Sign in to follow this  
General Duke

Dr Faroole gets good marks thus far....

Recommended Posts

walaal000.jpg

Dr Abdirahman Faroole has only been in office for a few months and he has started with much energy and vigor. The creation of a cabinet made up of great talents, as well as the setting up the military committee for the cataloging the true number of armed forces, recruitment and training of new personnel. His administration has started to pay the salaries of the civil servants and other government workers. He has also put into place the creation of a new capital, has toured some key areas of the state and has reiterated his policy to improve security and develop the states economy. President Faroole has shown that he is an experienced politician specially the quite and diplomatic way he has handled the new relationship between the state and the Federal government in Mogadishu.

 

Thus so far, while it is early to make a judgment Faroole has exceeded the Duke’s expectation and I wish him a great deal of success insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

‏HADDAYAN DEDAALKA JOOJIN DOWLADDA MADAXWEYNE FAROOLE>>>>

 

C o p e n h a g e n

Arbaco 11 March 2009

 

Waxaa la hubaa, in dadka Reer Puntland gaari doonaan horumar deg degf ah, horumarkaas oo ayan faa’iidadiisu ku koobnaanayn degaannada Punland kaliya. Sababtoo ah labo faa’iido oo waaweyn ayaa ku jira in la helo madax leh: “aragti horumar oo dheer, dedaal joogto ah iyo daacadnimo dhab ah oo salka ku haysa aqoon iyo iimaan”.

Faa’iidada 1aad: Waa horumarka tooska ah dadka iyo dalku gaarayaan.

 

Tan 2aadna waa wanaagga looga dayan doono, kaasoo ah runtii kan ummadaha adduunku ku isku dhaaftay, markii ummado heleen hoggaan noocaas ah ummadana waayeen. Waa hoggaanka noocaas  ah kan sababta u noqon kara in ummaddaasi haleesho jidka horumarka kuna waarto. Sababtoo ah waxay dhaqan ka dhigteen oo joogteeyeen inay isaga day’daan waxa wanaagsan oo danta u ah dalka iyo dadka “Horumarinta iyo dhowrista tiirarka danta guud”. Dhanka kale, waxaa imaanaysa in ummaddu caadeysato in wixii xun oo dhan, gaar ahaan wax kastoo ka hor imaanaya danta guud meel looga soo wada jeesto ayna sidaas ku noqoto caado iyo dhaqan ay dadkaasi leeyihiin, taasoo ku khasbaysa cid kastoo xumaan maagganayd inay ka maagato.

 

Akhristoow, soow maaha wax lala yaabo, inaynaan oggolaan inaan caado iyo dhaqan ka dhiganno, inaan wada dhowrro danteenna guud? Maxaanse haddaan nahay soomaali, had iyo goor u eersannaa cid kale, inta ka seexanno danteenna?

 

Haddaan u soo noqdo Dowladda cusub oo Puntland oo u hoggaaminayo Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaan ku boqaadinayaa dedaalka weyn oo muuqda oo ay durba ku tallaabsadeen. Waxaannaa leeyahay: “noqda kuwii dadweynuhu sugayey wad u egtihiine”, “noqda kuwii laga dhaxlo wanaag iyo horumar waara”.

 

Siciid Cabdille Cali-Ilweyn

 

Jaaliyadda S. ee Denmark

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin ku saabsan Isbadalka Puntland

 

Allidamaale Puntland News Center

 

Boosooso (Allidamaale.com)Maamulka ay shacabka Puntland dhisteen Dr.Cabdiraxmaan Faroole wuxuu dhisay wasiiro iyo kuxigeeno wuxuukaloo u magacaabay agasime guud ilaa wixii kahooseeyay sida godomiyashi Gobolada iyo Dagmooyinka iyo Ciidamada sida Booliska oo kale iyo garsoorka xeer ilaaliyihii guud gudoomihii maxkamada sare gudoomiyihii bankyada ,hanti dhawrka qaranka, maareeyayaasha Airprtyada iyo dakadaha waxeeyna u badan yihiin kuwiii hore ee maamuladii hore lasoo shaqayn jiray.

