General Duke Posted January 11, 2009 Madaxweynaha cusub ee Puntland oo la wareegay xilka 11 Jan 11, 2009 - 2:06:42 AM Waxaa saakay Hoolka Baarlamaanka ee magaalada Garowe ka dhacday munasabad uu xilka kula wareegayey Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Puntland, taasoo si wanaagsan loo soo agaasimay. Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyinta maamulkii hore, kan cusub iyo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, waxaana halkaasi ugu horeyntii ka hadlay Gudomiyaha Golaha Wakiilada C/rashiid Cali Xirsi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay xil wareejinta uu Madaxwenihii hore sameynayo, isagoo dhinaca kale ku booriyay maamulka cusub in uu u istaago wax ka qabashada xaaladaha ka jira PL, isla markaana uu ka mira dhaliyo balankiisa waxqabadnimo. Cadde Muse Xirsi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isna halkasi khudbad gaaban ka soo jeediyay isagoo ugu horeyntii xilka ku wareejiyey wareejiyay xilka, wuxuuna ka waramay waxqabadkiisa isagoo sheegay in wax badanna qaban. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in qaladka ugu weyn ee xukuumadiisa aheyd ciidamada oo la dayacay, wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha cusub inuu u istaago horumarinta ciidamada, isla markaana uu kula dardaarmay in noqon kuwo beeleed oo ay noqdaan kuwo dhisan oo wax ka qabta xaaladaha ka jira Puntland. Xildhibaanada Puntland oo ka qayb galey xil wareejinta. "Waxaan ku dadaalay inaan sameeyo dhaqaale, shirkaddo ayaan heshiis la galay waana diyaar, dowladdaan ku wareejiyay, wana sii wadayaa howsha, awal Canada aad baan is-lahaa, laakiin Boosaaso ayaan tegayaa" ayuu yiri Cade Muuse wuxuuna intaa raaciyay in uu la shaqeynayo Madaxweynaha cusub oo uu sheegay in C/raxman Faroole uu yahay qof howsha ka soo bixi kara. "Inaga kolba naga kala daadatay, waxaan rajeynayaa in iyagana aysan ka kala daadan" ayuu sii raaciyay Gen. Cadde Muuse oo u rajeeyay maamulka cusub in howsha hortaal dhabarka u xertaan. Masuu'liyiinta xilalka lakala wareegey. C/raxmaan Maxamed Faroole isagana ka hadlay Munaasabadaasi oo xilkii uu kala wareegay Madaxweynihii hore, wuxuuna u mahad celiyay Cadde Muuse isagoo ugu hanbalyeyay sida gesinimada leh ee uu ugu soo baxay balantisii aheyd in doorashada ay dhici doonto xiligii loogu talagalay. Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in Cade Muse uu yahay wixii maanta ka danbeeya la-taliyihiisa gaarka ah ah kalana shaqeyn doono hormarinta dalka, kana qaadan doono talooyinka muhiimka ah. Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka qayb qaadanaya xil wareejinta C/raxmaan Farole wuxuu sidoo kale u mahad celiyay intii ka soo shaqeysay habsami u socdka doorashadii Puntland ee sida wanaagsan u dhacday. Madaxweynaha cusub ee Puntland waxaa kaloo uu ka hadlay xaladda dalka Soomalia waxuuna baaq u diray Shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay jogaan in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha , sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo hey'addaha samafalka in ay ka taageeraan maamulkiisa horumarina bulshada, waxbarashada iyo sidii amaanka Puntland. Waxaa uu soo dhoweeyay C/raxmaan Faroole shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo cararay ee soo doontay nabadgelyada ka jirta Puntland, wuxuuna sheegay in ay la qeybsanayaan dhibaatooyinka heysta, isla markaana sameyn doonaan wixii ay ku taageeri karaan. Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo aan wax hadal ah ka jeedin. RADIO GAROWE Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 11, 2009 Odeyga Cabdullaahi Yusuf halkan ayuuba ku nuurayaa, markii horeba meel laga jecelyahay intuu ka cararey ayuu meel laga necebyahay u ordey, and back to meeshii laga jeclaa, odey dhaqameed ayuu noqdey! Adeer Duke, sorry am not spoilin ur topic Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 11, 2009 ^^^Thats a fair comment, saxib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NABAD x 3 Posted January 11, 2009 Very good news. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 11, 2009 Well done Cadde Muuse. Thought about trying comedy? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 11, 2009 Masha'alah, this was great indeed... Hope things will even get better come next election Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted January 11, 2009 Such a powerful pic masha'Allah. For one man to have complete power for 4 years and on top of it all and within a couple of days hands over that power while smiling, is simply amazing. Regardless of what you think of the state, whether you want to say that it was a selection and not a election or that it was tribal based. An African leader transfered power peacefully after being voted out and now are willing to work together. Quote Share this post Link to post Share on other sites