Jacaylbaro Posted March 30, 2008 Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland,Md. Cali Ibrahim Maxed (Cali Sanyare), ayaa galabta u ambo baxay dalka Switzerland, oo uu sheegan in ay ka haleen marti qaad rasmi ah. Weftigan waxa kale oo xubno ka ah Wasiirada Wasaaradaha caafiomaadka Md. Cabdi Haybe Maxamed iyo waxbarashada Md. Xasan Xaaji Maxamud Warsame [Gadh-weyne] iyo wakiilka Somaliland ee dalka Swizer-land. Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Md Cali Sanyare, ayaa sheegay inu maamuleyaasha Swizerland kala hadli doonaan xidhiidh dublamaasiyadeed iyo wax wada qabsi oo dhex mara labada dal. Wasiirku ma uu sheegin socdaalkoodu mudada uu qaadan doono iyo in ay dalalkale tagi doonaan iyo in kale. Sida laga war qabo weftigani waa kii ugu muhiimsanaa ee masuuliyiin Somaliland ahi ay ku tagaaan dalkaasi.tan iyo mudooyinkii ina dhaafayna xukumada Somaliland waxa ay xidhiidh aad u wanaagsan oo garowshiiyo ah la lahayd dawladaha caalmka dhamaantood, siiba dawladaha waaweyn ee dunida, xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ayaa hada maraaya xagii ugu saraysay tan iyo intii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada dawladnimadii Somaliland ee 1960-kii xornimadeeda ka qaadatay dalka Ingriisk, isla markaasina la midowday dalka Somalia ee uu gumaysan jiray dalka Talyaanigu, xiligani ayaa madax kala gadisan oo dunida ka mid ahi ay ku soo qul qulaan dalka Somaliland xaga dhank kalena ay madaxda Somaliland iyaguna booqdaan dalalka caalmka iyaga oo dadaal ugu jira qadiyadooda iyo danaha shacbkooda, taasi oo soo jiidatay dalal aad u tirio badan. Dhanka kalena xiligan ayaa ay dalka ka jiraan abaaro ay xukumada Somaliland ay dhowr jeer ka muujisay qaylo dhaan kuwaasi oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraaya isla markaasna xukumada Somalilandna ay la tacaalayso, inta karaankeeda ah, taasi oo ay xukumadu hada u dajisay qorshayaal. Quote Share this post Link to post Share on other sites