Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops police securing the capital..

Recommended Posts

Muqdisho:Ciidamada dawlada Soomaaliya oo sameeyey hawlgalo amniga caasumada wax looga qabanayo.

23. maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay haatan ka wadaan caasumada Soomaaliya ee Muqdisho hawlgalo baacad leh kuwaas oo wax looga qabanayo xaalada ka jirta caasumada ee ubadan bambooyinka ladhigo wadada dhinaceeda.

 

Ciidamada hawlgaladan wada waxa ay iskugu jiraan Boolis iyo Milateri waxa ayna taageero ka helayaan Gawaarida gaashaaman ee tiknikada looyaqaano ee Itoobiya.

 

Hawlgalkan wuxuu yahay mid lugu sifeynayo kooxaha amaandarada ka wada gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya lama sheegin wax lugu soo qabtay hawlgaladan.

 

Ciidamada dawlada faderaalka ee Soomaaliya waxa ay sameysteen fariisimo cusub waxa ayna doonayaan in ay isku balaariyaan saldhigyada xaafadaha Magaalada si amaanka loo adkeeyo.

 

Ciidamada waxaa lugu soo waramayaa in ay hawlgaladan ku soo aadeen in xili magaaladu tahay meel nabad ka jirto.

 

Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho wixii ka danbeeyey 23-kii bishii April waxa ay ahayd meel aan laga maqal wax rasaas ah,qaraxyada wadooyinka ladhigayo waxa ay noqdeen kuwo koomay,majiraan cid magaalada kuhubaysan oo banaanka ula soo baxaya hubka kale duwan ee muqdisho lugu yaqaanay.

 

Xaafadaha Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxa ay ku jiraan bandow,waxaa looga dan leeyahay soo celinta amniga iyo yareynta qaraxyo kala duwan oo ka dhacayay todobaadkii hore Muqdisho.

 

Hawlgaladan caasumada Soomaaliya ka socdaa waxa ay ku soo beegmayaan xili magaalada ay ka socdaan hawlo lugu doonayo in magaalada bilicdeeda lugu soo celiyo.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka dawladda oo halgan kula jira sifaynta burcadda magaalada Muqdisho

 

Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa la tacaalaya burcadda caadeysatey falalka amni xumada ah ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Hawlgallada burcad sifaynta ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada federaalka Soomaaliya ay la wareegeen goobo cusub oo magaalada Muqdisho ku yaal kuwaas oo loo malaynayo in ay burcaddu ku badan tahay.

 

Dhacdadii ugu dambeyseyna nin burcad ah ayaa isku deyey in uu dhac u geysto haweeney qaad ka ganacsaneysey ninkaas markii dambe ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

 

Dhinaca kale, Bandoow ayaa lagu soo rogay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho xalay ka dib markii halkaasi la soo dhigay miinooyin baco lagu soo qariyay, iyadoo bandowgaasi uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo dadka.

 

Cabdi-jamaal Macallin

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobolka Banaadir oo calaameeyay goobo cusub oo si sharci daro ku dhisanaa mudo dhan 16-sano ah.

 

May-23-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Xili qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay wali ka soconayaa burburinat dhismooyinka sharci darada ah ayaa Maamulka banaadir waxaa uu bilaabay calaamadeynta dhismayaal sharci daro ah oo kuyaala wadada wadnaha ee Magaalada muqdisho.

 

Wadada wadnaha ayaa Maanta waxaa lagu arkayey Ciidamo koox koox ah oo isagu jira boolis milatari iyo qaar kale oo katirsan Ciidanka ilaalinta deegaanka xamar.

 

Waxaa kale oo maanta Ciidamada dowladda fadaraalka soomaaliya ay calaamadeyntasi ka wadeen isgoyska Bakaaraha KPP iyo waliba kuwa kale.

 

Ciidamada dowladda oo ay horkacayaan Maamulka gobolka banaadir ayaa baryahaanba waxay howlo nadiifin iyo burburin lagu sameynayo goobaha sharci darada ah ay ka wadeen gudaha Caasimada Muqdisho kuwaas oo haatan u muuqda inay wax ka bedeleen muuqaalkii hore ee gobolka banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandow Aan Horey Loosii Shaacin Oo Xalay Lagu Soo Rogay Degmada Xamar Weyne Ee Muqdisho (Maxaa Ka Jira In Degmadaasi lagu Arkay Walxaha Qarxa ?)

Posted to the Web May 23, 03:36

 

 

MOGADISHU: Xaaladda Degmada Qadiimiga ah ee Xamar Weyne ayaa saakay caadi kusoo noqotay ka dib markii ay fiidnimadii xalay gashay Xaalad Bandow ah oo aan horey loosii shaacin.

 

 

Abaarihii 8:00 fiidnimo iyo qadar daqiiqado ah ayaa marqura waxaa laga warhelay Ciidamo aad u fara badan oo lagu daadiyey wadooyinka Degmada Xamar weyne, ka dib markii lagu wargeliyey in walxaha qarxa lagu arkay qeybo ka mid ah Degmada.

 

 

Agagaarka Saldhiga Afar-irdoodka iyo Kawaanka Degmada X/weyne ayaa dadka deegaanku ay ku arkeen Baco ay ku jiraan Miinooyinka laga hago Remote-Control-ka, iyadoona xilligaa ka dib ay degmadu marti gelisay Bandow socday ilaa waagu ka dilaaco.

 

 

Degmada Xamar weyne ee Qadiimiga ah ayaa dhawaan waxaa qarax xoogan lagula beegsaday Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee hawlgalada ka wada Magaalada Muqdisho,ka dib markii Miino wadada dhinaceeda la dhigay lalaheley Kolonyo ay wateen, iyadoona ay qaraxaasi ku nafwaayeen ugu yaraan 4-Askari halka 5-kalana ay ku dhaawacmeen oo ka mid ah ciidamada Ugandha.a

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this