Sign in to follow this  
xiinfaniin

PL, TFG talks start in Galkacyo

Recommended Posts

Last Updated: Aug 17, 2009 - 5:03:00 AM

 

Wararka

 

Ra'isal Wasaaraha Somalia oo ka dagey Galkacayo

17 Aug 17, 2009 - 4:28:11 AM

 

 

 

Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hadda ka dagey 17 August,2009 Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacayo halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntland iyo golayaashiisa dowladda.

 

Waftiga Ra'isal wasaaraha ayaa waxaa uu ka kooban yahay Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaasoo muddo sadex maalmood ah ku sugnaan doonaa Puntland.

 

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Waftiga Ra'isal wasaaraha loo gudbiyey halkii ay ka dagi lahaayeenGalkacayo iyada oo la filayo in habeenka caawa ay bilaami doonaan wadahadalo dhexmari doonaa labada dhinac.

 

Wadahadaladan ayaa ku saleysnan doona qaabka dowladda Puntland iyo Federaalka u shaqeyn lahaayeen inta la helayo maamul baahsan oo la mid ah kan Puntland.

 

"Ka dagista Galkacayo Raísal Wasaraha Somalia ayaa ka dhigeysa in amaanka degaanada Puntland si buuxda ay gacanta ugu hayso dowladda kadib dilal ka dhacey halkas asbuucyadii la soo dhaafey", sidaas waxaa yiri sarkal magaciisa ka gabsadey oo ka tirsan maamulka Puntland oo la hadley Warsidaha.

 

Sarkaalkaan ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in maamulk sare ee Puntland ugu shaqeyn doono Galkacayo sida magalooyinka kale ee Puntland [Garowe & Bosaso] wixii hadda ka dambeeya taasna ay tahay go'aan dowladdu gaartey.

 

Safarka Raísal wasaaraha ayaa ka dhigaya kii ugu horeeyey ee ku tago maamulka Puntland tan iyo intii loo magacaabey xilkaan.

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

 

Isniin, 17 August 2009 (HOL): Waxaa goor dhawayd ka soo degay garoonka magaalada Gaalkacayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada gole ee Dowladda, waxa ayna abbaareen Hotelka Taar oo ku yaalla waqooyiga magaaladasi .

 

Waxaa Ra'iisal wasaaraha ku sugayay gegidda diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo dhamaan masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali Shire iyo maamulka gobolka Mudug.

 

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidamo la dhigay dhamaan waddooyinka ka baxa koonfurta magaalada Gaalkacyo, dadweynaha magaaladaasina waxa ay dhamaantood ruxayeen caleemo qoyan iyo ubaxyo ay ku muujinayaan soo dhaweynta Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

 

Maxamed Cali Royter

maxamedroyter@hotmai l.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashid Cali Sharmaaarke oo soo gaaray Gaalkacyo

Posted to the Web Aug 17, 14:27

 

 

Gaalkacyo:-Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashid Cali Sharmaaarke ayaa dhawaan waxaa uu gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug ,Ra,iisul Wasaaraha DFKM ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka Ganacsiga DFKM Cabdi rashiid Ciro iyo masuuliyiin ka tirsan 2 Gole ee DFKM.

 

 

Madaxweyneha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Mas’uuli yiin ka tirsan Dowladiisa ayaa waxaa ay raiislu wasaaraha ku Garoon ka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, ciidanka Madaxtooyada ee ilaalada khaaska ah Puntlland ayaa aad u adkeeyey amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Garoonka magaalada Gaalkacyo

 

 

Wafdiga la socda Ra’iisal wasaaraha DFKM Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa la dejiyey Hotel Taar City,wafdiga Raiisul Wasaaraha iyo wafiga la socday ayaa waxaa galbinayey ciidamo aad u hubaysan.

 

Dhamaan Masuuliyiinta Puntlland iyo wafdiga raiisul Wasaaraha ayaa hadda ku sugan Hotel Taar City.

 

Warka oo faahfaahsan dib ayaa idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Yes indeed.

 

This is good news. These discussions will insha Allah close the gap between the PL and TFG. It will also strengthen the relationship between the PL state and Sharif’s TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The meeting is taking place in a City some thought was in chaos and hard to tame. It tells a lot about this PL admin and it's competence.

 

Waryaa Xiin, soo adiga 7000 of post xirri raba!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^The TFG couldn't have done this when Sharif was elected instead of jetting off to Addis?

Al muhima it's happening now ee nin yahow get in line. :D Mar dhow wiilasha seefta wata iyo TFG ayaan ku casumaynaa inay isku arkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waryee Che, adigu alshabaab baad tahay ogaantaydii even after it demolished your great city of Beledweyne :D

 

This is a great development. Waxaad rabtid sheeg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo saacadaha soo socda kulan ku yeelanaya magaalada Gaalkacyo

 

Talaado, August 18, 2009(HOL): Waxaa saaka kulan ku yeelanaya Hotelka Taar ee magaalada Gaalkacyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo shalay gaaray magaaladaas iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

 

Kulankaas ayay labada mas’uul uga wada hadlayaan arrimo ku saabsan adkeynta ammaanka Puntland, Arrimaha Burcad Badeedda, dhaqaalaha iyo sidii maamulka Puntland uu gacan u siin lahaa Dowladda Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu socdaallo ku kala bixin doonaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland, iyadoo la xusuusan yahay in Ra’iisal Wasaare Sharma-arke uu ka soo jeedo Deegaannada Puntland.

 

Wixii ku soo kordha kulankaas iyo weliba socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee Puntland kala soco halkan haddii Alle idmo.

 

Maxamed Cali Royter

maxamedroyter@hotmai l.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Important meeting. Matters under discussion include:

How to tackle piracy (international funding, jurisdiction etc.)

Taxation (sharing revenues …)

Security (training security forces...)

Federalism (PL's model, integration ...)

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Don't look good for Faroole from where I'm standing (slightly askew admittedly). PL faces problems of all sorts and people start talking about the president losing his grip then, suddenly, the Fat Controller rides into town (and comes to the city where a PL minster was killed) to talk to the PL authorities?

 

At best Faroole's authority is being undermined (with his consent too) and, at worst, PL is being put in its place, a mere state in a 'federal' government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this