Sign in to follow this  
General Duke

Qaynyare and Yalaxow discuss agreement...

Recommended Posts

Qanyare iyo Muuse Suudi oo ka hadlay hub wareejintii ay u balan qaadeen dowladda ay ka tirsan yihiin

 

qabqable.jpg

 

Iyadoo shalay ay 6 ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho balan qaadeen inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda ayaa waxaa ka hadlay hogaamiyeyaasha Max’ed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow oo u waramaya labaduba wakaaladda wararka ee AP.

 

Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax ayaa si cad u sheegay markii ugu horeysay in la wiiqay awoodii qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, isagoo xusay in shalay ay u balan qaadeen madaxweynaha dowladda inay ku wareejin doonaan dhamaamba hubkooda, gaar ahaana hubkiisa.

 

 

qabqable1.jpg

Sidoo kale, xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu tunka weynaa ee Muqdisho ayaa isna cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda balse aysan raali ka noqon doonin haddii dowladdu si siman oo daacad ah ay hubnka u qaadi weyso.

 

 

 

 

“Haddii dowladdu ay dib u heshiisiin sameyso, oo ay howsha u dhiibto cida ku haboon waxaan rajeynayaa inaan loo baahneyn in laga horyimaado, balse haddii ay fashilmaan, oo kalsoonida shcabka lumiyaan, waxaan filayaa inay qabqableyaal cusub noqon doonaan, waxaana ugu yeeri doonaa (Qabqabley), maadaama anaga nalagu tilmaamay qabqableyaal” ayuu yiri Suudi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this