 

Maamulka Puntland ee Cusub waxa uu bilaabay amaba u ku dhexjiraa tira koobka shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada kuli waa latira koobayaa magac been ah in lacag laguqato madhacayso waxa la samaynayaa shaqale kooban iyo askar kuwalati leh oo shaqadooda si wacan u guta, waxaana la balan qaaday in mushaharaadka bil walba la bixinayo oo aysan dhacayn in qof shaqaale ah uu waayo lacagtisa.

 

Maamulkana Cusub wuxuu cadeeyay in qofku uu leeyahay xaquuq wuxuuna kala saaray mida qofku ku leeyahay Dalka waa Puntland iyo mida shacabka dalka ku leeyahay, taasina waa tan isbadalka keentay oo Faroole loo doortay waana Dr.dhaqaalaha yaqaan aqoon fiicana maamulka uleh oo aan marna ogolaanayn in dhaqaalaha dalka Qole gaar ah jeebka kushubato kadibna dalku uu buru buro wax shaqo qabtana lawaayo.

 

Tayada Wasiirada

 

Wasiirada uu dhisay Faroole waa dad kuwalati leh oo mutacalimin ah mana ku jiro hal nin oo balwad leh waxana ay awood uleyihiin inay 24hours u shaqeyan shacabka puntland,sidoo kalena shacabku waxeey balanqaadeen inay lashaqaynayaan Maamulkooda, Maamul Goboleedka Puntland iyo fadaralkuna waa ay isku xiran yihiin oo waxaa ka dhex jirta wadashqeeyn aad u wanaagsan.

 

Amniga Puntland

 

wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa waxeey dhawaan soo saartay go’aamo ka dhan ah isku qab qabsiga beelaha ku aadan Deeganka.

 

Wasaaradu waxeey go’aamisay wax aysan ogayn oo dawladaha hoose iyo barlamankuna ansixin cid dagi karta oo magaalo cusub ka samaynkartana aysan jirin sabaabto ah waxaa soo noq noqday oo dhoowr goor isku dhacyo ka dhaliyay beelo walaalah degaan la isku heesto.

 

Waxaa kaloo dhacada mararka qaarkood inta nin soo koco ayuu guri ka asaasayaa iyo baraagoh taasna waxa ay noqotay in lawayo meel xoolihii daaqaan deegaankiina baaba’o dhirtiina ay jaraan markaasna u xaluf yimaado oo cara guuro dhulkii hawdka ahaa ee geelu daaqi jiray manta waa xaaluf hadaan sikale u dhigo dadku say ubaba’en ayaa dalkuna ubaaba ay bad iyo bariba, badana waa lajiriifay oo maraakiib shasheye ayaa soo gashay dhulkiina dad ayaa gubaya oo dhuxul kashidaya kadibna dibada udhoofinaya, sida wadamada carabta oo kale.

 

Dhinac Puntland waa laga cirib tiray dhuxul dhoofiya yaasha aan wadinaga aheeyn, taasi puntland hada weey ka yara nasatay oo hada nin dhuxul dhoofin kara majiro oo melkasta iyo iridkasta waa lataaganyahay waxana joga Ciidamo Bileys ah oo la dagaalama kuwa dhulka xaalufiya.

 

Shaqaaqadii Ufayn

 

Isku dhicii kadhacay waxa ku dhintay 8-qof oo labada dhinacba ah hadana xalaadu weey dagantahay oo gacanta ayaa lagu hayaa, Ciidamada Daraawishta Puntland ayaa hada ku sugan sidoo kalena wax garadkii iyo Isimada Gobolka bari oo u hogaaminaayo wasiirka amniga Mudane C/laahi Siciid Samatar ayaa kusugan, waxaana socda wadahadlo arintaas lagu qaboojinaayo.

 

wabilahi tawfiiq

Cawil Bosaso Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this