Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Lower Juba: Islamic Administration cleans up and refurbishes public facilities

Recommended Posts

Wilaayada Islaamiga Gobalada Jubbooyinka oo Howllo Nadaafadeed ka bilaawday magaalada Kismaayo

 

Wilaayada Islaamiga ee Gobalada Jubbooyinka ayaa bilaawday in ay dayactir ku samayso wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo oo waxyeeloobay dagaaladii sokeeyay.

kadib markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay xaqiiqsadeen gacan ku haynta gobalada Jubbooyinka ayay bilaabeen in ay wax ka qabtaan arrimaha Bulshada oo muhiim u ah Bulshada.

5-ta xaafadood ee magaalada Kismaayo ayuu maamulku ka bilaabay olole nadaafadeed, waxaana magaalada lagu arkayaa dad fara badan oo qashinka ka qaadaya xaafadaha magaalada Kismaayo.

Madaxa caafimaadka maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo C/qani Gurxan ayaa sheegay in ujeedada ay u bilaabeen ololaha nadaafadeed ay tahay sidii ay u soo celin lahaayeen bilicda magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in ololaha nadaafadeed uu socon doono muddo 5-maalin ah islamarkaana ay ka qeyb qaadanayaan 250-qof oo shaqaale ah.

Shacabka Kismaayo ayaa si aad usoo dhaweeyay howlaha ay bilaabeen Maamulka Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo hadda u istaagtay wax ka qabadka arrimaha Bulshada.

Sheekh C/qani Gurxan oo katirsan madaxda arrimaha Bulshada ayaa sheegay in wilaayada Islaamiga ah ay u khidmayn doonto shacabka si sare loogu qaado ku dhaqanka shareecada alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this