Juje Posted July 9, 2007 Gudoomiyaha Baarlamaanka “Waan ka xumahay in xildhibaan huwan sharafta Qaranka la hor istaago iyadoo aan lagu heyn fal dembiyeed” Maanta ayaa xarunta Baarlamaanka KMG ee Baydhabo kulan ujeedadiisu tahay kala war qaadasho ku yeeshay mudanaasha Baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo oo tiradooda gaarayso 107 Xubnood ayaa warbixin looga dhegeystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Max'ed Nuur (Sh. Aadan madoobe). Gudoomiyaha ayaa xubnaha Baarlamaanka u sheegay in UNDP ay si cad ugu sheegtay in baarlamaanka aysan u heyn wax dhaqaale ah ayna kula dardaarmayaan xubaha baarlamaanka dowladu dhaqaalaha soo gala ay ku dabooshaan baahida baarlamaanka gudoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale u sheegay in soo noqoshadii danbe uu ku soo noqday Nairobi ay UNDP-du ay gacanta la gelisay qoraal ka tarjumaya inaysan deeqbixiyaasha aysan hada diyaar u aheyn inay caawiyaan baarlamaanka sidaa daraadeedna ay la xisaabtamaan golaha xukuumada. “Intaa kadib waxaan aaday oo aan casumaad ka helay dowlada Masar iyo madaxda ururka Jaamacada carabta safarkaasna waxa uu qeyb ka ahaa inaan Baarlamaanka u helo dhaqaalo maadaama aanan isku filneyn anaga runtii waxaa la kulanay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Masar intii aan Masar joogay waxaan safaro dalxiis ku soo maray Ahraamta safaradaas dalka Masar gudahiisa waxaana igu wehliyay Dhigeyga dalka Masar iyo Xoghayaha guud ee jaamacada carabta Caamir Musa, waxaana u sheegay xubnahaasi baahida guud ee Baarlamaanka waxa ayna nagu booriyeen inaan soo gudbino miisaaniyad ka tarjumaysa baahida Barlamaanka KMG hal sano, 6-bilood ama bil” ayuu yiri Mr. Madoobe oo intaasi ku daray in isla markiiba ay isku duween miisaaniyad dhaqaale oo uu u baahan yahay Baalramaanka KMG Soomaaliya ayna u sheegeen inay ka soo jawaabi doonaan baahidaasi baarlamaanka qabo, muddo kooban, inta ka horeysana ay J/carabtu bixin doonto dhaqaalaha ku sii bixi doono howlaha baarlamaanka ee Soomaalida. Gudoomiyaha ayaa waxa uu ka hadlay is hor istaag loo gaystay xubno xildhibaano ah oo ka dhoofi lahaa garoonka diyaarada ee Baydhabo, wuxuuna yiri. “Waxaan aad ugu xumahay ishortaaga lagu sameeyay markii 2-aad Xildhibaano uu ka mid ahaa xildhibaan C/rashiid Xiddig waxaana wax laga xumaado in xildhibaan huwan sharaf Qaran aanana lagu heyn fal dembiyeed la hor istaago”. Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia dayniilecom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted July 9, 2007 Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, waxa kaloo uu carrabka ku dhuftay inay Beesha Caalamka ku booriyeen inay Xildhibaanadda Soomaalida si toos ah ula xisaabtamaan Xukuumadda Federalka, maadaama ay Dowladdu maamusho Dekedaha muhiimka ee Magaallooyinka Muqdishu, Kismaayo iyo Bosaaso oo uu dakhli xooggan ka soo galo. Hadalka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Xildhibaanno badan ku hawlan yihiin Mooshin lagu doonayo in lagula xisaabtanma Xukuumadda. Dhinaca kale, Guddoomiyaha BFS, waxa uu ka shanqariyey inuu idlaaday Xilligii Xukunka degdegga ahaa ee lagu soo rogay dalka, inkastoo aysan Dowladda ka hadlin arrinkaasi, kuna mashquulsan tahay Hawlgalka lagu soo celinayo Ammaanka Magaalladda Muqdishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites