Sign in to follow this  
General Duke

Baraawe: Charcoal trade continues, why?

Recommended Posts

Baraawe oo weli si ba’an looga dhoofinayo dhuxusha iyo joojintii maxkamadaha oo waxba ka jiraan noqotay.

 

 

Baraawe:-Weli waxaa si weyn uga soconaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose dhoofinta Dhuxusha iyo biraha waaweyn ee Iskaraabka loo yaqaan, xilli mar sii horaysay Maxkamduhu sheegeen inaan dalka laga dhoofin dhuxuusha iyo waxyaabaha kale ee dhulka nacfiga u leh.

 

Markab weyn ayaa la sheegyaa inuu ku xiran yahay dekada Degmada Baraawe, kaas oo ka qaadi doona Dhuxul aad u tiro badan, waxaana la sheegay in ganacsadatada dhoofsanaysa dhuxushaas ay iska dhego tirayaan wareegtadii ay Maxkamaduhu ku mamnuuceen dhoofinta dhuxushaas.

 

Mar arintaas wax laga weydiiyey ninka hadda ka taliya magaalada Baraawe oo lagu magacaabo C/llaahi Xaashi Dhuxuloow ayaan wax jawaab ah ka bixin inuu ka hadlo arrinta dhoofinta dhuxusha iyo waxyaabaha kale ee ka jira deegaanka, waxaana saxaafadda ku eedeeyey inay yihiin kuwo soo qoda wixii la aaso oo dhan.

 

Degmada Baraawe oo ka mid ahyd meelihii Soomaaliya ugu quruxda badanaa ayaa hadda can ku ah dhoofita dhuxusha oo loo iibgeynayo dalalka khaliijka waxaana tan iyo intii ay wareegtada ay Maxkamaduhu ku joojiyeen dhoofinta dhuxusha soo baxday in ganacsatada dhoofisa dhuxusha aysan wax walwal ah ka muujin wareegtada maxkamadaha.

 

Mar isaga wax laga weydiiyey C/raxiim Cali Muuddeey oo ah guddoomiyaha Warfaafinta ee Maxkamadaha arrinta dhoofinta dhuxusha ee ka socota degmada Marka ayaa waxaa uu jawaabtiisa ku soo koobay in ay iyagu mamnuuceen ayna tahay arrin aan munaasab ahayn in la dhoofiyo dhuxusha.

Si kastaba ahaatee Maxaakiimta ayaa u muuqda kuwo ku guul daraystay inay wax ka qabtaan deegaan Shabeelada Hoose oo isaga sheego in xoog iyo xaalufin lagu hayo, waxaana moodaa in inta badan arintaas ay ka meer meerayaan, oo xaalku yahay waxna aan qalano midiyahana qarsano.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

It amazed me when I read that the Charcoal trade has been allowed because of the "cabasho" of dependent business people in Shabellada Hoose (and who could they be).

 

Yet the excuse they have given for the Kismaayo unrest was "qaadki" was outlawed and it was the dependent business women who were looking out for their livelihood.

 

Hadaad mar kale i indha-siracaadaan HornAfrique la ima yiraah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaadlayaasha Xamar jaadkooda lagama joojin, balse waxa la yiri waxaa la saaray "canshuur" dheeraada, tan kale waa loo sii digay inaay bisha Ramadan yareeyaan dhaqdhaqaaqooda, koow garanay hadaba maxaa keenay in kuwa kismayo loola dhaqmo si ka duwan kuwa Xamar? Kuwii kismaayo isla maalintii aay qabsadeen diyaaradihii way celiyeen waxaay u sheegeen inuu sidiisaba mamnuuc ka yahay oo mamnuucidani horey ka dhaqan gashay. Arrintaasi oo atleast fiicnaan lahayd in aay ganacsatadaasi siin lahaayeen waqti ku diyaar garoobaan amaba una usii digi lahaayeen ayaa ka haboonaan lahayd balse qasaare ayeey gasheen maxaay suubiyeen oon khasid ahayn. Marka suaashu waxay tahay kuwa Kismaayo maxaay uga duwan yihiin kuwa Xamar?

Wa layaban yahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this