Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

SOMALILAND: Government forms a Beautification Committee for Hargeisa

Recommended Posts

SOMALILAND: Government forms a Beautification Committee for Hargeisa

Comments (10)

 

HARGEISA (Somalilandpress) — President Ahmed Mohamed Mohamoud named a Beautification Committee consisting of six members on Saturday according to a press release by the Presidential Palace.

 

According to Presidential spokesman, Mr Aukuse the president has formed a Beautification Committee for the city of Hargeisa consisting of Dr Abdi Mohamed Gabose (Chairman), Minister of Interior and Domestic Affairs, Eng. Mohamed Hashi Elmi, Minister of Finance, Mr Hussein Ahmed Aidid, Minister of Transportation, Mr Abdullahi Jama, Minister of Press and Mr Hussein Jiir, Mayor of Hargeisa.

 

The Committee will operate under the department of Public Works and will find ways to beautify the city which has been neglected for the last two decades.

 

The Committee will oversee and find ways to improve the city’s roads and trash problems, sanitation and environmental degradations.

 

This is a new initiation by the new administration to improve living conditions in Somaliland’s major urban towns.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawsha Culus ee Sugaysa Guddida Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Tayeynta Bilicda Caasimadda Hargeysa

 

 

Hargeysa (Jam)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay guddi heer qaran ah oo loo xil saaray tayeynta bilicda caasimadda Hargeysa oo ah murraayadda dalka, iyada oo guddidaasna ay sugayso hawl culus oo la xidhiidha bilicda Hargeysa.

 

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdillaahi Maxamed daahir (Cukuse), guddida tayeynta bilicda Hargeysa oo ka kooban shan wasiir iyo maayirka caasimadda, waxa Guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

 

 

Warsaxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;

 

 

“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta (shalay) Guddi heer qaran ah u magacaabay Tayeynta Billicda Caasimada Dalka ee Hargeysa oo ah muraayadi dalka.

 

 

Guddidan uu madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban Lix (6) Xubnood oo ka kooban Wasiiro iyo maayirka caasimada.

 

 

Madaxwynuhu waxa uu magacaabista Gudida ku yidhi sidan:

 

 

Mudanayaal, sida aad ka war qabtaan, bilicda iyo muuqaalka caasimaddu wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanaya milgaha dawladnimo.

 

 

Haddaba Mudanayaal, laga bilaabo taariikhda warqadan waxaan idiin magacaabay Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, waxana guddoomiye idiin noqon doona wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

 

 

Magacyada Gudida

 

 

1. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

 

2. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

 

 

3. Mudane, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

 

 

4. Dr. Xuseen Axmed Maxamed (Xoog), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

 

 

5. Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

 

 

6. Mudane, Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka

 

 

Ugu dambayn waxa madaxweynuhu gudidan kula dardaarmay in ay sida ugu dhakhsaha badan hawshan u gutaan oo ay xil wayn iska saaran waxaanu yidhi madaxweynuhu Illaahay hay’adda ha u fudaydiyo hawshaa.”

 

 

Guddidan madaxweynuhu u magacaabay tayeynta bilicda caasimadda Hargeysa, waxa horyaal hawlo baaxad leh oo u baahan in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabtay si nadaafadda iyo bilicda Hargeysa oo ah murraayada dalka kor loogu qaado.

 

 

Hawlaha culus ee wax ka qanashadoodu hortaal guddidan waxa ugu muhiimsan xashiishka iyo bacaha meel walba daadsan ee foolxumada qaawan ku noqday caasimadda Hargeysa, xadhkaha shirkaddaha isgaadhsiinta ee sida qaabka daran loo raaciyey waddooyinka halbawlaha ah ee Hargeysa iyo meheradaha yaryar ee wadooyinka hareerahooda laga samaystay, dadkaasi oo u baahan in la dejiyo suuq ay si xor ah ugu ganacsadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this