Sign in to follow this  
Taleexi

Can I Win This War?, I dare you say NO!!

Recommended Posts

Taleexi   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

I don't want to make a long argument but it is sad how you burn up when things come close to your house and look better when it is at someone else's house .......

 

If i look the same clanish window you are using, then why the boys from Sool, Garowe and Bosaso and dying in Mogadishu and Baidoa ??

 

AGain, I always thought Cade Muse is the same clan that resides in Sool (as they always used to say) ,, what is changed now ?? why is he withdrawing himself from Sool and LA ???

 

Finally, LA is not burning ,, if you want to burn it then you can never do that. I'm glad those militia were chased away without a single civilian and property damage. Thanks to the Somaliland army skills.

If you were referring your response to be this above qoute... I guess that doesn't answer my question, or does it?.. I am assuming we aint singing the same lines of the song on the same page.... Just expose your stand on the considered issue.. I am just waiting whether the real Mr. SheekhaJacaylka can stand up or not?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Sheekhoow saaxiiboow suaal :D . Niyow, horta maxaad Mansa-Muunsa isugu wada tagtaan ;) looooool Waar ninka hal nin udhaafa. Acuudu billaahi, sidii koronkortii ayaad hal mar ku wada dagaysaan :D:D Ceebeey Tacaal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miyaanad aqoon ,, hadalka waa loogu celceliyaa oo loogu celceliyaa ilaa 100 goor sidaas la yeelana ma fahmo ,,, dee qof keliyina ma samayn karo markaa shifts baanu galnaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Waxaan filayaa, waa iska caddahay smile.gif . Wixiinu maaha wax fahansii. Waxa weeye khasab fekkerkiina ku marsiiya loool. Dee diidyee iska seexda. Hurdadiiba idin-ka tagtaye. Waar waamaxay nimankani qadh adakkaa !! Hadii kale mid idinka idinka mid ahoo seexan u qorsheeya. Dee Waqdii Jaadkana waxaad ugaso qabataa Caqqaar qaad ah. Waliba waxaad usoo qabtaa kii cusbaayee Hargaisa cishadii dhawayto la keenay. "Aabaa Yaabay" looooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Kee Daran, Xaabsade iyo Xulufadiisa Laascaanood Qabsaday; iyo Xabashida iyo Xulufadeeda Xamar Heysta

Warkii 21-Oct-2007 iyo Qormadii: C/Waaxid C/hi Khaliif

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.Xaabsade iyo xulufadiisa Laascaanood qeybsaday ma ka daran yihiin Xabashida iyo xulufadeeda Xamar heysta? Soomaalideenna oo caqligii ka guuray waxay intooda badan qabaan intii qabiil kale farogelin lahaa dhul qabiilkoodu ka soo jeedo in Yuhuud, gaalo kale ama Abasiiniya qabsato! Waa caqli bannaanka ka taagan diimaha iyo xadaaradaha. Laakiin Soomaalidii hore ee ay hogaanka u hayeen dadka caqliga badan waxay dhihi jireen, “intii Baaniyaal cuni lahaa; Cali ha beeseysto.”

 

 

 

 

Ilaahay baan ku dhaartee, markii la bixiyey magaca ah Puntland waan ka naxay. Markaan weydiiyey waxa micnaha magacu yahay waxay dhaafiwaayeen iney bixiyaan macnayaal kala duwan sida dhulka ilaahyada; kii uduga iyo kuwo kale. Hadduu macnaha loo badinayo noqdo kan ilaahyadii Fircoonnadii hore haddee waad garan kartaan dambigey ku tahay diinta iyo dhaqanka Soomaalida. Maxaan ula baxney magac aynaan aqoon? Ilaah baan ku dhaartaye, marka laga reebo Ingiriiska loo qoray, magaca “Somaliland” baa aad uga macquulsan kan Puntland. Inkastoonanba hubin wuxuu ka soo jeedo erayga Soomaali laftiisu haddana ma jiro qof yiri waa magac laga urin karo shirki ama micno xun. Waxaa intaas dheer xitaa haddii magac Soomaali la ogaado inuu leeyahay micno khalad ah, innagu dambi kuma lihin ileyn waxaynu aragnay iyadoo naloo ku yeerayo oo wax kama qaban karno.

 

Waxaan soo qaatay dastuur-ku-sheegii ay markaas Puntland qorteen waxaan u akhriyey qodob qodob waxaana goostay inaan buug-yare ka sameeyo. Waxaan iskaga daayey waa dastuurkaas oon waxba ka duwaneyn kii 60-kii mana ahayn wax iyaga ku gooni ah.

