Sign in to follow this  
OLOL

Juvenile Aideed Jr Lashes out on the amateurish Ghedi

Recommended Posts

OLOL   

Xuseen Ceydiid “U sheega Geeddi in aan siyaasadda Soomaaliya uga "Experience†badanahay oon Cali mahdi kala xaajoon jiray arrimaha siyaasadda, Geeddina uu ahaa markii aan qaadaynay GREEN LINE-KA MUQDISHO...."JUNIOR" siyaasad ahaanâ€

 

 

Ku-xigeenka ra’isul wasaaha ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Ceydiid & ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi ayey wararku sheegayaan in uu soo kala dhex-galay khilaaf ku saabsan qaabka loo wajahayo nabadeynta magaalada Muqdisho, waxaana uu khilaafkoodu cirka isku sii shareeray markii Xuseen Ceydiid uu dhegaha ka fureystay in uu ku soo biiro xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Jowhar, isagoo sheegay in uu taageersan yahay dedaalada ay Muqdisho ka wadaan xubnaha labada gole dowladda ee halkaasi ku sugan, waxaana hadalka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid oo ah wasiirka keliya ee dibad-joog ka noqday golaha wasiiradda uu si weyn uga careysiiyey ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo wararku sheegayaan in uu qorsheynayey in uu xilka ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ka qaadayo Xuseen.

 

 

 

“Ra’isul wasaaruhu waa inuu fuliyaa heshiis-kii aanu wada-galnay aniga, isaga & madaxweynaha intii aanu u ambababixin Geneva, heshiiskaasoo dhigayey in aniga & Geeddi Xamar naloo diro, halkaasina ay dowladdu fadhiisaneyso si NG0-ga ay hadda dowladdu u muuqato looga gudbo†ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid oo sheegay in Golahii Qaranka ee qaabilsanaa nabadeynta caasimada ee uu isagu guddoomiyaha u ahaa in howlihii loo xilsaaray golahaasi in aysan wax wada shaqeyn ah ka helin dhinaca mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda.

 

 

 

“Shaqada na loo diray aniga iyo Geeddi ma ahan tegista Jowhar, Jowhar waa tuulo, anigu-ba tuulo la yiraa Gelinsoor baan dhisayaa haddey arintu NGO tahay, haddey arintu tahay dowlad Qaran Xamar waa caasimadii, Geeddi ha iska daayo meer-meerka ha na tago Muqdisho’ ayuu yiri Xuseen Ceydiid oo sheegay in isagu uu khibrad ku filan u leeyahay arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya, si taa loo xaqiijinaya loo baahan yahay in la la yimaado biseyl siyaasadeed oo suurtagelin kara in cod jilicsan lagula hadlo bulshada, laguna xaliyo wadahadal khilaaf-ka ka dhex taagan xubnaha labada gole dowladda, wuxuuna ka digay in xilka Qaranka loo isticmaalo ujeedooyin siyaasadeed guracan.

 

 

 

“Bal Aniga Geeddi ha i geeyo Jowhar, u sheega in aan siyaasadda Soomaaliya uga "experience†badanahay oon Cali mahdi kala xaajoon jiray arrimaha siyaasadda Geeddina uu ahaa markii aan qaadaynay GREEN LINEK-A Muqdisho "JUNIOR" siyaasadd ahaan†ayaa laga soo xigtay Wasiirka arrimaha gudaha Eng. Xuseen Max’ed Ceydiid oo muddadii uu soconayey shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya noqday hogaamiyihii ugu tanaasulka badnaa, wuxuuna xaqiijiyey in khilaaf-ka ka dhexeeya isaga & ra’isul wasaaha aanu ku koobneyn qaabka loogu kala aragti duwan yahay nabadeynta caasimada ee xittaa ra’isul wasaaruhu uu soo fara-gashaday howlihii wasaaradiisu u xilsaarneyd, wuxuuna sheegay in uu magacaabay wareegtooyin uu sharacigu u baneynayo in lagala tashado, waxaana laga soo xigtay Xuseen Ceydiid in uu yiri.

 

 

 

“Geeddi waa in "Job discribtionâ€-ka shaqadeyda uu faraha kala baxaa haddii kale wax wada shaqeyn ahi ma jirto, "Do your Job and let me do mine†ayuu yiri Xuseen Ceydiid oo sheegay in loo baahan yahay in loo hogaansamo axdiga la wada qortay.

 

 

 

Xiisada ka dhexeysa ra’isul wasaaraha & ku-xigeenkiisa ayaa waxaa ku soo baxay waxgarad & siyaasiyiin ay isku beel ka soo jeedaan madaxweynaha oo uu ku jiro ninka lagu magacaabo Jaamac Buluu, waxaana lagu ku wargeliyey madaxweynaha in haddii aanu xal ka gaarin xiisada ka dhex taagan labadaasi mas’uul in ay sababi karto in uu sii dheeraado khilaafka ka dhex taagan dowladda.

 

 

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad.

 

diinicadde@hotmail.com

 

 

 

Qaranimo.com

 

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this