xiinfaniin Posted February 2, 2010 Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka Midowga Afrika Talaado 2, Feb, 2010 (HOL) Madaxweyanha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay khadubad ka jeediya shirka Midowga Afrika, isagoo kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ammaanka iyo xaaladaha bani'aadamnimo. Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa ku bilaabay salaan kaddib in Midowga Afrika looga baahan yahay inay xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ka jooga Soomalaiya, isagoo xusay in ciidamada ka socda Uganda iyo Burundi ay ka badbaadiyeen xukuumaddiisa in la afgambiyo. "Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika waxay ka badbaadiyeen dowladda inay afgambiyaan kooxaha mucaaradka ah ee dagaalka kula jira, kuwaasoo gacan ka hela Al-Qaacida iyo ururro kale oo caalami ah" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif wuxuu ka hadlay xaaladda bani'aadamnimo isagoo sheegay in loo baahan yahay in gacan la siiyo dadka Soomaalida ah meel walba oo ay ku sugan yihiin gaar ahaan, kuwa gudaha dalka ku barakacsan kuwaasoo dagaallo uga cararay guryahooda kuna sugan deegaano ka baxsan Magaalooyinka. "Dadka ku barakacsan gudaha dalka iyo kuwa Qoxootiga ku ah dalalka dibadiisa waxay u baahan yihiin gargaar caalami ah oo ay ku noolaadaan, waayo ma heli karaan wax ay cunaan si ay u noolaadaan" ayuu Sheekh Shariif ku yiri Khudbaddiisa. Mar uu dhinaca ammaanka ka hadlay ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo baahan yahay in la xoojiyo ciidamada AMISOM lagana dhigo tiradooda 8,000-askari, sidii horay loo balanqaaday si ay howlahooda ugu baahiyaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan tababarka la siinayo ciidamada dowladda, isagoo sheegay in dowladdiisu ay xoogga saarayso laga bilaabo sannadkan sidii ammaanka loo soo celin lahaa, ayna ula dagaalami lahaayeen kooxaha argagaxisada ah. Ugu dambeyn wuxuu Madaxweyne Sheekh Shariif sheegay in dowladiisu ay dadaal ugu jirto sidii ay ammaanka u sugi lahayd si dalka loogu sameyso maalingelin, isagoo xusay in dowladdiisu ay diyaarisay ciidamo ku filan inay ammaanka soo celiyaan, ayna dhameystirtay dajinta miisaaniyadda howlaha dalka lagu wadayo. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa Madaxda dalalka Afirka ee ka qayb-galaya shirkii 14-aad ee dalalka Midowga Afrika ee ka socda Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 2, 2010 AMISOM helpful Of course ,, ma cid kalaa ilaalisa dee odayga Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 2, 2010 ^ma shariif baad ku soo noqotay? Anna waxaan islahaa Jacayl waa reer magaaloo Garaadyadii la xumeeyey buu ka dabi tagi doonnaa Sharif is a peaceful man. And that, in a weird, ironic way, seems to be the source of his weakness. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 2, 2010 Garaadada soo dhowayntoodii baaban u diyaar garoobayee ,,,,, Ninna ilaaladiisa ma xumeeyo dee ,,, shariifkuna cid kele oo kadinka u joogtaba ma haysto ,,, lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 2, 2010 Sow adiga holhol ugu tegey , adoo labo qori watta Qoor iyo xero ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 2, 2010 waar waxa kharash iga baxay baanad ogayn iyo casuumadaan u diyaariyay ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites