Sign in to follow this  
Johnny B

Shabab leader severely injured ?!

Recommended Posts

Johnny B   

Xaaladda caafimaad ee Hojgooge Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa sii xumaatay ka dib markii lagu sameeyay qaliin aan lagu guuleysan.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Muqdisho u sheegay In Muqtaar Rooboow Cali oo ka mid ah ragga ugu sareeya kooxda Shabaab uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo aad u liidata, ayadoo qaar ka tirsan xubnaha hoose (qaarka dambe) ee jirkiisa aysan shaqeyneynin waqtigaan.

 

Dr. Ajnabi ah oo laga keenay magaalada Kismaayo ayaa qaliin ku sameeyay Abuu Mansuur oo la il daran dhaawac ka soo gaaray dagaal bilowgii bishaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaliinkaas oo ka dhacay Muqdisho uu ku dhamaaday guul darro markii Dr-kii ajnabiga ahaa uu ku guuldareystay in uu soo saaro Firir horjoogahaa uga jiray dhabarka oo waqtigaan sababay in ay shaqadii gabaan qeybo ka mid ah xubnaha qaarka dambe ee Abuu Mansuur.

 

Qaliinka dhicisoobay kaddib ayaa Abuu Mansuur loo qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaas oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaana la sheegayaa in lagu haayo guri ku yaalla halkaasi.

 

Wararka ayaa tilmaamaya in horjoogayaasha Al-Qacida ee ku sugan dalka Yemen ay maleeshiyada Shabaab ku wargeliyeen in horjooge Muqtaar Rooboow loo soo qaado dalka Yemen, si ay halkaasi ugu dabiibaan Dhaqaatiir Al-QAaacida ka tirsan oo ku sugan halkaasi.

 

Horjooge Muqtaar Rooboow ayaa la rumeysan yahay in uu ka mid yahay ragga ugu sareeya shaqsiyaadka metela taliska wakiilka u ah Al-Qacida ee Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu mararka qaar u hadli karo si wanaagsan.

 

Bilowgii Isbuucaan mar aan xiriir la sameysanay wuxuu beeniyay in uu dhaawacmay isagoo codkiisa laga dareemayay gaabni marka loo fiiryo hadllada ka keydsan Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo mar ahaa Afhayeenka maleeshiyada Shabaab.

 

Horjoogayaal hoose oo ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in dhaawaca Rooboow uu u muuqdo mid Qatar ah marka la fiiriyo natiijada ka dhalatay qaliinkii uu ku sameeyay Dhaqtarkii Ajnabiga ahaa ee ka yimid Kismaayo waxayna sheegeen in hadda uu halis ugu jiro in waayo shaqada xubno ka mid ah jirkiisa.

 

Muqtaar Rooboow Cali ayaa 5 bishaan ku dhaawacmay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Shabaab wuxuuna dagaalkaasi ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis, Dagaalyahanno Ajaanib ah iyo horjoogayaal kale ayaana ku dhintay dagaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

waxaana la sheegay in uu mararka qaar u hadli karo si wanaagsan.

Bilowgii Isbuucaan mar aan xiriir la sameysanay wuxuu beeniyay in uu dhaawacmay isagoo codkiisa laga dareemayay gaabni marka loo fiiryo hadllada ka keydsan Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo mar ahaa Afhayeenka maleeshiyada Shabaab.

'hojgooge' maxaa waaye? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this