Liibaan Posted September 26, 2007 Great Day; People of Laascaanood joined together to celebrate peace and unity Garaad Jamac and people of Sool succeeded to disband a local militia Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Boqolaal dad ah oo maanta isugu soo baxay Toga Weyn ee Waqdi oo magaalada dhowr kiiloo mitir koonfurta kaga beegan Garaad Jaamac iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xaabsade Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Socdaalkiisii Maanta Ee Nabad Raadinta Garaad Jaamac Garaad Cali iyo boqolaal shacabka reer laascaanood ah ayaa isugu soobaxay Toga Weyn ee waqdari oo dhanka koonfurta dhowr kiiloomitir kaga beegan magaalada laascaanood.............................. Garaadka ayaa isu soobaxan iclaamiyay maalintii shalay ahayd kadib markii uukhudbad dheer kasoo jeediyay masaajidka weyn ee Al-Huda. Ujeedada isu soobaxan ay dadku isgu yimaadeen Toga Waqdari oo inbadan u jira magaalada ayaa ahayd mid hubka looga dhigayo dhalinyaro gadoodsan oo taageero ka haysta maamulka labaxay somaliland. Dhalin yaradan ayaa waxay mudo todobaado ah ku jireen Toga Waqdari kuwaas oo ilaayo haatan aan si rasmi ah usoo bandhigin ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa duurgalkooda. Culi maa'udiin Garaado cuqaal odoyo iyo dhamaan waxgaradka deegaanka iyo shacabweynahaba oo uu horkacayo Garaadka Guud ee deegaanka ayaa si wada jir ah ugu tagay dhalintaas gadoodsan. kolkii loo dhowaaday ayaa waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta qoryaha yar yar ka dhacaysa oo ay soo ridayaan kuwaas oo ay ku kala baacinayeen dadkii isu soobaxa sameeyay ee ku baaqayay in nabada wada jir looqaato. Saacado kadib markii buuq badan dhashay oo dadkii intooda badani ay dhanka toga usoo yaaceen ayaa GAraad jaamac oo ka go'nayd in uu kasoo noqon ilaa uu hubka ka dhigo dhalinyaradaasi ayaa si gooni ah ugu baxay Garaad Jaamac oo kaliya ayaa masoofo dhowr kiiloomitir ah oo buuro iyo banaan weyn oo ay dhufayso adag ka samaysteen dhalinyaradaasi u lugeeyay xili ay cadceedu aad u kulushahay Rabadaana lagu jiro. wadahadalo dheer oo Garaadka kaligiis uu la yeeshay maleeshiyaadkaas madaxdoodii ayaa waxay isla garteen in sigooniya loo wada hadlo dadkuna ay iska kala dareeraan oo ay isu soo hadhaan Garaadada culimada iyo maleeshiyaadka Garaad jaamac oo markii danbe dib usoo lugeeyay kana soo dhaadhacay buuraha waa weyn ayaa dadkii naawilayay ee ka warsugayay u sheegay wixii ay kuwada hadleen iyaga iyo madaxda dhalinyaradaas. "Nimankii waa baqayaan oo waxaa loogu sheekeeyay in toban toban loo qab qabanayo oo la xidh xidhayo nasiib daro kalsooni badan naftooda kumay qabinoo qaarkoodbaa buuraha dib ugusii dhacay" ayuu yidhi Garaad jaamac Garaad Cali oo intaas ku daray. "Maanta xaajadayadu waxay ahayd intaysan qoraxdu dhicin in dhalin yaradaasi hubka aanu ka dhigno kulan labaad oo isimada iyo culimaduba ay ku jiraan ayaanu hadeer yeelanaynaa ayuu yidhi garaadka oo meel fagaare ah dadka kala hadlayay. Khudbada Garaadka Goor Dhow ayaani idiin soo deyn doonaa insha allaah::::: Liibaan Jordan::Widhwidh Online News Desk..media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 26, 2007 Khudbadii Uu Garaad jaamac Garaad Cali Kasoo Jeediyay Maanta Toga Waqdari:::"Nimankii waa baqayaan oo waxaa loogu sheekeeyay in toban toban loo qab qabanayo oo la xidh xidhayo nasiib daro kalsooni badan naftooda kumay qabinoo qaarkoodbaa buuraha dib ugusii dhacay" Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted September 26, 2007 las anod...ha noolaato!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted September 26, 2007 Thank God everything is back to Normal. Laascaanod ppl spread the love. UNITED WE STAND, DIVIDED WE FALL May Allah Keep Laascaanod and Somalia safe, peaceful, and prosperous. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted September 26, 2007 Garaad Jaamac is one of the most charismatic,respect full traditional leaders in the region and as whole in Somalia. Masha Allah, I am sure he will stand by the unity and restore the pride and the name of his mother land. Sool happen to be where the librators of Somalia emerged. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 26, 2007 Peace and unity for reer laaacaanood ,,, friction cannot help them. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 26, 2007 Our Garad is doing a great job. Love to my kin in the capital of SOOL. Thanks Cheif. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted September 26, 2007 All this trouble coz Xaabsade was forced out, damwits! Quote Share this post Link to post Share on other sites