Sign in to follow this  
Cowke

What Really Caused The Galkacyo Skermish Recently? Opinion Piece

Recommended Posts

Cowke   

Maxaa Ka Ogtahay Xaqiiqda Dhabtaa ee Dagaalkii Gaalkacyo Iyo Siraha Qarsoon.

 

November 2, 2009

 

Assallaamu Caleykum Dhammaan Akhristayaasha Sharafta Badan.

 

Waxaan qalinka u qaatay oo aan rabaa in aan sigaar ah ugu iftiimiyo akhristayaashayda sharafta badan xaqiiqda dhabta ah ee ka danbaysa dagaalkii ka dhacay Gobolka Mudug gaar ahaan Xarunta Gobolka ee Gaalkacyo maalintii shalay.

 

Sidaan lawada socono waxaa dagaal gaystay khasaaro iskugu jira dhimasho dhaawac iyo boob hanti uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxa uuna ahaa dagaalkaasi kii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo mudooyin sanado ah, Haddaba Su’aashu waxay tahay maxaa soo dadajiyey inuu dhaco dagaalkaan?

 

Marka Hore Aan Dib-umilisano Doorashadii Duqa Degmada Gaalkacyo Iyo Waxa Uu qabtay illaa Hadda.

 

Sidaad ogtihiinba waxaa Duqa Degmada Gaalkacyo loo doortay Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan August 27, 2009, ka gadaal markii uu cod aqlabiyad leh kaga guulaystay Duqii Hore Md. Axmed Cali Salaad.

 

Duqa Gaalkacyo Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxaa uu kasoo jeedaa Qoys si weyn caan uga ah Gobolka Mudug oo dhan si gaar ahna loo tixgaliyo, waana nin ku barbaaray kuna hanaqaaday Magaalada Gaalkacyo si aad ahna u yaqaan Magaalada dadkeeda oo dhan iyo xaafadaheeda.

 

Haddaba tan iyo markii Duqa Degmada loo doortay Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxa uu bilaabay inuu marka hore saxo, wixii ka khaldanaa Maamulka Dowlada Hoose ee Gaalkacyo iyo inuu soo cesho bilicda magaalada gaalkacyo qodobadaas oo ahaa kuwa ugu culus ee horyaalay Duqa Gaalkacyo oo ay dadka reer Gaalkacyoodna ay isha ku hayeen bal qaabkuu umaareeyo Amuurahaas Duqa Degmada Gaalkacyo.

 

Isla waxyar kadib Duqa Degmada Gaalkacyo Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxa uu sixid ku sameeyey qaabkii ay u shaqayn jireen dhammaanba shaqaalihii dowlada hoose ee Degmada Gaalkacyo, isagoo waliba Shaqaalihii Dowlada Hoose ka dhigay kuwo leh Tayo iyo Aqoon.

 

Markuu guda galay kadib howlihii loo igmaday waxa uu durbadiiba muujiyey waxqabad muuqda isagoo dib usoo celiyey bilicdii magaalada Gaalkacyo, Sida Xeradii Dayax oo ka nadiifiyey qashinkii kana guray, oo nidaam iyo kala danbayna uu dhexdeeda kasameeyey kaas oo ay ku diirsadeen Guud ahaan bulshadii reer gaalkacyo, gaar ahaana Dadkii ay dhibka gaarka ah ku haysay ee Xaafadda Garsoor.

 

Isagoo daba jooga soo celintii bilicda magaalada Gaalkacyo, ayaa shalay oo ay ahayd 28 Oct 2009 markuu waagu baryey, ayaa Duqa Degmada oo horkacaya Ciidamadii Dowlada Hoose iyo Shaqaalihii, ayey waxay burburin ku sameeyeen dhismayaashii sharci darada ahaa ee ku yaalay Suuqa Weyn ee Gaalkacyo, isla wax yar kadib waxaa howshii burburintu isku badashay Dagaal Gacan kahadal ah, oo sababay dhimasho iyo dhaawacba, haddaba dagaalkaasi xaqiiqo ahaan muxuu salka ku hayaa.

 

Xaqiiqda Dhabtaa Ee Dagaalkii Ka Dhacay Gaalkacyo

 

Haddaba waxaan su’aal ka taagnayn in uu shalay dagaalku ka dhacay Suuqa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, kaas oo maamul ahaana hoos yimaada Dowlada Puntland, haddaan usoo degto xaqiiqda ma ahayn dagaalkii shalay Gaalkacyo ka dhacay mid khuseeya ama ay talo ku lahaayeen labada maamul ee ka arimiya Gaalkacyo ee kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyo dhammaan waxgaradka iyo ganacsatada labada dhinac.

