General Duke Posted January 13, 2007 Qanyare iyo Muuse Suudi oo ka hadlay hub wareejintii ay u balan qaadeen dowladda ay ka tirsan yihiin Iyadoo shalay ay 6 ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho balan qaadeen inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda ayaa waxaa ka hadlay hogaamiyeyaasha Max’ed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow oo u waramaya labaduba wakaaladda wararka ee AP. Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax ayaa si cad u sheegay markii ugu horeysay in la wiiqay awoodii qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, isagoo xusay in shalay ay u balan qaadeen madaxweynaha dowladda inay ku wareejin doonaan dhamaamba hubkooda, gaar ahaana hubkiisa. Sidoo kale, xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu tunka weynaa ee Muqdisho ayaa isna cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda balse aysan raali ka noqon doonin haddii dowladdu si siman oo daacad ah ay hubnka u qaadi weyso. “Haddii dowladdu ay dib u heshiisiin sameyso, oo ay howsha u dhiibto cida ku haboon waxaan rajeynayaa inaan loo baahneyn in laga horyimaado, balse haddii ay fashilmaan, oo kalsoonida shcabka lumiyaan, waxaan filayaa inay qabqableyaal cusub noqon doonaan, waxaana ugu yeeri doonaa (Qabqabley), maadaama anaga nalagu tilmaamay qabqableyaal” ayuu yiri Suudi. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites