Sign in to follow this  
General Duke

Warlord media turns on TFG/Puntland troops...confused

Recommended Posts

What Position to take on the TFG now that some of their clans have sided with the tow opposing alliances.

 

Here is the reports on.. Troop movements in Bay & Bakool...

 

Ethiopian ah iyo Maleeshiyo Reer Puntland ah oo laga soo Buuxiyay Xuduuda gobolada Hiiraan iyo Bakool. - Note that these troops are Ethiopian or Puntland according to the web site.....

 

Hobyonet.Muqdisho.Khamiis, Apr 13, 2006.

 

Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah oo ay wehliyaan maleeshiyo reer Puntland ah ayaa gudaha u soo galay gobolada Hiiraan iyo Bakool sida ay xaqiijiyeen wagarad iyo odayaal ku sugan Goboladaasi.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan Baabuurta Gaashaaman ee milatariga ayaan la garaneyn sababta dhabta ah ee xiligaan keentay in ay soo galaan qeybo ka mid ah gobolada dalka, iyadoo ciidamadan la sheegay in ay yihiin kuwo sita dareeska ay caanka kuyihiin ciidamada Ethiopia.

 

Dadka degan deegaanada ay ka soo galeen ciidamadaan Ethiopianka ah ayaa sheegay in ciidamadan Ethiopianka ah aan cidna kala hadlin dadka Degaanka, isla markaana ay yihiin kuwo u muuqda kuwa kusiijeeda gobolo kale oo dalka Soomaaliya ka tirsan.

 

Ciidamadani Ehiopianka ah ayaa ilo muhim ah waxa ay sheegeen iney la socdaan maleeshiyaad reer Puntland ah oo dhawaan soo gaaray gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid.

 

Shacabka ku nool goboladda Hiiraan iyo Bakool ayaa muujinaya dareen cabsi ay ku jirto ka dib markii la arkay Ciidamadan Ethiopianka ah ee ay la socdaan maleeshiyada Reer Puntland.

 

Ethiopia iyo C/laahi Yuusuf ayaa la tilmaamay inuu qorshahoodi yahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Gobolo ka mid ah Soomaaliya oo ay ugu horeeyso Kismaayo,Muqdisho iyo shabeelaha Hoose.

 

hobyonews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka yimid Puntland oo ku soo qulqulaya Gobolka Bakool

 

Bakool (YOL 11, April 06) Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamo iyo tikniko fara badan oo wata gaadiidka dagaalka iyo saanad kala duwan ay galabta soo gaareen Gobolka Bakool iyadoo ka soo tallaabay dalka Itoobiya, gaar ahaan degaanka Qurac-joome.

 

Wararka laga helayo magaalada Xudur ayaa sheegaya in ciidamadan ay wataan gawaarida dagaalka oo isugu jira kuwo culus ee Lidka diyaaradaha ay saaran yihiin iyo Boobayaasha culus, waxaana tirada gawaarida dagaalka lagu sheegay 25 gaari oo 12 ka mida ay yihiin kuwa waaweyn, inkastoo ay kala dhiman yihiin oo qeybo kale wadadda ku soo jireen ilaa xalay guud ahaanna l asheegay inay dhan yihiin 55 gawaari.

 

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay yihiin ciidamo madaxweyne C/llaahi Yuusuf looga soo diray Puntland oo ku biiraya kuwii hore u joogay Waajid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka amar qaata madaxweyne Yuusuf, kana yimid deegaanada Puntland oo xalay soo gaaray deegaano ka tirsan gobolka Bakool

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamo hor leh oo ka yimid deegaanada Puntland, kana amar qaata madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay gelinkii danbe ee shalay ilaa xalay ku soo qulqulayeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Waajid oo horey ay u degenaayeen ciidamo gaaraya ilaa 3000 oo dhowaan ka soo guuray xerada Kongo oo ku tiilay gobolka Sh/dhexe.

 

Ciidamadan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 500 oo ku hubeysan ilaa 30 gaari oo u badan kuwa dagaalka, ayna ka mid yihiin gawaari kale oo isugu jira kuwo uu ku raran yahay raashiin iyo Booyado sida shidaal iyo biyo ayaa la sheegayaa inay ka soo wareegeen gudaha dalka Itoobiya, iyagoo xuduudka Soomaaliyana ka soo galay dhinaca halka loo yaqaano Qurac-joome, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in ciidamadaasi ay soo mareen wadooyin qarda Jeex ah oo aan toos aheyn.

