Sign in to follow this  
General Duke

Todays news: Posative all round...

Recommended Posts

Jen Maxamed Sheekh Cusmaan: Kuwa diidan inay hubkooda iska dhigaan markii horeba waxay wax ku noqdeen hubka marka waxay ku..

 

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladdii Maxamed Siyaad Barre Jen Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay inuu taageersan yahay dhismaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay madaxda Dowladda federaalka soomaaliya inay si deg deg ah ku imaadaan Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay in haddii loo baahdo uu dowladda dejin doona gurigiisa inta ay ka caga dhiganeyso, isagoo sheegay in shacabka soomaaliyed ay maanta u baahan yihiin dowlad.

 

:Kuwa diidan inay hubkooda iska dhigaan markii horeba waxay wax ku noqdeen hubka marka waxay ku dadaalayaan inaysan hubka dhiibin, waana caqabadda dowlad ayaa taasi ahâ€ayuu yiri Jen Maxamed Sheekh Cusmaan oo haatan ku nool beer uu ku nasto oo ku taala Degmada Afgooye.

 

Maxamed Sheekh Cusmaan waxaa uu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka haray Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre isagoo inta badan ka qeyb qaatay dadaalada nabadda ee soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay inay imaanayaan Muqdisho ciidamo ka kala socda Carab iyo Afrikan ah.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda soomaaliya Danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo haatan ku sugan Magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamo isugu jira afrikan iyo Carab kuwaas oo uu sheegay inay ka qeybqaadanayaan qorshaha hubka looga dhigayo Maleeshiyooyinka soomaalida.

 

Danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil waxaa uu sheegay inay carabta ka sugayaan kaalmo dhaqaale oo xoog leh si gacan uga helaan hub ka dhigis lagu sameeyo in ka badan 20 kun oo Maleeshiya oo hogaamiye kooxeedyada soomaalida haystaan, waxaa uu sheegay inaysan jirin faragelin gaar ah oo dowladaha Itoobiya iyo Kenya ku haayaan dowladda soomaalida, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa la doonayo in la isaga horkeeno Itoobiya iyo Carabta.

 

Waxaa uu sheegay in xukuumadiisa ay doonayso taageerao Jaamacadda Carabta ka hesho, iyadoo dhaqaalahaas dib looga dhiso dalka soomaaliya, laguna soo celinayo xasiloonadii burburtay 15 sano ka hor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ok anigu su'aasha aan qabo waxay tahay maxaan oga baahan nahay ciidamo shisheeye? Kolba haddii Qabqablayaashii oo dhan ay dowladda taageersanyihiin qaarkoodna ay dowladda ku jiraan. Runtii waa arin la'yaab leh sababta ragaan ku qasbaysa inay codsadaan ciidamo shisheeye. Mise ujeeda waxay leeyihiin inay kolkii ciidamo yimaadaan oo hubka laga dhigo dadka hubka heysta inay si xoog ah isku dayaan inay ku maamulaan dalka. If that is the case then waxaan sugnaa waa dagaal cusub iyo waliba dhib kii hore ka badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Wiilo:

Mise ujeeda waxay leeyihiin inay kolkii ciidamo yimaadaan oo hubka laga dhigo dadka hubka heysta inay si xoog ah isku dayaan inay ku maamulaan dalka. If that is the case then waxaan sugnaa waa dagaal cusub iyo waliba dhib kii hore ka badan.

That is the fear..and hub-dhigasta should be in all over Somalia not only Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Jumatatu waan kuugu raacsanahay arintan uma malaynayo inay jiraysa cid yeelaysa idinku kaliya hubka dhiga marka waa dee jug jug meeshaadii joog kolayba sida Allaah uu ka dhigo bay noqonaysaa balse sida hadda muuqata uma eka arin soconaysa.

 

 

Wabillaah:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

^^^Su, aal,

 

1) Hadal waxaa ka muuqda inaad rabtid dawlad iyo dad militia ah oo labduba hubaysanyihiin. Taasi macquul ma noqon kartaa? yaase hadii taas la daayo wadanka xukumaya oo sharciga iyo kaldambaynta ilaalinaya. Miyeey marwalba ahayn in dawladu ka xoogbadantahay shacabka si loo kala damabeeyo? maxaa ku jaban hadii ciidamo shisheeye (preferably from muslim countries ) wadanka yimaadaan milooshoyooyinkana hubka ka dhigaan inta dawladu ciidamo ka sameeysanayso?

 

 

2) Malagu kalsoonaankaraa nimankan warlordska ah oo ay soomaliya u xayirnayd 14 sano inay huba iskood isaga dhigaan, kaladambayntii iyo xasilooniddina soomaliya kusoo celiyaan?

 

3) Macquul ma tahay nin jaahil ah oo qof maskiin ah dhacay, naag maskiin ah kufsaday, dad masaakiin ah isbaaro u dhigtay in boolis la dhigo umada iyo shacab soomaliyeed u adeegaan iyaga oon wax dhaqan celin iyo tababar loogu caqli celin loo samayn.

 

Aanu ka doodni arintan si ay ku jirto istixgalin, iyo ismaamuus, maxaa yeelay waa arin na quseesa anag iyo dadkeenaba. Mahadsanidiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yacquoub good questions bro. Wiilo and Juma who said only Mogadishu will get disarmed?

 

When one is planning there must be prioritisation. Mogadishu is the capital of the nation, for 14 years it has suffered under these militias; there have also been many failed attempts to merge the various militias in order to get the security situation under control. If one needs proof we have the debacle of Arta and the example of what happened to Abdiqasin and his government in Mogadishu.

There is no real alternative to the President’s plan. Start from scratch and create a whole new army and security forces that would be able to protect the state in this case form itself.

 

As for the foreign troops, why should Mogadishu fear these troops as they would only come at the behest of the Somali government?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this