Sign in to follow this  
Qandalawi

UN special advisor for piracy issues and EU ministers land Garowe

Recommended Posts

Garoowe:Lataliyaha Arimaha B/Badeeda ee Xoghayaha Guud ee QM & Wasiiro katirsan Midowga Yurub oo Garoowe Yimid.

 

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland soo gaaray Wafdi heersare ah oo katirsan Qaramada Midoobey kaas uu uu hogaaminaya Latalaiyaha Arimaha Burcad Badeeda ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr, Jack Lang. ayaa Waxaa kamid ahaa Xubno katirsan Hay’adaha kaladuwan ee Qaramada Midoobey & Wasiiro katirsan Midowga Yurub oo uu kamid ahaa Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Denmark.

 

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee dawlada Puntland oo uu horkacayey Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland,waxaana ay soo dhaweyntii kadib yimaadeen Aqalka madaxtooyada ee Dawlada Puntland halkaas oo ay kula kulmeen madax katirsan Dawlada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isagu saacado ka hor dalka dib ugu soo noqday.

 

Saraakiishan ayaa madaxda Puntland kala hadlay Arimo badan oo quseeya ladagaalanka Burcad Badeeda,waxaana ay ku dheeraadeen ka hadalka arimahaaas,iyagoo sidoo kalena sheegey in muhiim ay tahay in lala dagaalamo Burcad Badeeda lana xoojiyo Barnaamijyada ka dhanka ah,Waxaana kulankan oo saacado badan socday kadib ay Wafdigu isla maanta ka anbabaxeen magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland.

 

Lataliyaha Arimaha Burcad Badeeda ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay imaanshahooda Puntland oo uu sheegey inay kamid ahayd Qorshayaasha uu ku doonayo Fududeynta Xilka dhawaan loo magacaabay,waxaana uu Dawlada Puntland uga mahadceliyey sida ay xilkaweyn isaga saartay la dagaalanka Burcada Badaha.

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa kulanka ka hadlay waxaana uu u mahadceliyey Wafdiga soo booqday Puntland oo uu sheegey in loo baahanyahay inay talooyinka ka dhagaystaan Puntland oo uu sheegey in dhibaatada koowaad ay Burcadu ku hayso,waxaana uu intaas kudaray in Dawladiisu ay dagaal culus kula jirto Burcad badeeda.

 

Mr,Faroole Wuxuu sheegey in Xabsiyada Puntland ay kujiraan Boqolaal Burcad Badeed ah kuwaas oo ay Maxkamadi xukuntay,waxaana uu beesha Caalamka ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen wax kaqabashada Burcad Badeeda,isagoo sheegey in Dadka ku nool agagaarka Xeebaha ay Burcadu ka qaraabato kuwaas oo uu sheegey in Xataa Maciishada Cuntooyinka Daruuriga ah lagu qaaliyeeyey.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

This means more funding for the state to fight piracy in Gara'ad and else where.

 

So the story of the kidanapped minister was not that bad at all. Where is Ayoub and the secessionts to read this.

 

The state's got stregth, support and legitimacy as a result of that incident, Puntland is serious about combating piracy and hence the UN, EU and the world immediately rush to Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay La taliyaha Qaramada Midoobay Dhanka Burcadbadeeda(Sawiro)

October 15, 2010

0 comments| leave your own!

Share

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa xafiskiisa ku qaabilay wefdi caalami ah oo u hogaaminaayay Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

 

Wefdiga waxaa hogaaminaayay la taliyaha Qaramada Midoobay dhanka Burcadbadeeda Jack Lang oo iyagu isla shalay kasoo degeen magaalada Garoowe iyagoo kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaatay wefdiga Jack Lang oo ay kawada hadleen arimaha Burcadbadeeda iyadoo intii aysan imaan wefdiga Caalamiga ah mar uu Madaxweynuhu la hadlaayay qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo Saxaafada uu sheegay;

 

2

 

Madaxweynaha Puntland_Jack Lang

 

Jack Land and other members

 

1

 

 

”…Puntland in ay dagaal kula jirto Burcadbadeeda aduunka oo dhan u muuqatay,hase yeeshe nasiib darro waxaana aaminsanahay aduunka in uusan nagala shaqeyn sidii wax looga qaban lahaa…”,ayuu yiri.

 

Kulanka oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda wixii kasoo baxay ayaa waxaa ay ahayd markii ugu horeysay La taliyaha Qaramada Midoobay dhanka Burcadbadeeda socdaal ku yimaado degaanada Puntland.

 

Jack Lang ayaa dhowaanahan kormeer ku sameynaayay ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo xabsiyada ay ku jiraan Burcadbadeeda ee dalka Kenya ku yaalla.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland

 

25.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this