Sign in to follow this  
Hassan6734

Top Shabaab commander Yuusuf Kabo Kudukade has been killed

Recommended Posts

Sunday, 07 June 2009 00:07

 

Warar aan ka helay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Shiikh Yuusuf Kabo Kudukade oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha sare sare Ururka Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Shiikh Kobo kudukade oo si weyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho ayaa wararku ku darayaan inuu horkaacayey dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Waqooyiga Muqdisho, iyado sida la sheegayo maalinimadii Khamiista uu ku geeriyooday dagaalo dhex maray ciidamada Dowlada iyo kuwiisa agagaarka Siinaay.

 

Shikh Yuusuf Kobo kudukade ayaa lagu yiqiin inuu ahaa mujaahid soo halgamay, isla markaana gacan weyn ka geystay la dagaalankii ciidamadii Ethiopia isagoo dhulka soo riday Diyaaradii Helkopterka ahayd ee ay la ahayd ciidamada Ethiopia xiligii dowladii Cabdulaahi Yuusuf.

 

Sidoo kale wuxuu Shiikh Kobo Kudukade ahaa xiligii Midowgii Maxaakiimta ee uu utalin jiray Shiikh Shariif, Taliyihii Saldhiga Wardhiigleey.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale uu geeriyooday Abuu Xamza, isagoo ku geeriyooday dagaalada Muqdisho ka dhacay.

 

Dhimashada labadaani masuul ayaa dhabar jab ku noqonaya kooxda Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab oo si weyn ugu kalsoonaa isla markaana ay ahaayeen niman si weyn utababaran oo aad looga baqo.

 

Wariye Madax Banaan

Shire Yusuf Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this