General Duke Posted October 7, 2006 Baraawe oo weli si ba’an looga dhoofinayo dhuxusha iyo joojintii maxkamadaha oo waxba ka jiraan noqotay. Baraawe:-Weli waxaa si weyn uga soconaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose dhoofinta Dhuxusha iyo biraha waaweyn ee Iskaraabka loo yaqaan, xilli mar sii horaysay Maxkamduhu sheegeen inaan dalka laga dhoofin dhuxuusha iyo waxyaabaha kale ee dhulka nacfiga u leh. Markab weyn ayaa la sheegyaa inuu ku xiran yahay dekada Degmada Baraawe, kaas oo ka qaadi doona Dhuxul aad u tiro badan, waxaana la sheegay in ganacsadatada dhoofsanaysa dhuxushaas ay iska dhego tirayaan wareegtadii ay Maxkamaduhu ku mamnuuceen dhoofinta dhuxushaas. Mar arintaas wax laga weydiiyey ninka hadda ka taliya magaalada Baraawe oo lagu magacaabo C/llaahi Xaashi Dhuxuloow ayaan wax jawaab ah ka bixin inuu ka hadlo arrinta dhoofinta dhuxusha iyo waxyaabaha kale ee ka jira deegaanka, waxaana saxaafadda ku eedeeyey inay yihiin kuwo soo qoda wixii la aaso oo dhan. Degmada Baraawe oo ka mid ahyd meelihii Soomaaliya ugu quruxda badanaa ayaa hadda can ku ah dhoofita dhuxusha oo loo iibgeynayo dalalka khaliijka waxaana tan iyo intii ay wareegtada ay Maxkamaduhu ku joojiyeen dhoofinta dhuxusha soo baxday in ganacsatada dhoofisa dhuxusha aysan wax walwal ah ka muujin wareegtada maxkamadaha. Mar isaga wax laga weydiiyey C/raxiim Cali Muuddeey oo ah guddoomiyaha Warfaafinta ee Maxkamadaha arrinta dhoofinta dhuxusha ee ka socota degmada Marka ayaa waxaa uu jawaabtiisa ku soo koobay in ay iyagu mamnuuceen ayna tahay arrin aan munaasab ahayn in la dhoofiyo dhuxusha. Si kastaba ahaatee Maxaakiimta ayaa u muuqda kuwo ku guul daraystay inay wax ka qabtaan deegaan Shabeelada Hoose oo isaga sheego in xoog iyo xaalufin lagu hayo, waxaana moodaa in inta badan arintaas ay ka meer meerayaan, oo xaalku yahay waxna aan qalano midiyahana qarsano. Xarunta wararka Waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 7, 2006 It amazed me when I read that the Charcoal trade has been allowed because of the "cabasho" of dependent business people in Shabellada Hoose (and who could they be). Yet the excuse they have given for the Kismaayo unrest was "qaadki" was outlawed and it was the dependent business women who were looking out for their livelihood. Hadaad mar kale i indha-siracaadaan HornAfrique la ima yiraah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 8, 2006 Qaadlayaasha Xamar jaadkooda lagama joojin, balse waxa la yiri waxaa la saaray "canshuur" dheeraada, tan kale waa loo sii digay inaay bisha Ramadan yareeyaan dhaqdhaqaaqooda, koow garanay hadaba maxaa keenay in kuwa kismayo loola dhaqmo si ka duwan kuwa Xamar? Kuwii kismaayo isla maalintii aay qabsadeen diyaaradihii way celiyeen waxaay u sheegeen inuu sidiisaba mamnuuc ka yahay oo mamnuucidani horey ka dhaqan gashay. Arrintaasi oo atleast fiicnaan lahayd in aay ganacsatadaasi siin lahaayeen waqti ku diyaar garoobaan amaba una usii digi lahaayeen ayaa ka haboonaan lahayd balse qasaare ayeey gasheen maxaay suubiyeen oon khasid ahayn. Marka suaashu waxay tahay kuwa Kismaayo maxaay uga duwan yihiin kuwa Xamar? Wa layaban yahay! Quote Share this post Link to post Share on other sites