Somalina Posted October 11, 2010 sniin, 11 October 2010(HOL): Ururka “Ex-Allievi Somali Accademia Modena” waxaa, xog-uruursi iyo fikrad isdhaafsi muddo dheer socday kadib, lagu asaasay magaalada London 19-kii Oktoobar 2009, markaas oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 12 Sarkaal oo ka kala yimid Talyaaniga iyo Ingiriiska. Shirkaas waxaa guddominayay Marxuum Abshir Cisman Xussen – Sii-hayihii Safaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga. Waxaa halkaas lagu ansixiyay: 1) Dastuurka Ururka oo si cad loogu qeexay Barnaamijka iyo Ujeeddooyinka Ururrka oo ah mid “Samafal”. 2) Guddi fulin ah oo ka kooban shan xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Shikh Awes Macow Maxaad. 3) In si ku meel gaar ah, Xarunta Ururku u noqoto magaalada Arezzo ee dalka Talyaaniga inta laga helayo meel uga haboon. 4) In Ururka oo ah nooca ONLUS (Organizazione Non Lucrativa di Utilita’ Sociale laga sharciyeeyo lagana diwaangaliyo dalka Talyaaniga. Shalay oo bisha Oktoobar ahayd 09/10/2010 waxaa qabsoomay kalfadhigii guud ee sanadlaha (Annual General Meeting) oo ay mar kale ka soo qaybgaleen Saraakiil ka kala timid Talyaaniga iyo Ingiriiska, halkaas oo lagu soo bandhigay waxqabadkii Guddiga Fulinta ee sanadkii dhammaaday 2009/2010, waxaana ka mid ahaa qodobadii looga hadlay. 1) Sharciyeeyntii iyo dawaangalintii Ururrka oo si buuxda loo dhammeystiray. 2) Diyaarinta dokumentiga loo isticmaalayo codsiga ku soo biiridda Ururka ee xubnaha cusub. 3) Furidda Xisaabta Bankiga (Bank Account) ee ururka. 4) Tarjumaadda Dastuurka ee afafka Talyaaniga iyo Ingiriiska. 5) Abaabulka Maratoon loogu magac daray “Nabadda Soomaaliya” oo ka soo bilawday dalka Talyaaniga laguna tagay dalka Faransiiska gaar ahaan magaalada Strasbourg ee Caasomadda Barlamaanka Yurub. 6) Deeq macaawino lacageed ah oo loo fidinayo Naafadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Martiini. 7) Macaawino lacageed oo la siiyay Saraakiil ku dhibaateysan dalka gudihiisa xag dhaqale iyo xag caafimaadba. Waxaa kale oo fadhigii shalay looga dooday qorshaha, barnaamijka iyo himillada Ururka ee mustaqbalka iyo sida ugu habboon ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loo tari karo. Dhammaan arrimihii laga dooday iyo waxqabadka mustaqbalka oo loo tixay loona kala hormariyay sida ay u kala mudan yihiin waa la isku raacay. Quote Share this post Link to post Share on other sites