 

Balse wuxuu ahaa dagaal leh ujoodoonyin guracan oo looga gol lahaa in lagu wiiqo howlaha hormarka Gaalkacyo laguna abuuro dhiilooyin colaadeed si khal khal loo galiyo xasiloonida gobolka mudug, dagaalkaas wuxuu lahaa sidoo kale ujeedooyin dadban waxa aan rabaana inaan banaanka soo dhigo siraha qarsoon ee dagaalkaas.

 

Siraha Qarsoon Ee Dagaalkii Gaalkacyo

 

Haddii aan falanqeeyo ahdaafta dhabtaa ee dagaalkii Gaalkacyo waxa uu ahaa mid ay soo agaasimeen shabakado isku xiran, oo kasoo kala jeeda labada qaybood ee magaalada gaalkacyo ka kooban tahay ee koonfurta iyo waqooyiga, haddaba shabakadahaan waxay ka kooban yihiin labo kooxood oo ku midaysan dano siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyadeed.

 

Kooxda Koowaad : Waxay kasoo jeedaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyaga laftigoodana waxay yihiin huwan, qaybta ugu horaysa waxaa weeye Suufiyiinta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo u arka Duqa Degmada inuu yahay nin wadaada oo lagu tiriyo Al-itixaad, sidaas darteed waxay dadaal dheer ugu jiraan inay ku noqdaan ragaad si aan loo oran nin Al-itixaad ah baa wax hagaajiyey.

 

Qaybta labaad waa shakhsiyaad leh dano siyaasadeed oo ka tirsanaa Maamulkii Hore Degmada Gaalkacyo oo saluugsan qaabka uu u shaqaynayo Maamulka Cusub ee Degmada, Maadama ay maamuladii hore ku fashilmeen waxqabadkii laga sugayey mudo ku siman 15 sano, ayaa waxay guluf ugu jiraan inay fashiliyaan maamulkaan carcarta lasoo baxay iyo waxqabadka biloowga ah ee la xusi karo, ayagoo ujeedadooda ugu weyn ay tahay inaan la’arag wax qabad la’aantoodii.

 

Haddaba labadaan qaybood ee aan kor ku soo xusnay waxay kala la leeyihiin ujeedooyin kala gaar ah , balse waxay ka midaysan yihiin in ay afka ciida udaraan Maamulkan Curdanka ah si uusan u hana qaadin, ayadoo qola walbana ay ilaashanayso danaheeda gaarka ah si ay u gaaraan.

 

Kooxda Labaad : waxay kasoo jeedaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo urur diimeedka Ehlusunnah Waljameeca oo isagu aan lahayn hadaf siyaasadeed oo cad marka la reebo wadaado nacayb sida Al-itixaad, sidoo kalana waa urur diimeed aan lahayn cid ay si toos ah uga amar qaataan, sidaas darteed waxay ehel u noqdeen in ay cidkasta oo fowdo iyo qas wada garab u noqdaan.

 

Sidaas awgeed labadaan kooxood ee aan horay u soo sheegnay waxay hishiis cad ku galeen in dhexda laga saaro Duqa Degmada Gaalkacyo ama la khaarajiyo, waxaana taas marag u ah markii uu Duqa Degmada uu howsha fulinayey in uu la socod siiyey Maamulka Galmudug iyo Waxgaradkoodaba lays lana fahmay sida howshu u soconayso.

 

Sidaas darteed waxaa goobta uu Duqa Degmadu howsha ka fulinayey ku diyaar sanaa labo kooxood oo ******** ah oo ay soo agaasimeen labadii garab aan horay usoo xusnay ee kala ahaa Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, isla markaasna Duqa lagu soo wareeraray Bam gacmeed iyo Rasaas isaga oo howsha ka fulinaya dhul ay Dowladda Puntland ka taliso, balse uu ka badbaaday shirqool kaas lala damac sanaa in lagu dilo.

 

Gabagabadii

 

Arintaas haddaan isku soo xooriyo waxay iskugu soo biya shubanaysaa mid fashil ku dhamaatay oo ay ka madax banaan yihiin labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, labada waxgarad ee Koonfurta iyo Waqooyiga, iyo labada Ganacsato ee labada qaybood ee Magaalada, waana mid ku kooban labada kooxood ee aan horay usoo sheegnay.

 

NB: Maqaalkaan waxa uu u gaar yahay qoraha ku saxiixan.

 

Ahmed Abdirahman Aden Dalab(Fashion)

India-Hyderabad

E-mail:ahmedfashion@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Mugdi mudug ma maqashay weligaa Cawke?

 

Ahmed Fashion, Pakistan ayuu joogaa ee xuu ka ogyahay arrinta dhabta ah oo ka dhacday mugdi mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this