Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland security forces capture former governor staff

Recommended Posts

Gaalkacyo: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray iyo Wiilkiisii oo la raadinayo.

25. august 2009 

 

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Cabdi-Nuur Maxamed Diiriye (Geeseey) loo yaqaano ayaa ciidamada dowladda Puntland ay xireen habeenadii xalay, waxaana manta la geeyey Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

 

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in sababta loo xiray ninkan mar soo maray gudoomiye gobal ay tahay, ayadoo lugu eedaynayo falal kala gedisan oo ay ku jiraan ka qeyb-qaadashada falal looga soo horjeedo horumarka iyo amaanka gobalka Mudug.

 

Ciidamada dowladda oo qabey amar soo qabasho ayaa xalay saqdii dhexe xoog ku galay guri uu ku jiray C/nuur Max’ed oo maalmihii ugu dambeeyey aan lugu arag goobaha dadku ay iskugu yimaadaan, luguna xamanayay in uu wax ka ogaa dilkii Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Puntland.

 

Mr. Geeseey ayaa su’aalo ay weydiinayaan ciidamada amaanka ee dowladda Puntland iyo gudi khuburo oo loo saaray soo baarida kiiskii lugu dilay Wasiirkii Warfaafinta dowladda Puntland.

 

Saraakiil sare oo ka tirsan Gudigaasi oo ka gaabsaday sheegida magacyadooda lana hadlay AllPuntland ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo ay ku howlan yihiin soo xiritaankooda, kuwasoo ay sheegeen in ay qeyb ka yihiin falal badan oo amaan daro.

 

Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa ku howlan soo qabashada wiil uu dhalay C/nuur Maxamed Diiriye (Geeseey), kaasoo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

 

Talaabooyinkan ay qaaday dowladda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili gudiga Amniga qaranka ee Puntland ay soo saareen bayaano ku aadan xaaladaha gobalka Mudug iyo xaalad deg deg ah oo lugu soo rogay magaaladaasi, markii ay halkaasi gaareen Madaxda dowlada Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyihii hore ee Mudug oo Xabsiga la dhigay

August 25, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (16) Horseed Media

Gaalkacyo, Puntland

 

Guddoomiyihii hore xilka looga qaaday ee gobalka Mudug, ayey ciidamada Booliiska ee Puntland Xabsiga u taxaabeen kadib markii uu wiil uu dhalay dil geystay.

 

Cabdinuur Maxamed Diiriye (Geesey) ayaa saaka xabsiga Gaalkacyo la dhigay kadib markii wiil uu dhalay uu shalay dil bareer ah u geystay nin dhalinyaro ah bartamaha magaalada Gaalkacyo.

 

Wiilka uu dhalay Guddoomiyihii hore ayaa ka baxsaday magaalada Gaalkacyo asagoo u tilaabay dhinaca koonfureed ee xaafada Baraxley, halkaasi oo warar hada kasoo baxaya sheegayaan inay ka socdaan hawlo lagu qabanayo ninkaasi dilka geystay.

 

Dilkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo horey xiisadi uga taagneyd magaalada Gaalkacyo kadib markii la dilay Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seeft Banaanka)

 

Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo Mr.Geesey ayaa horey xilka looga qaaday ayadoo uu jiray tuhun ah inuu gacan ku lahaa dilka Wasiirka, walow aan wax danbi ah lagu soo oogin. Guddoomiyihii hore ayaa wiilkiisa wuxuu kamid ahaa ragga la tuhunsanaa inay falalka dilalka Gaalkacyo wax ka geysto.

 

Ayadoo dilka uu ku kacay wiilka Cabdinuur Geeseey ay soo dadajisay xarigiisa.

 

Cabdinuur Geeseey oo markii xilka laga qaaday wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay inuu asagu joogo guddaha magaalada Gaalkacyo, xili ay jireen warar horey usoo baxayey oo sheegayey inuu isaga baxay magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdinuur Geeseey ayaa dhaliiceyn dusha uga tuuray hogaanka Puntland, inaysan waxna ka qaban karin xiisada ka taagan Gaalkacyo, asagoo sheegay inay tahay in dowlada ay isu deyso in beelaha Mudug ku dhaqan dhexdooda heshiiyaan.

 

Hadaba dilka maanta ayaan la ogeyn inuu salka ku hayo dilkii hore ee ka dhacay magaalada ee lala beegsaday Wasiirkii hore ee warfaafinta. Balse marxuumka la dilay waxay Qaraabo yihiin Wasiirkii Warfaafinta Seefta Banaanka.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa habeekii bandow ku jirta, ayadoo dilka maanta ka dhacay Gaalkacyo uu markale waji gabax ku yahay dadaalkii ay madaxda ugu sareysa Puntland ka wadeen magaalada.

 

Weli waxaa magaalada ku sugan Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, intii badneyd xukuumada Puntland iyo saraakiisha Amniga.

