General Duke Posted June 20, 2008 Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay sadax nin oo waday waxyaabaha qarxa 20 June, 2008 By _Dowladnimo Howlgal ay fuliyeen ciidamada Booliska magaalada Gaalkacyo ayey saakay ku soo qabteen sadax nin oo walxaha qarxa sida, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha magaalada xili xalay magaaladaasi uu ka dhacay qarax gilgilay magaalada uuna ku dhintay nin nabadoon ahna ganacsade. Sadaxdan nin ayaa la sheegay in lagu haayo xabsiga magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo Booliska ay weydiinayaan su'aalo fara badan, waxaana raggaasi looga shaki qabaa in ay ku lug leeyihiin qaraxii xalay ka dhacay Gaalkacyo walow aan la ogeyn xaqiiqda jirta. Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo maamulka gobolka Mudug shirar ay ugu hadlayeen amaanka gobolka la filayo in ay isugu yimaadaan. Maamulka Gobolka Mudug oo aan la xariirnay si uu warbixin nooga siiyo xaaladda magaalada Gaalkacyo ayuu ka gaabsaday walow uu sheegay in war cad uu ka soo saari doono amaanka Gobolka. Quote Share this post Link to post Share on other sites