Sign in to follow this  
BiLaaL

Sheekh Shariif oo ka hadlay wax yaabaha ka soconaya Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

BiLaaL   

Sheekh Shariif: Waa in cid kasta oo Soomaali ah ka qeyb qaadato difaaca diinta iyo dalka

 

Aayaha.com, Talaado, 10 April 2007 - Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha golaha fulinta maxaakiimta Islaamka oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eratrea ayaa sheegay in ay tahay in qof kasta oo damiir Soomaalinimo iyo mid islaamnimaba leh uu ka qeyb qaato muqaawamada ka socota magaalada Muqdisho ee cadowga looga xoreynayo magaalada Muqdisho.

 

Sheekh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay isagoo wareysi siinayey idaacadda Hornafrik in waxa ka soconaya magaalada Muqdisho ay tahay gardarro cad iyo xasuuq oo lagu hayo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana arinkaasi ay ka dambeeyaan dad aan marnaba raali ka aheyn jiritaanka umadda Soomaaliyeed ee islaamka.

 

Waxa uu xusay in Mareykanka uu ka dambeeyo arrimaha ka socda Soomaaliya isagoo adeegsanaya jabhadda Tigreega ee ku amar taagleysa dalka Itoobiya,waxa uuna sheegay in cadowga Itoobiya aaney marnaba aqoonsaneyn dowlad ka dhalata dalka,isagoo tusaale u soo qaatay in kooxda Mbagathi ee dalka soo galisay cadowga xitaa aaney iyaga aqoonsaneyn mar haddii ay odayaasha beelaha Muqdisho ay si toos ah heshiiis ula gaarayaan cadowga Itoobiya.

 

Waxa uu ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda la garab galaan kooxaha xaq u dirirka Soomaaliyeed,isagoo ugu baaqay maleeeshiyaadka la marin habaabiyey ee kooxda Mbagathi in ay badalaan fikirkooda cadow taageerka ah ayna ka qeyb qaataan difaaca diinta,dadka iyo dalka.

 

Shacabka ku nool gobolada dalka ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay meeshooda kala dagaalamaan cadowga iyo kuwa dabadhilifka u ah ,si aaney caowgu fursad ugu helin kala qobqobka shacabka Soomaaliyeed,"haatan cadowgu waxa ay doonayaan in ay qabsadaan deegaanada Putland iyo Soomaaliland si ay u kala jarjaraan shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri sheekh shariif sheekh Axmed (Xafidulaahi).

 

Sheekha ayaa sheegay in sababaha uu u jooga magaalada Asmara ee dalka Eratrea ay tahay isagoo kulamo halkaasii kula qaadanaya madaxda dalkaasi iyo rag uu hogaaminaya Shariif Xasan Sheekh Aadan uuna kala hadlay sidii dalka Soomaaliya loooga saari lahaa cadowga qabsaday ee Jabhadda Tigreega.

 

Waxa uu sheegay in uu socdaalo kala duwan ku kala bixin doono wadamo dibadda ah kuwaas oo uu sheegay in uu kala hadli doono sidii cadowga dalka qabsaday looga saari lahaa.

 

"Aniga dhowr mar ayaan Mareykanka u sheegay in ay joojiyaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya ee Itoobiya ay ugu garab qabanayaan shacabka Soomaaliyeed,fadeexad ayaa hadda mareykanka ka heysata Soomaaliya,weyna sii xoogeysaneysaa haddii aanu faraha kala bixin arrimaha Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli ay xaq u dirirka Soomaaliyeed diyaar garow adag ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga ku soo duulay shacabka Soomaaliyeed.

 

HornAfrik: Gudoomiyihii golaha fulinta Maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif oo hadlay wax yaabaha ka soconaya Magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this