 

Magacaas iyo madaxdii Puntland qabsatay dartood ayaa igu reebay walaac ah in dadweynaha loo hogaamin doono wax aan aakhiro iyo adduun midna dan ugu jirin. Intaan boggagga internetka ee Soomaalidu si fiican u soo caan bixin waxaan tagi jiray meelo ay reer Puntland isugu yimaadaan waxaana ka hor oranjiray ineysan dadkooda ku dirin diinta sidoo kalana aysan Soomaalida kale iyo iyaga la kala dhexdhigin xumaan iyo nacayb ee loo baahanyahay in Soomaali la isu keeno. Waxaa marar badan shirarkaas joogay niman ka soo jeeda Puntland oo qaarkood hadda dowladda federaalka jagooyin sare ka sheegtaan, qaar mucaarad ku ah iyo qaar maamul goboleedka Puntland mas’uulo ka ah.

 

Sanadkii 2001-dii baa mar qolya reer Puntland ahi shir iyo dhaqaalo-aruuris iskugu yimideen markii la sheegay Moorgan oo boqolaal wiil wata oo ka soo kacay Ceelbarde kuna jeeda Kismaayo. Markaas Kismaayo waxaa heystay Dooxada Jubba. Waxaan dadkii ku boorriyey inaan dagaaloogayaashaas midkoodna faa’iido keeneyn sidoo kalana aysan macno sameyneyn kala taageeriddooda. Waxaan xusay inaan midkoodna dan u wadin qabiilkiisa ee ay ilaashanayaan dano shakhsiyeed. Markey taladeydii diideen ayaan ku iri waayahee maxaad wiilashaas u halaageysaan ileyn dhowr boqol oo wiil xitaa haddey Kismaayo qabsadaan ma heysan karaane! Waxaan tusaaleeyey xitaa iney wiilashooda iyo dhaqaalahooda u turtaan haddey waanadeydii dhegaha ka fureysteen. Markaas dooxada Jubba waxay taageero ka heysteen Xamar, Shabeelaha Hoose, iyo Gedo halka Moorgaan ay taageero ugu sokeysay Puntland, qof qurbo jooga ama kuwo xeryo qaxooti ku jira. Nin janan ah, oo dowladdii Mbagathi ka gaaray meesha ugu sarreysa ee jago ciidan oo markaas meesha fadhiyey, baa isagoo igu xumeynaya yiri, “niman badan oo jaamacado milatari ka soo baxay baa meesha fadhiya!” Wuxuu ka wadaa ma iyagoo saraakiil ah baan anoo weligay ciidan noqon kala talinayaa weerar iyo duullaan! Anna waxaan ku iri haddey intey qabsadaan ay bil ama wax la mid ah heystaan adaa iga caqli badan! Ilaahay wuxuu qaddaray in Moorgan uu Kismaayo qabsaday laakiin laga saaray 24 saac gudahood isagoo si dirqi ah ku baxsaday. Waxaa Moorgan dagaalkaas looga qabsaday saraakiil la socotay iyo gaarigiisii khaaska ahaa.

 

Marka laga reebo dagaalkii Al-Itixaad iyo SSDF u dhaxeeyey, Puntland waxay ka mid ahayd meelaha Soomaaliya ugu nabadgelyo iyo dhexmar badan. Somaliland iyadu waxay gashay dagaal sokeeye oo bilo badan socday. Xitaa dagaalkaasi wuxuu keenay in dadka reer Waqooyigu kala soo degijireen alaabaha Boosaaso kaddib markii Berbera xirantay ama dadka qaarkiis ka deysteen iney wax kala soo degaan. Waxey Soomaali iskaga markhaati kacday in laga soo bilaabo 1991 ilaa markii Puntland la sameynayey in USC iyo dagaaloogayaasha Xamar ay ahaayeen siyaasiyiintii ugu xumaa Soomaaliya oo geliyey dagaalkii sokeeye ee ugu dheeraa uguna qaab darnaa. Caqligu wuxuu keenilahaa in qabiilkii dani ka heyso aakhiro iyo adduunba inuu qaado waddo kale oon taas ahayn laakiin nasiib-darro dad badan oo reer Puntland ah waxay u arkeen in magacaas iyo maamulkaasi u horseedi doono barwaaqo, horumar iyo isu-keen Soomaali weyn. Yaan loo qaadan inaan takfiir ahay ama aan leeyahay dadka waan ka saxsanahay laakiin waxaan u arkayey maamulkaas daruur cadaab ah oo maray ahaataba galaafandoonta dadkaan ka soo jeedo. Halka dad badan u arkayeen iney tahay horumar oo keeni doonto in maddaalahoodu uu Soomaali oo dhan gacanta ku dhigidoono oo arrimaha Soomaaliya looga dambeyndoono, kheyraadka dalkana iyaga gacantooda geli doono. Saacadan aan maqaalka qorayo waxaa dhici karta in qaar badan oo iyaga ka mid ahi weli fikirkaas qabaan!

