Jacaylbaro Posted August 25, 2007 Hargeysa(Qaran)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Galabta dalka,dib ugu soo guryo-noqday markii isaga iyo Wefti uu Hogaaminayay ay soo dhamaysteen Socdaal qaatay muddo Sadex cisho ah oo ay ku tageen Ethiopia martiqaad rasmi ah oo ay ka ka heleen xagaasi. Madaxeynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ay Galabta Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen Madaxeyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,Badi Xubnaha Golaha wasiirada,Saraakiisha Dawlada iyo xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka [Guurtida Iyo Wakiilada] iyo dadweyne kale. Madaxweynaha Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada Saxaafada ugu waramayay ayaa si kooban uga waramay ujeedada Booqashadiisa Itoobiya Waxana uu Yidhi “Sida aan isku ogayn Itoobiya,waxa aan ku maqnaa Safar sadex Cisho qaatay martiqaad baanu ahaa,waxa aanu ka wada hadlaynay Waxyaabihii wasiiradu barigii dhawayd ay ku tageen IToobiya”. Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayay waxyaabihii uu kala hadlay madaxda Dawlada itoobiya waxa uu yidhi “Waxa ka mid ahayd sidii Mashruucii Berbera corridor loo sii horu marinaayo iyo sidii labada Dal ay uga wada faa’iidaysan lahaayeen kaybal telefoonada qaada oo Bada hoos mara iyo sidii labada wadan ay iskaga kaashan lahaayeen dhinaca Nabadgelyada”. “Waxa aanu isla soo qaadnay Itoobiya in aanu iska kaashano wixiiInaga[somaliland]saamayn inagu yeelanaya iyagana [itoobiya]saamayn ku yeelan kara,in aanu iska kaashano ayaanu isla soo qaadnay,waana waajib oo Nabadgelyada Itoobiya Iyo Somaliland Way is khuseeyaan”ayuu yidhi Md Daahir Rayaale Kaahin oo ka jawaabayay, Su’aalo la xidhiidhay inuu tafaasiil ka bixiyo inay Raysul Wasaraha Itoobiya ka wada hadleen in labada dal ka wada shaqeeyaan la dagaalanka Argagixisada. Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay sida uu u hirgeli karo heshiiska kaybalka Isgaadhsiinta ee bada Hoos maraya,ayaa sheegay in fulinta iyo meel marinta heshiisyadaas loo xilsaaray wasiiro ka tirsan labada Wadan. “Heshiiskani waxa uu wax ka tari doonaa isgaadhsiinta,waana mid sadex geesood ah u dhaxeeya Somaliland,Itoobiya Iyo Shirkad maraykan ah”ayuu intaas raaciyay Madaxweynaha Somaliland. Mudane Daahir Rayaale Kaahin,oo la su’aalay xiliga Xabsiga laga sii daynayo sadexda masuul ee ugu sareeya Urur Siyaasadeedka sharciyadiisa lagu murasan yahay ee Qaran,waxana uu sheegay in arrintaas ay cid u taalo . Madaxweynaha Somaliland waxa wehelinayay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo Hogaanka Tababarka Ciidamada.socdaalkiisa Itoobiya ku Cumar maxamed Faarax Qarannews/Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites