Sign in to follow this  
nuune

Indha cadde oo ka baxey BAYDHABO

Recommended Posts

nuune   

A lot of presure was put on to this man to leave BAYDHABO, now HE did the right thing, for his OWN sake

 

indhacade.jpg

 

 

Indha Cade oo ka soo amba baxey magaalada Baydhabo.

 

March 28, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xasan Cade. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†oo shaley gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi galabta uu ka soo amba baxey isaga iyo ciidamadii uu watey.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa waxaa ay sheegayaan in xubnihi uu watey shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†ay maanta 4:00 ka soo huleeleen halkaasi, iyagoo arrintaasna uu noo xaqiijiyey Aadan Maxamed Nuur “Aadan Saransoor†oo ka mida mas’uuliyiinta sar sare ee jabhadda RRAda.

 

Aadan Saransoor waxaa kaloo uu intaa ku darey in shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†mudadii uu joogey magaalada Baydhabo uu qabtey hawlo kala duwan oo uu ku sheegay dhex dhexaadin, isagoo intaa ku darey in arrintaasi ay aheyd mid ay ka dalbadeen garabka kale ee ka soo horjeeda saraakiishii markaa ka joogey magaalada Baydhaba.

Xubnaha labada gole ee dowlada federaalka Soomaaliya ee maanta soo gaarey magaalada Xudur ayaa iyaguna waxey galeen shir deg deg ah iyagoo markaa u yeeray qaar ka mid ah deegaanka Xudur, oo ay kala hadlayeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan joogitaanka Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†magaalada Baydhabo, iyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen, hase ahaatee markii ay gaartey in shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†uu ka baxey magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay Shiikh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe†ee dowlada federaalka Soomaaliya in arrintaasi ay tahay mid soo dadajineysa in fikirkii horey u qabeen wax iska badaleen.

 

Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo dhinaca kale ka hadlayey wararka sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dhoobteen xadka iyo in qaar kale waliba ka soo talaabeen, ayaa waxuu sheegay in arrintaasi ay tahay midii markii hore laga doonayey wadamada IGAD iney nabad ilaalin ka sameeyaan Soomaaliya.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim “Xaabsade†iyo Aadan Maxamed Nuur “Aadan Saransoor†ayaa maanta waxey shir la yeesheen malaaq yada sagaal iyo sideed qaar ka mid ah ee jooga magaalda Baydhabo.

 

Shirkani oo ay soo qaba qaabiyeen garabka “Xaabsade†ayaa waxa uu ka dhacey guriga Ibraahim Mayoow oo dhowr meter u jira guriga “Xaabsade†waxaaana looga hadlaayey sababihii Indha Cade iyo ciidamadiisa ay halkaasi u yimaadeen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

bisinka war foolxumadiisa naga qari man. he looks he had toxic waste on his face what the hell is wrong with him.

 

anyway about his voluntary departure. thats good news, cuz that means less future bloodshed for the innocent ppl of baydhabo. but this lil piece of shit will still get his punishment. this just means it will be served for him to marka.

 

like i said, capture him and than execute him immedeately. vermin must be exterminated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this