 

Marka haddaan qodobeeyo maamulkaas ka hor sida Waqooyi Bari ahayd iyo sidey hadda noqotay:

 

Diin-jacayl ay kala mid ahaayeen Soomaalida kale. Dhibtii iyo dagaalkii sokeeye ayaa keenay in dad badani fursad u helaan iney daalacdaan diinta Islaamka.

Waxay markaas ahayd meelaha ugu nabadda badan Soomaaliya.

Dad markii hore ka soo jeeday Puntland oo ka soo qaxay Xamar iyo Koonfurta kale oo camiray magaalooyinkii Puntland taasoo keentay iney si xad dhaaf ah u fidaan.

Nabadda iyo fiditaankii magaalooyinka ayaa keenay in dad kale oon dhulkaas ka soo jeedin ay yimaadaan oo ka qeybqaataan ganacsiga oo cirka isku shareeray.

Ma jirin argagixiso-la-dirir. Marka dadka musaafurka ahi meesheey rabaan haka yimaadaan, cidday rabaan ha ahaadeen, cidna lama hadli jirin. Qof kasta wuu xasuustaa dadkii ka soo qaxay Xamar oo u dhashay Somaliland sidii loogu soo dhoweeyey gobolladaas markey ku nasteen iyagoo ku jeeda Somaliland.

Waqtigaas kaddib waxay lumiyeen Kismaayo oo dadka qaarkiis dhahaan waxaa sabab u ah xurguf dhexmartay Moorgan iyo C/hi.

Toban sano ku dhowaad dhaqaalihii Puntland waxaa loo qoondeeyey sallaan lagu gaaro kursi Soomaaliyeed. Ma jiro ama waa yaryahay dagaalooge Xamar ama Baydhabood oon kiishka loogu shubin lacagta dekedda Boosaaso. Haddaan magacaabo waxaa ka mid ah: Muuse Suudi, Qanyare, Xuseen Ceydiid, Caato, Maxamed-dheere, Shaatiguduud, Aadan-madoobe, iyo kuwo kale. Ugu dhowaan, kuwaas kulligood waa ka soo horjeedaan korneylka hadda. Maxaa marka dhaqaale-bixintaas laga dheefay?

Maamulkaas oo la isku qabsaday markuu dhammeystay 3-dii sano ee ugu horreysay waxaana ku daatay dhiig badan oo micno-darro ah.

Wuxuu maamulkaasi jaranjaro u noqday Meles Zenawi oo la’aa meeluu kasoo galo qabsashada Soomaaliya. Inkastoo dagaaloogayaasha kale iyo weliba kuwa Waqooyiga Soomaaliya laftoodu ka qeybqaateen laakiin waxaa kaalinta koowaad ka ciyaaray maamulka Puntland markaas haystay.

Si kasta oo Soomaalidu qabiil iskugu xumeyso laakiin magacaas ka hor dadku waxay na dhihi jireen waxaad tihiin dad kala dambeeya oo martida soo dhoweeya oo Soomaali Weyn ogol laakiin isla annagii baa hadda naloo baxshay, “Ashahaado-la-*** (PIS), Tigree-keenooyin, qabiil-ku-dirir, isloweynayaal iyo magacyo kale sababtoo ah maamuulkaas dartiis.

Kala-fogaan Soomaalida dhexdeeda ah.

Guurtidii Puntland waxay isku raaceen in aan ***** aan ********** ahayn haweysan karin madaxtinimada Puntland! *********** wuxuu ka hadlikaray madaxweyne-ku-xigeen! Weli ma garan sida dad odayaal sheeganaya aay waxaas oo kale shirar uga dhaheen. Waxaase ka sii daran sida *****ga kale waxaas u aqbalay? Haddii Xaabsade uu mar hore waxaas oo kale aqbalay waxay ku fiicneyd inuu ceyrintana aqbalo. Oo haddii *****gii dad noo xigay aan saas ku niri ma u maleyneysaan in korneyl C/hi u ogolaanayo in Geeddi ka falo xukumaddiisa wuxuu rabo? Qodobkaan iyo kuwa kale waa kuwa muujiyey in guurtida Somaliland ay ka caqli bateen kuwa Puntland markey nin Samo-roon ah madaxweyne ka dhigteen.

