Sign in to follow this  
General Duke

Tacsi: MP Mohamed Usman Maye assasinated

Recommended Posts

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya oo goor dhoweyto lagu dilay magaalada Baydhabo.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaara u ah baarlamanka federalka Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhoweyto toogasho lagu dilay mudane ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya oo la oran jiray Maxmed Cusmaan Maye.

 

Alle ha u naxariistee xildhibaanka ayaa waxaa toogtay maliishiyooyin bistoolado ku hubeysnaa xili uu kasoo baxay masaajid uu salaadii taraawiixda kusoo tukaday sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal aha oo ku sugan Baydhabo.

 

Wali si dhab ah looma garanayo cida ka dambeysay dilka masuulkan waxaase inta badan dilalka masuuliyiintu ay dhacaan xiliyada ay salaada kasoo baxaan oo qofka muslimka ah ee masajidka kasoo baxay aanu qabin feejignaan dheeraada oo uu tasbiixsi uun ku jiro.

 

Xildhibaanka caawa la dilay ayaa ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn ugasoo hor jeeda siyaasada uu wax ku hogaamiyo ra’isulwasaaraha dowladda federalka Soomaaliya lamana garanayo in dilkiisa iyo arrintaasi ay wada xiriiraan.

 

Hadaladii ugu dambeeyey Allaha unaxariistee Maxamed Cusmaan Maye uu ka sheego Golaha Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ahaa in aysan heysan cid amaankooda sugta ee meed socda oo kale ay yihiin, isagoo shalay dhaliil ujeediyey laamaha amaanka ee dawladda Soomaaliya kuna dhaliilay maamul xumo dowlada Nuur Cade.

 

 

Wixii warar dheeri ah oo arrintan ku saabsan kala soco carmooyin.com saacadaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha baarlamanka oo maanta ka qeyb galaya munaasabada aaska xildhibaan xalay lagu dilay Baydhabo.

 

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay magalada Baydhabo kaga qeyb galaan munaasabada aaska Alle ha unaxariistee Maxamed Cusmaan Maye oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya kaas oo xalay nin hubeysani ku toogtay ilinka Masaajidka Al towba oo uu salaada taraawiixda kusoo gutay.

 

Alle ha u naxariistee xildhibaankan hore ayaa waxaa toogtay ruux bistoolad ku hubeysnaa oo wajiga soo qarsaday xili uu kasii baxayay masaajidka uu salaada taraawiixda kusoo tukaday.

 

Dilkii marxuumkan kadib ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee baarlamanka Soomaaliya waxaana tan iyo xalay magaalada laga dareemayay dhaq dhaqaqa gaadiid farabadan oo is dhaaf dhaafaya oo ay wataan mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

 

Saaka ayaa magaalada baydhabo waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaqyo aad uxoog badan oo loogu diyaar garoobayo aaska mudanahaa ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya ee xalay la dilay.

 

Wali si dhab ah looma garanayo cida ka dambeysay dilka masuulkan iyadoo sidoo kalana anaay jirin cid sheegatay dilkiisa,hase ahaatee wararka baydhabo ka imaanaya ayaa sheegaya in ay baaritaano arrintaa ku aadani soconayaan iminka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know the marxum may Allah forgive bestow his mercy on the late man and may he give courage to his family and relations.

 

He died coming of Masjid after tarawix prayers in the holly moNth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this