Sign in to follow this  
Emperor

Puntland security is paramount: Released statement from the President

Recommended Posts

Emperor   

Puntland: Madaxweynaha Puntland oo soo saaray Warsaxaafeed Kulul oo looga hadlay arimaha Puntland.

15. januar 2008

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

Puntland(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray War qoraal ah ,isagoo uu qoraalkasi aqriyey Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arimaha Warfaafinta.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Puntland ku dhaqaaqday Talaabooyin wax looga qabanayo xaalada kala duwan ee ay ku sugan tahay ,isla markaana ay si deg deg ah wax uga qabaneyso Ciidamada ishor fadhiya ee Ay Somaliland maalin walba soo humaajineyso Xoogaga dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Qoraalkan ka soo baxay Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa qaar ka mid ah waxa ay uqornaayeen sida Tan sida lugu daabacay Web-site ay leedahay Xukuumada Puntland oo lugu baahiyo waxqabadka Xukuumada uu waqtigan hogaaminayo Madaxweyne Cadde Muuse.

 

1: Xoreyta Laasacaanood muqadis lagama maarmaan in ay tahay.

 

2: Difaaca dhulka Maamul Goboleedka Puntland guud ahaan.

3: Sugida Amniga gudadaha iyo dibada .

 

Waxaa laga rabaa dadka reer Puntland in ay ogaadaan dib uhabeyn awood ciidan dib uhabeyn dhaqaale dib u habeyn shacab kuwo dhaqan niyad sami dadweyne debac Maamul wadajir kadibna isugu sonoqonaa wada xaajoodka iyo xal uhelida waxyaabaha lakala tabanayo iyo wixii dhbaato ah ee dadka Puntland dhexdooda ah .

 

Waxaan ku baaqeynaa in aan mideyno awoodaha jira awooduhu waa kuwo dhaqaale kuwo Maamul waa kuwo dhaqan waa kuwo niyadsamida dweyne debec Maamul wadajir isdhigasho dhinacwalba ahina waa jirtay canaan teeduna waa furantahay.

Maanta waxaan u baahan nahay Awoodahaa sidii loo mideyn lahaa

 

1: Dowladu waxa ay sameyneysaa dib u habeyn ciidan dib u habeyn dhaqale dib u habeyn shaqaale .

 

2: Isimada Odeyaasha dhaqameedyada iyo waxgaradka bulshada waxaa laga rabaa xiisihii iyo kawarqabidii inta badan lagagasoo doogay dhibta iyo in ay soo nooleeyaan .

 

3: Dadweynuhu waxaa laga rabaa in ay ogaadaan in xaq loogu leeyahay inta Maamulka xaq ay ugu leeyihiin .

 

Xukuumada Puntland ayaa siweyn warsaxaafadeedkan waxa ay uga hadashey xaalada gobalka Sool oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka socdeen dagaalo udhaxeeya Maamulada Puntland & Somaliland oo ku dagaalamayay gacan ku heyta Magaalada Laascaanood ,waxa ayna tiri.

 

1: Xureynta Laasacanood muqadis lagama maarmaan in ay tahay.

 

2: Difaaca dhulka Maamul Goboleedka Puntland guud ahaan.

 

3: Sugida Amniga gudadaha iyo dibada iyo waxgaradka kaladuban ee bulshada ugu baaqayaa in ay si buuxda ugu qeyb qaataan difaaca iyo Amniga gudaha Puntland kuna yeeshaan talo bixin iyo taakuleyn lagu maareeyo meelaha walaacu kajiro.

 

Warsaxaafeedkan ka soo baxay Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili ay xiisado dagaal ka jiraan deegaanada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Somaliland.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this