Iska daa Soomaalida kalee waxaa la yaab leh in dadkii ay isku halka wax ku qeybsadeen oo marka arrimaha Kismaayo laga hadlayo ay reer tolkey jeebka kala soo baxaan magac ah “Kablalax” iyagoo siyaasad ku doonaya ayaa kuwii magacaas sheeganayey waxaa Zenawi ku leynayaa dhulka Soomaali Galbeed. Lama hayo qof siyaasi ah ama odey reer Puntland ah oo ka hadlay ama cambaareeyey. Waxay u egtahay xitaa haddii dadkaas ay leeyihiin iney “Kablalax” isla yihiin yimaadaan Boosaaso in hay’adda diinta la dagaasha ee “PIS” ay u celineyso Zenawi. Kablalax! Ilaahay kab iyo lax idin ka dhig. Bal lacagta ay dagaaloogayaasha oo leynayey qabiilladooda ay siinjireen mey siiyaan walaalahooda xaq-u-dirirka ah ee iska xoreynaya reeryada Tigreega?

Haddiiba kuwii Kablalax sheeganayey ay u turiwaayeen xaq-u-dirirkaas ayaa Somaliland laftoodu waxay dadkaas u iibsadaan sidii xoolihii isagoo maamulka Riyaale Zenawi kaga raadinaya weji.

Reer Puntland waxay cadaawad aan micno ku fadhiyin la gashay qabiilka **** ee Kismaayo hadda hor booda. Soow maaha qabiilkey isku halka wax ku qeybsadeen? Marka nimanka horbooda Soomaaliya iyo Puntland haddey dadkoodii cadow uga dhigeen dadkii dad u xigey sidee looga akhrisanayaa iney qabiillada kale wax la rabaan?

Xamar waxaa Xabashida iyo xulufadeeda (Mbaghati) ku soo dhoweeyey ****** khaasatan ***** ******. Muranka C/hi iyo Geeddi wuxuu keenikaraa in “mataanaha *****” ay kala xarig furtaan oo colloobaan! Ileyn shacabku waxay u dhaqmeen sida xoolihii oo kale. Maxamed-dheer iyo C/hi Yuusuf baa labada ***** isku diri kara ama isku keeni kara!

Sameyntii magacaas (Puntland) iyo madaxdaas aan tobanka sano ka digeyney wuxuu keenikaraa burbur Soomaaliyeed iyo in Somaliland ku hadaaqdo goosasho taam ah. Qabsashadaan Laascaanood ee hadda khasab maaha iney noqoto mid sii waarta maxaa yeelay siyaasadda Soomaaliya ayaa is-gadgaddis badan. Waxaa dhici karta iney maalmo arrintu si kale noqoto laakiin waxaan anigu ka hadlayaa waa mustaqbalka. Haddii reer Laascaanood doortaan Somaliland, ma filayo iney jirto qof Soomaali ah oo ka hor istaagi kara. Arrinta waxaa cirka ku shareeray waa dhaqaalaha Puntland. Wixii dekedda ka soo baxa qaar waxaa lala aaday Xamar iyo Baydhabo intii kalana waxay soo dhaafi weyday Boosaaso, Garoowe, iyo Gaalkacyo. Marka qofka siyaasiga ahi ma laha samirka shacabka oo kale marka meeshey hogashu uga hilaacdo ayuu haleelayaa. Marka tagidda Xaabsade waxaa ka mas’uul ah maamulka Puntland. Maaddaama dadka reer Sool qaar la socdo Somaliland waxaa fiican inaan shacabka reer Puntland dagaalka ku ordin ee la isugu yeero dadka Sool degen lana weydiiyo waxay rabaan. Hadday u bataan iney Somaliland raacaanna iyagey jirtaa haddii kalana waxaa lagu soo celinayaa Puntland.

