Sign in to follow this  
General Duke

Largest clan in Mogadishu support the reconciliation conference

Recommended Posts

source

 

Beesha ****** oo sheegtay inay si buuxda uga qeyb galeyso Shirka dib u heshiisiinta.

 

Mogadishu Khamiis, March 15, 2007 Simba Radio.

 

Kulan ay Maanta Hotelka Glopal isugu yimaadeen Odayaal dhaqameedyo iyo wax garad ka tirsan Beesha ****** ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada haatan ka taagan wadanka Soomaaliya qaabka ay uga qeyb qaadan lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan lagu wado in lagu qabto Caasimada Muqdisho iyo waliba sameynta gole ay u dhan yihiin beesha ******.

 

Kulankaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa iyo 150-xubnood oo ka kala socday wax garadka iyo culuma'udiinka beesha Mudulood waxaana sidoo kale kulankaasi ka soo qeyb kalay mas'uuliyiin ka socotay Dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Muqdisho maxamuud Xasan Cali Cadde gaaboow iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

 

Afhayeenka Beesha Mudulood muxudiin Xasan Afrax ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay gaba gabadii kulankaasin kulankoodii maanta ay uga hadleen arimo fara badan oo ugu horeyso qaabkii ay beesha ****** uga qeyb qaadan laaheeyn shirka dib u heshiisiinta ee bartamaha bisha april lagu wado in lagu qabto Caasimada Muqdisho.

 

Muxudiin Xasan afrax ayaa intaasi ku daray in beesha ****** ay si weyn u taageersan yihiin Kulankaasi isla markana ay ka qeyb gali doonaan shirka dib u heshiisiinta ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaallya in lagu qabdan doono magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Beesha mudulood Muxudiin Muxudiin Xasan afrax ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo amaan xumida wuxuuna sheegay in xiligaani loo baahan yahay in wax waliba oo jira in lagu dhameeyo wada hadal balse aan loo baahneyn dagaal dambe oo ka dhaca wadanka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho.

 

Sidoo kalena afhayeenka ayaa waxaa uu ka hadlay gole la magacbaxay Golaha Guutida Beesha ****** oo ay Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqeen iyo waxyaabaha uu qaban doono.

 

Si kastaba ha ahaatee kulankaani ayaa waxaa uu ahaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Beesha ****** mid loogu gogol xaarayo shir weyne guud ay isugu imaanayaan guud ahaan beesha ****** soo loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya beesha ****** isla mar ahaan taana meel uga soo wada jeestaan xaalada iminka ka taagan wadanka Soomaaliya.

 

 

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan lagu qabtay Hotel Globan oo maanta lagu ansixiyay Golaha loogu magac-daray Golaha Guurita beesha ******

 

source

 

Dhanka kale, waxaa la soo jeediyay baaqyo ka kooban 7-baaq oo ku saabsan xaaladda Ammaanka ee Muqdisho, waxaana baaqyadaas looga codsaday kuwa shacabka Dhexdooda ka tuura hoobiyeyaasha inay shacabka u naxaan ayna taageeraan Dowladda.

 

 

Waxaa kaloo lagu sheegay baaqyada in loo baahan yahay in cid walba oo ku dhaqan caasimadda ay xil weyn iska saarto sidii ay nabadda Caasimadda uga shaqeyn lahayd, ayna daayaan dhibaatooyin iyo nabadgalyo xumada ay ka wadaan Muqdisho, haddii kale ay dhibaatada inteeda badan iyaga ku dhacayso.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this