 

Qaar ka tirsan ganacsatada magaalada Xudur ayaa ku waramay in qaar ka tirsan ciidankaas ay ka sarifteen lacagta Itoobiyaanka ah ee loo yaqaano Birta, waxayna wararku sheegayaan oo kale in ciidamadaas ay ka mid ahaayeen markii ugu horeysay dumar aan tiradooda la ogeyn, iyadoo ciidamadan cusubna xalay qaarkood ay ku biireen kuwii ka soo guuray xerada Kongo oo hadda degan xero ku taalla degmada Waajid halka kuwa kalena ay fariisimo ka sameysteen meel duleedka ka ah magaalada Xudur.

 

Ciidamadan xalay yimid magaalooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool ayaa ku soo beegmay xili ay isa soo tarayaan xiisado ay qaar ka tirsan beelaha Digil iyo mirifle uga soo horjeedaan ciidamadaas kuwaasoo ka dhashay markii ciidamadaas ay falal dil ah ka geysteen deegaamadaasi, iyadoo dhacdadii ugu danbeysayna ay shalay ka dhacday magaalada Baydhaba markii shaqaaqooyin u dhexeeya ciidamadaas iyo maleeshiyo Digil iyo Mirifle ah ay ka kala dhaceen duleedka iyo bartamaha magaaladaasi, taasoo dad badana ay ku dhinteen.

 

 

 

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

 

Ku noqo beejka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are they Etiopian troops or exclusively from the President clan, were there 65 or 9 technicals? Was the numbers in Wajid 3000, all speculation but thats about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jen., laba war ayaa isku qaldoysaa.

 

Ciidamada ka yimid Bari maalin ayee ka horeeyeen kuwa Amxaarada ah. Waxaan u maleynaa kuwa Amxaarada saacado ayee joogeen dalka gudihiis oo xuduud beenaadka ka noqdeen, oona dib ugu noqdeen Soomaali Galbeed ee ka imaadeen.

 

Kuwa Bari ka yimid oo Baydhabo ayeeba gaareen. Qorsho la isla ogaa ayee ahayd aan filaa. Laakiin odeyga waligiis aamin ma galo miyaa ka ahayn wax uu ugu yaqaano ilmo adeeradiis. Kuwii hore Waajid ku sugnaa waa ku filnaan waayeen, oo kuwaan cusub ayuu keensaday.

 

Odeyga ha ogaada haduu jago weyn qabanaayo oo dalka dhan ka shaqeynaayo, waa inuu aaminaa shacabka uu rabo inuu u taliyo ama maamulo. Maxaa yeelay ilmo adeeradaa hoos ka wado meel walba aad tagtid waa sharaf dhac iyo aamin xumo, ugu dambeyntiina wax kale ka imaan doono.

 

Waxaa kaaga sii daran kuwa lasoo tababaraayo oo oo si 'koofi gaduud' ahaan waardiyo ugu noqonaayo asaga oona maalin dhawayd loo diray Mombaasa, kuligood kontonka ahaa waxee wada ahayeen ilmo adeeradiis ee iskugu dhaw yihiin. Geedi ayaaba dhaamay oo ku daray kuwa kale ka baxsan laftiisa hoose. Shariifkana iskaba dhaaf kuwiis qolooyin kale soo giliye.

 

Odeyga ha ogaado sidii kacaanka inay dhamaatay. Ilmo adeer ka wada dhig ciidamo hadee wax tareyso Siyaad Barre Koofi Gaduudiis ayaa wax u tari lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol, MMA. So you can verify the news of Hobyonet and Co that there were Ethiopian troops inside Somalia? Can you plesase forward us your evidance to support the various Mogadishu outtlets.

 

As for the comments, the troops in Wajid are there to protect the President and other officials until which time the national troops are formed. As you know in BAIDOA AND BAY there are armed groups who take orders from god knows who.

 

The confusion here is that you will make outburst against this President while enever acknowladging the clan hegomony set in place by Abdiqasin. Wonders of the modern age i guess..

Share this post


Link to post
Share on other sites

madaxladilay1.jpg

Dhamaan Raggan waxay isugu jiraan Suxufiyiin iyo Mas'uuliyiin,waxaana dilay Shabaab

 

This was the same media that used to hype up stories in support of Al Shabaab, this is the reward they were given..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this