Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu admin cracks down on warlord media [about time]

Recommended Posts

Sawir_top-1_1.JPGWarbaahintu waa in ey ruqso haystaan

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 14-November-2007

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta ay ku amrayaan qeybaha kala gedisan ee Warbaahinta Sida Idaacadaha,Talefishinadaiyo Wargeysyada iney Qaataan Waraaqaha Ruqsadda ay ku howl galayaan si marka ay Qalad galaan loola Xisaabtamo.

 

"Hadii 17 sano ay warbaahintu sey rabtay u shaqeyneysay oo dowlad la'aan la ahaa hada waxaa dalka ka jira sharci iyo kala danbeyn, sidaa daraateed waa iney warbaahintu goosato shati beri lagula xisaabtamo hadii ay qalad gasho" ayuu yiri Maxamed oo mudo 30 cisho gudahood ah ku amray in ay idaacadaha, telefishinada iyo wargeysyada ku qaataan waraaqaha ruqsata.

 

Maxamed Dheere oo ka hadlayey xariga Idaacadaha Banaadir, Simba iyo Shabeelle ayaa sheegay in looga baahan yahay iney qoraal raali gelin ah ka bixiyaan oo ay qirtaan qaladka ay galeen ee keenay in albaabada la isugu dhuftay.

 

"Dalka dowladda ka jirta loomana baahno in shacbiga la jaha wareeriyo waxaana idinka codsaneynaa inaad ka qeyb qaadatiin horumarinta dalka iyo sugida amaanka, maxaa yeelay qalabka warbaahinta waa mid labo afle ah oo xumaan iyo wanaagba loo adeegsan karo waana waajib na saaran inaan iyagana tixgelin siino oo aan xaquuqdooda dhowrno" ,ayuu yiri Maxamed Dheere oo maanta la hadlayey warfidiyeenada.

 

Tallaabadan lagu amrayo in qeybaha warbaahintu ay qaataan waraaqaha ruqsata shaqada ayey durbaba warbaahinta qaar ku tilmaameen iney tahay mid sida ay sheegeen ah hanjabaad u muuqata isla markaana keeneysa in si toos ah loola shaqeeyo dowladda Federaalka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Strange that you called the MOG media "warlords" when the very man who is cracking down on them is a warlord himself, but you gave the fancy title of "admin".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this