Sign in to follow this  
General Duke

Secessionists talks fail, Kulmiye refuse to concede

Recommended Posts

Kulankii Caawa ee Xisbiyada Mucaaridka iyo Daahir Riyaale Oo Is-mari-waa Ku Dhamaday Iyo Dareemada Ka soo Baxay

May 15th, 2008

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Hoggaanka labada xisbi ee mucaaridka UCID iyo KULMIYE ayaa caawa fiidkii soo gebagebeeyey wadahadal fool-ka-fool ah oo ay ku yeesheen galabta Qasriga Madaxtooyada, kadib martiqaad qado iyo fadhi ah oo uu Madaxweyne maanta ugu sameeyey halkaas.

 

Kulankan oo ay ka qaybgaleen dhinaca mucaaridka, min saddex xubnood oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhammaaday caawa fiidkii, wax war ah oo rasmi ahina kama soo bixin.

 

Hase yeeshee, waxa la sheegay in labada dhinac ay si adag uga wada hadleen arrimaha khilaafku ka taagan yahay iyo guud ahaan xaaladda dalka, balse, aanay jirin wax la isla meeldhigay. Waxaana la sheegay in kulan kale loo ballamay Isniinta oo taariikhdu tahay 19 May.

 

Madaxda xisbiyada mucaaridka ah oo ay saxaafaddu la xidhiidhay way diideen inay wax war ah bixiyaan, waxayna sheegeen keliya in kulankaasi ku dhacay jawi wanaagsan, loona ballamay kulan kale 19 May.

 

Fadhigan maanta oo aanay jirin cid dhexdhexaadinaysey waxa uu ka dambeeyey kulan xalay Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Riyaale iyo madaxda labada xisbi ee mucaaridka ah, kaas oo gogol-xaadh u ahaa kulankan maanta, isla markaana la iskula qaatay in la joojiyo dacaayadaha iyo eedaymaha saxaafadda la isu marinayo iyo in la dejiyo xaaladda, wadahadalna la bilaabo.

 

Kulamadaasina waxay ka dambeeyeen xidhiidh wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uu shalay la sameeyey xisbiga mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE oo isaga oo ah ergey ka socda Madaxweyne Riyaale ka dalbaday xisbiga KULMIYE in ay la kulmaan Madaxweyne Riyaale si xaaladda looga wadahadlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey in aanu ka tanaasulin Mawqifkiisa uu ku diidan yahay Go’aanka Guurtida

May 17th, 2008

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE ayaa caddeeyey in wadahadaladii shalay ay la yeesheen Madaxweynaha muddadiisu dhammaatay aanay jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo laga gaadhey, isla markaana aanay ogolayn go’aankii golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Daahir Riyaale iyo wixii ka dhashay.

 

Xisbiga KULMIYE, warsaxaafadeed uu caawa soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir Faarax, waxa uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweynekuxigeenka muddadu ka dhammaatay, oo shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in go’aankii Golaha Guurtidu uu muddada xilka ugu kordhiyey uu yahay lama taabtaan, isaga oo isla markaana ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan.

 

Waxana uu sheegay warsaxaafadeedku in go’aanka Guurtidu uu ka mid ahaa arrimaha laga wadahadlayey, balse, aan wax heshiis ah laga gaadhin arrintaas.

 

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsani wuxuu u qoran yahay sidan:

 

“Annagoo tixraacayna waraysigii uu Madaxweyne xigeenku siiyey warbaahinta, waxannu ogaysiinaynaa ummadda reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye in kulankii maalintii khamiista ay wada yeesheen madaxda saddexda xisbi qaran inaan, habayaraatee, waxa heshiis ah oo laysla gaadhay jirin.

 

Qodobadii laysku hayey oo uu kow ka ahaa go’aankii Guurtida ee ku saabsanaa muddo kordhinta, qolo kastaa halkeedii hore ayay ka taagan tahay.

 

Haddaba, sida Madaxweyne-xigeenku mawqifkii xisbigiisa u sheegay, ayaa waxa halkan ku caddaynayaa in aannu Xisbiga Kulmiye oggolayn go’aankaas Guurtida ka soo baxay iyo wixii ka dhashayba. Ulajeedada shirka loo ballansan yahay bisha 20 keeduna waxay tahay in la raadiyo xal lagaga gudbo is-afgaran-waaga qotoda dheer ee taagan. Guusha shirkaasina waxay ku xidhan tahay isu-tanaasul ka yimmaadda dhinacyada shirka ka qayb gelaya.”

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waraysi uu siiyey BBC-da waxa uu ku sheegay in xisbiga Kulmiye aanu ka tanaasulin mawqifkiisii, wax heshiis ah oo ay la gaadheen xukuumadduna aanu jirin.

 

Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagu waraysi uu BBC-da siiyey ku muujiyey inuu debciyey mawqifkiisa.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalialnd Ha Loo Sameeyo Dawladda Ku Meel-Gaadh ah

May 17th, 2008

 

Maanta waa 16/05/2008, Somaliland waxay ku waa bariisatay mudadii xilka loo dhaariyey Riyaale oo dhamaatay. Mr Riyaale ma aha, sharciyan Madaxweynaha Somaliland, laakiin waa muwaadin reer Somaliland oo Madaxweynihii 3aad ka ahaan jiray dalka muddo laga soo bilaabo markii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee M Ibrahim Cigal.

 

Saacadaas laga bilaabo, Xukuumaddu waa Ku-meel-gaadh, waxayna jiri doontaa inta wadahadalku socodo Kulmiye, UCID iyo UDUB, madam uu xiligeedii dhamaday. Xukuumaddu ma sameyn karto arrimo aan laysla ogeyn.

 

Maanta Somaliland waxay gashaa taariikh cusub oo loo baahan yahay in ay bedesho habkii hore ee dalka loo maamulaayey. Sababtaa awgeed, Asaxaabta Qaranka, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo Wax-garadka Somaliland waxa ku waajib ah in ay dalka

 

Mar haddii wada hadaladii, u dhexeeyey Xukuumadda iyo Mucaaridka, laysku mariwaayey. Golaha Wakiilada Somaliland waxa la gudboon in ay doorkooda ka qaataan talada dalka maadaam ay yihiin golaha kaliye ee sharciga ku fadhiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this