneer Cali-Khadar Xassan Cusmaan (Cali-Kubad)iyo Wafti uu hogaminayo oo ay ka mid yihiin komishaneer C/raxmaan Maxamed Ismaaciil ( Dixood )iyo La taliyaha dhinaca Sharciga ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Garyaqaan Khadar Maxamed Guuleed ayaa shalay gadhay wadanka Ethiopia iyagoo ku sii Jeeda wadanka Ingriiska. Gudoomiye ku xigeenka iyo wafdiga ayaa maanta waxay ka Qayb gali donaan oo ay goob joog ka noqon donaan doorashada ka dhici doonta wadanka Ethiopia taas oo ay ka faidaysan donaan mudada gaban ee ay jogaan caasimada wadankan Ethiopia wafdigan oo shalay la kulamay xubnaha safarada Ingiriiska. Waftigan Komishanka iyo Garyaqaankooda ayaa u tagaya wadanka Ingriiska daabacaada Waraaqaha Codayanta iyo in ay la kulmaan kambaniga daabacaya waraaqaha Doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dhacdo bishan inagu soo fool leh ee June 26 da . Waftiga ayaa ka dhawaajiyay in ay hayaan tirada qaadatay ilaa hadda kaadhadhka codaynta inta ay tahay wixii qaata maalmaha lagu daray ee tobanka ahna ay ka soo daba dirayaan tiradooda komishanka qaranku. Dhinaca kale, Wejigii labaad ee hawsha kaadhadh bedelista ayaa maanta ka bialabantay guud ahaan Degmooyinka dalka oo dhan. Wejigan labaad ee qaybinta kaadhadhka ayaa ku talo galku yahay inay ka socoto degmooyinkii hore ee doorashada muddo toban maalmood ah, si ay fursadan dheeraadka ah ee dadweynaha la siiyey ay uga faa’iidaystaan inay ku bedeshaan kaadhadhkoodii hore, gaar ahaana dadkii markii qaadan waayey fursad u siinaya inay haatan qaataan. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), oo u waramayay TV-ga Universal, ayaana cadeeyey in qaadashada kaadhadhku mar labaad shalay ka bilaabantay goobaha heer degmo ee guud ahaanba dalka Somaliland. Isla markaana waxa uu intaa ku daray in hawsha qaadashada kaadhadhku muddo toban maalmood ah oo Sabtida maanta ka bilaabmaysa ay socon doonto isaga oo ugu baaqay dadweynaha aanay u suuragalin inay toddobadkii hore ee hawshani socotay aan nasiib u helin inay qaataan kaadhka diiwaangelinta ay ka faa’iidaystaan fursaddan tobanka maalmood ah ee ay goobaha degmooyinka ka soconayso bixinta kaadhadhku. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxa uu u mahadceliyey guud ahaanba hawlwadeennadii ka shaqaynayay bixinta kaadhadhka muddadii toddobaadka ahayd ee ay hawshaasi socotay. kuwaasoo uu sheegay inay muujiyeen dareen waddaniyadeed iyo adkaysi ay ku waajeheen duruuffo badan oo soo foodsaaray muddadii ay ku guda jireen beddalaadda iyo bixinta kaadhadhka cusub. Isaga oo intaa ku daray inay inay dhalinyartii ay Guddi ahaan hawshaas u igmadeen guteen waajibaadkii saarnaa, kana run sheegeen dhaartii ay Qaranka u dhaarteen. Mr. Ciise-Xamari, waxa uu sheegay in marka tobanka maalmood ee ay goobaha degmooyinka ka socoto qaadashada kaadhadhka cusub oo maanta ka bilaabantay marka ay dhammaadaan, looga gudbi doono ololaha doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyey inay qabsoonto 26-ka bisha Juun 2010 ee foodda innagu soo haysa. ololahaas oo ay Xisbiyada Siyaasadda ee ku tartamaya doorashada madaxtinimada dalka ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, kuwaasoo dadweynaha u soo bandhigi doona barnaamijyadooda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay doonayaan in lagu kala doorto. Waxaanu Guddoomiyuhu xusay in ololaha xisbiyadu socon doono muddo 21 maalmood dhan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 23, 2010 Learning from the best on how to rig elections eh. Quote Share this post Link to post Share on other sites