Sign in to follow this  
Saalax

Dagaal maanta ka dhacay Degaanka Suqure

Recommended Posts

Saalax   

Waxa maanta dagaal ku dhex maray degaanka Suqure Ciidanka Puntland iyo Ciidanka ilaaliya Khayraadka Buuraha Cal madow.

 

 

Dagaalkii maanta ayaa sida la xaqiijiyey waxa Ciidanka Puntland looga gubay labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo mid meeshii ku gubtay oo ahaa kuwa loo yaqaan Cabdi Bile kan kalena khasaare xun ayaa soo gaaray , Ciidanka Puntland ay goobtii dagaalka waxay uga carareen lix askari oo mayd ah oo ka mid ahaa Ciidanka puntland, sidoo kalena waxa jiray dhaawac badan oo ay horay u sii qaateen markii dagaalkii ay soo qaadeen looga awood roonaaday. Dhinaca ciidanaka degaanka ilaa hada ma sheegin khasaaraha dhinacooda.

 

 

Maanta oo dagaalku ka socday galbeedka Gobolka bari sidoo kale Magaalo u jirta Boqol iyo siyaado Km oo ah Dhahar wax ka socday maalmahanba Shirar ay lahaayeen Odayaasha .wax garadka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan,loogana hadlaayey sidii loo joojin lahaa dagaalkan ku salaysan boobka khayraadka iyo Mashaariicda been abuurka ah.

 

 

Shirkan oo dhowaan ka soo bixi doonaan Qodobo dhowr ah ayaa Allsanaag oo la xiriirtay qaar ka mid ah waxgaradka waxay noo sheegeen in qodobada lagu dhawaaqi doonaa ay ka mid yihiin

 

 

1-In dagaalka la joojiyo, ayna Odayaasha iyo waxgaradka degaanku Ma'suuliyadeeda qaadayaan sidii ay u furi lahaayeen wada hadal rasmi ah oo sheekh Atom lala gelayo ,noqonayana mid Sheekha lagu soo xero gelinayo

 

 

2- qodobka kale oo ka mid ah baaqa la soo saari doona ayaa ah in aduunka iyo warbaahinta Caalamka loo fidiyo casumaad ay ku yimaadaan degaanka Galgala si loo tuso Aduunka in dagaalka Galgala uu yahay mid dad gaar ahi oo iimaan aawayaal ah ay rabaan in ay ku dhacaan khayraadka u dhaxeeya Soomaali oo dhan meel kasta ha ka joogeen Jamhuuriyada.

 

 

Warkii ugu danbeeyey ee magaalada Dhahar ayaa sheegaya in uu halkaas maanta isaga cararay wasiirkii xanaanada xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ka dib markiii u adkaysan waayey kacdoonkii Bulshada Dhahareed oo ah mid aad uga soo horjeeda dagaalka Galgala,sidoo kale waxa kacdoonkii bulshada Dhareed la kulmay Wasiir Kuxigeenka sadexaad ee amniga Puntland Cabdijamaal oo isaguna rabay in uu caawa isaga baxo Dhahar ayaa ciidankii ilaalinayey iyo dhalinyaradii magaalada waxay is waydaarsadeen xabado hase ahaatee khasaaro nafeed ma dhicin waxaana soo dhex galay Odayasha degaanka.

 

 

allsanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

GalGala War Hada soo dhacay

August 24, 2010

By Axmed Muuse Dheere

 

Waxaa maanta looga gudbay ciidamada Puntland hal gaari oo nooca dagaalka ah togga lagu magacaabo Sugure, halkaasoo ah meeshii uu ka bilowday dagaalka lagu qaaday Ciidamada uu horkacayo Maxamed Siciid Atam.

 

 

Waxaa weerarkaas ku dhintay Hal Askeri oo ka tirsan ciidamada Puntalnd, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo uu shuf beelay gaarigaas oo lala beegsaday madfaca loo yaqaan hoobiyaha.

 

dhinaca kalena waxaa maanta tuulooyinka u dhow dhow tuulada galgala soo gaaray ciidamo daacad u ah u ah Maxamed Siciid Atam oo raxan raxan u socda, waxayna ugaarsanayeen tiknikada Maamulka Puntland ee maraya wadada laamiga ah, iyagoo ku dagaalamaya xeeladaha Ku Dhifo Oo Ka Dhaqaaq.

 

Wararka ka imaanaya deegaanka Galgala ayaa sheegaya in ciidamada Sheekhu ay intoodii badneyd ka soo degeen buuraleyda Madar Shoon, kuwaasoo iminka ku sugan goobihii horay loogu dagaalamay iyo agagaarka wadada laamiga ah.

 

 

Meesha Maanta Iska Hor imaadku ka dhacay ayaa ah Meel lagu Magcaabo sida warku sheegayo La Helow oo u dhexaysa Madarshoon iyo GalGala.

In Warka aan la ogaan ayaa keentay ka dib markii Agaasimhii Horseed-Media ee Magaalada Bosaaso Lagu xukumay Lix Sano oo xadhiga ah taasinay ay Keentay inaanay Wariyaashu ka Munaaqishoon Colaada Salka ku Haysa Khayraad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this