 

Xaalada magaalada ayaa hada ah mid xiisadi ka muuqatay xalay, ayadoo ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliiska lasoo dhoobay jidadka waaweyn ee magaalada, isla markaana uu hakad ku yimid habeenimadii isu socodka dadka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddomihii hore ee Mudug oo xabsiga loo taxaabey

25 Aug 25, 2009 - 2:24:29 AM

 

Waxaa habeenkii xaley ciidamada amaanka ee Puntland xabsiga u taxaabeen gudoomihii hore ee gobolka Mudug Cabdnuur Max'ed Diiriye (Geesey) kaasoo Madaxweynaha DGPL oo iminka ku sugan Galkacayo dhowaan xilka ka qaadey.

 

Gudoomiyaha hore ee gobolka Mudug oo horey loogu eedeyey balse isagu beeniyey inuu ku lug lahaa dilkii foosha xumaa ee loo gaystey Wasiirkii Warfaafinta Puntland ayaa Wiil uu dhaley waxaa dil bareer ah bartamaha magaalada Galkacayo shaley ugu gaystey 24 August,2009 marxuum Goobe Cali Xoobaar oo kasoo jeeda ilsla beesha uu ka dhashay Alaha U naxariistee Warsame Cabdi Shirwac.

 

Ciidamada amaanka Puntland oo isugu jra Booliis iyo Darawiish ayaa xaley iyo shaley baritaano xoogan ka sameeyey xaafado ku yaala Galkacayo iyada oo wararku sheegayaan in howlgalkaan lagu soo qabtey Gudoomiyihii hore ee Mudug Cabdinuur Maxamad Diiriye "Geeseey" kaasoo iminka lagu hayo xabsiga dhexe ee gabolka.

 

Wararka aan ka heleyno sarakiisha ciidamada ayaa sheegeya in Mr.Geseey uusan wax diidma ah ka sameyn markii xoogaga amnigu qabanayeen iyada oo Wiilkiisa dilka gaystey aan weli gacanta lagu soo dhigin.

 

Wiilka Guddoomiyaha oo dilka gaystey ayaa wararku sheegayaan inuu ninkaan dhalinyaradaha diley kadib markii wadahadal la xiriira dilkii horey loola begsadey Wasiirkii Warfaafinta uu dhexmarey Marxuumka geeryoodey.

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ayaa Garowe Online u sheegey in dhamaan la xirey Wadooyinka ka baxa ama soo gala magalada Galkacayo halkas ay ka socdaan baaritaano lagu hayo Gadiidka.

 

Talaabadan dilka ayaa noqotey mid shacabka daga gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacayo ay aad ugu xumaadaan xili lagu guda jiro baadigoobkii gacan dhiiglayashii dilka u gaystey Wasiirkii hore ee Warfafainta Warsame Cabdi Shirwac Alaha u naxariitee.

 

Dilalka ku saleysan aaneysiga qabiil ayaa waxaa ay fara kulul ku hayaan gobolka Mudug beelaha wada daga taasoo keentey in maamulka cusub ee Puntland madaxdiisa sare muddo sadex asbuuc ku dhow ku sugnaadaan Galkacayo.

 

Saraakiil sare oo ka tirsan mamulka Puntland ayaa warsidahaan u sheegey in aysan ka tageyn gobol tan iyo inta laga soo dhisayo golaha deganka oo soo dooran doona duqa magalada, Gudoomiyaha gobolka Mudug, hoggaamiye-yaasha ciidanka iyo Garsoorka Maxkamadaha.

 

Waxaa gaba-gaba ku dhow dhismihii golaha deganka Galkacayo iyada oo la filayo iney doortaan hadii mamulku ansaxiyo xulashada xubnahaan Duqii magaalada.

 

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

A good first step to find out who was behind the killing of Minister Seefta Banaanka alaha u naxariistee. Mudug clans should sign on capital punishment (Qisaas) for killers. "Walakum fil qisaasi xayaa"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
Dabshid, he has zero thing to do with it but the guy was already a suspect of the minister's death and that is where my argument is directed @

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Puntlandpost

 

xabisga Gudoomiyaha ayaa waxa uu ka danbeeyey sida la sheegay ka dib markii wiil uu dhalay si bareer ah u dilay wiil dhalinyaro ah bartamaha magaalada Gaalkacyo.

This is garoweonline trying to spin this and make it out to have to do with ministers death. Why would they arrest him now? He'll be released soon, you'll see. However, in Somalia sometimes they will arrest the parents of a killer if he has fled, since it is so easy to flee and get away, the arrest the parents. This has nothing to do with the information minister, it has to do with the murder that the governor son committed today, and the fact that they can't arrest him!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
ThankfulSP, you are supporting the former governor out of thin air. Under his watch the minister was murdered, right?. Remember, peace is not an orphan, it is the interest of all. Don't ever try to apply justice selectively that is when we all doom to fail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this