xiinfaniin Posted December 14, 2007 Ibrahim Hawd, the prolific Somali writer, expresses his dismay about the current status of Somali people... ================================================ Soomaaliya waxaa u dumay habeen madow. Waxaa loo gudbay marxalad kale oo ka mid ah dhawr marxaladood oo halista iyo foolxumada kala daran. Waxaa la taagan yahay bartii ay cadawgu weligood ku taamayeen. Ciidammada Xabashidu waxay markii ugu horraysay taariikhda si buuxda gacanta ugu dhigeen, oo xoog ama xeelad ku haystaan, dhammaan dhulka soomaalida, marka laga reebo Jabbuuti. Waxay si hawl yar u duqeeyeen caasimadda Muqdisho, waxayna qarka u saaran yihiin in ay xaqiijiyaan damacoodii qarniyada soo taxnaa. Waxaa soo dhow in dunida laga waayo qof soomaaliyeed oo aan Xabashida masiixiga ah addoon u ahayn. Mustaqbalka cidina ma saadaalin karto, waxaase xaqiiqo ah isirka soomaaligu intii uu soo jiray oo dhan waa maalintii uu ugu aayo xumaa. Heesta luuqda xun ee ah "Itoobbiya waxay neceb tahay qolo gooni ah, waxayna gumaadaysaa xisbi gaar ah", iyo riyada liidata ee sheegaysa "Itoobbiya ayaa dawlad naga dhigaysa" waxay noqon doonaan labada heesood ee ugu caansan uguna ceeb badan taariikhda soo socota. Wax lamafilaan ah oo dhaca mooyee laga bilaabo maanta aayaha iyo jiritaanka soomaalida oo dhami wuxuu gacanta ugu jiraa shisheeye, shisheeyuhuna soomaalida ma kala jecla. ...... Duullaankan caalamiga ah sida cad waxaa laga leh yahay laba danood oo kala dambeeya. Ta hore waa in soomaalidu sidii ay dagaal-oogayaasha iyo maamulladu u qaybsadeen loo daayo, cadaawadna la dhex dhego si aanay marnaba u midoobin, dawlad dhexe oo si dhab ah u shaqaysana meesha looga saaro, marka laga reebo mid maqaarsaar ah oo la mid ta imika Baydhaba lagu qayilsiiyo. Maamulladaas tabarta daran iyo dagaal-oogayaashaas ayaa dusha laga wada maamulanayaa, dabadeed sanooyin kale, oo kuwii tegay la mid ah, ayaa la sii wadayaa silcinta, dullaynta iyo qaxinta dadka soomaalida si loogu bisleeyo heer kale oo kan ka dambeeya kana sii xun. read on Waxaa Qorey Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd" Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted December 14, 2007 Ciidammada Xabashidu waxay markii ugu horraysay taariikhda si buuxda gacanta ugu dhigeen, oo xoog ama xeelad ku haystaan, dhammaan dhulka soomaalida, marka laga reebo Jabbuuti. and NFD I am surprised xiin that you would quote such a miserably uninformed person as his writing depicts. Ibrahim Hawd Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 14, 2007 ^^Ibrahim Hawd is right, and I agree with him. Stop the nitpicking, and assess Ibrahim’s piece as a whole. Keywords are Xoog iyo Xeelad, lest you missed it! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 14, 2007 Xiinow, Ibrahim's piece is as interesting and informative as it is correctly predictive really. The fact that Ibrahim has writen about these issues way back in December 29th 2006 attests to the man's clear insight and general oversight about Somalia's geopolitical relations with others, which have developed into a reality of uneding nightmares. This piece reminded me of my own 2003 predictions IN HERE about Ethiopia's detrimental plans in our country. I now regret that I made such predictions. Quote Share this post Link to post Share on other sites