Puntland oo laba jeer laga raayey. Ilaahay baan ku dhaartay wixii aan 9 sano ka hor ka baqeyey baa noqday waddo halaq mareen ah. Sidee kheyr looga filayaa in niman madaxii caddaaday sidii geedka suumahagalaha ah ay inta Soomaali iyo caalamkoo dhan la hadlaan dhahaan, “Shimbiraale argagixisaa joogta!” Ama, “Laascaanood waxaa qabsaday shisheeye!” Waxaanan garaneyn goorta ay Xaabsade iyo Riyaale noqdeen wadaado ama sida gaaladu u taqaan “argagixiso!.” WALLAAHI odayaasha Soomaaliyeed waa ka xishoon jireen beenta xitaa iyadoo diintu u fasaxeyso markii nafta la badbaadinayo. Waxaa jiray nin odey ah oo ka soo jeeday Puntland oo ahaa hogaamiye qabiil iyo ciidan in ay qolyo ay is dagaalayeen qabteen. Nimanka markaas qabtay mey garaneyn ninkuu yahay marka hadduu been sheegilahaa wuu badbaadi karay laakiin magacii ay maqli jireen buu u sheegtay. Markii odeyga loo geeyey odayaashii kale ee nimankii wax soo qabtay bey ku dhaheen halkaas istaag waxaan ka showreynayaa wixii lagaa yeelilahaa. Odeygii wuxuu yiri, “intaas baan jiraa oo weligay faq la igama qarsan ee xitaa ka hadla dilkeyga laakiin wax ha iga qarsanina.” Odeygii intii faqii laga qeybgeliyey baa la iska sii daayey. Ka warran shacabkeennii oo dhan baa inta talada laga qariyo waxaa la la aadayaa Addis Ababa! Marka, ma u maleyneysaan in hogaamiyayaal ceynkaas ahi ay dadkooda meel kheyr leh ku furayaan?

Cadde Muuse markii maxkamaduhu soo fariisteen Bandiiradley waxaad Gaalkacyo soo galisay Tigree marka haddii Xaabsade soo watay ciidan Somaliland ah maxaa la yaab ah? Mise innagu waxaynnu sameynno oo kasta waa fiican yihiin? Waxaan ka rabaa in qof kasta oo Puntland ka soo jeeda uu arrinta si fiican u fiirsado. Xabashi beynu Xamar iyo Gaalkacyo keennay; Xaabsadana waxaynnu ku dacaayadeyneynaa ciidamo Somaliland ah buu soo watay! Kee na xiga Somaliland iyo Xabashi? Soow kuma fiicna “intii Baaniyaal cunilahaa Cali ha beeseysto?” Haddeynaan ka damqeyn Xabashida Xamar iyo Baarlamaankii Baydhabo joogta maxay tahay waxa aan uga damqeyno Xaabsade iyo Somaliland oo Laascaanood heysta?

Qofku dambiilaha ah waxaa lagu yaqaan kalmad buu iskaga dhegaa. Culumadu waxay dhahaan markuu nabi Yacquub (CS) wiilashiisha ku lahaa waxaan ka baqayaa in Yuusuf (CS) ay uubato/yeey cunto ayaa wiilashii dambiilayaasha ahaa inta shirqool sameeyeen bey kalmadii jeebka kala soo baxeen iyagoo aabbahood ku leh wiilkii waxaa cunay uubato/yeey! Marka C/hi iyo Cadde markii inta wax khaldaan ay dhaqaalaha waddanka lumiyaanba waxay jeebka kala soo baxeen sheekadii uu Bush sameeyey ee ahayd argagixiso baan la dagaaleynaa!

Arrinta Puntland waxay u muuqataa halkii ay mareysay muddo hore oo kale mar inta qolo degeneyd Puntland inta tiro dad ah, xoolo, iyo barwaaqo isla heshay ay istuseen ineysanba binu Aadam ahayn ilaa gabar ka dhalatay ay ku dhaanteysay:

aabboow ina hebeloow

aadane ka weynaanney

ee ilaah-yare ma noqonnaa!

Dabadeedna Ilaah baa usoo diray addoomahiis qaar ka mid ah dabadeedna ciidankii daraawiishta ee Sayidka baa cagta mariyey. Marka hadda inta canshuurtii dekedda Boosaaso iyo caarad-dhuub uu Meles Zenawi Soomaalida u qeybiyo si ay isagu laayaan, isla helnay, baan u heysannaa inaan Soomaali oo dhan afduubi karno oon saan rabno ka yeeli karno.

 

Waxaan maqaalka ku soo gabagabeynayaa, belaayo noogama horeyn magaca Puntland iyo madaxdii timid. Waxaan xoogga saarnay inaan diintii iyo dadkeedii la dagaalno. Waxaan sumeynay badihii innagoo raadineynay lacag aan Soomaaliya madaxweyne uga noqonno. Dadkii dad noo xigey ayaa Xabashidu Shilaabo, Godey iyo Soomaali Galbeed ku leyneysaa innagood mooddo inaan ku faraxsannahay. Wakaas **** nalooka dhigay cadow. Wakaas aan Habar Gidir baabi’iney oon leennahay waxaan ka aarsaneynaa dhibkii ay Soomaali u geysteen. Wataas aan hadda reer Waqooyigii leennahay waa “Soomaali-diid!” Yaa Soomaali nala noqon kara dadkeenna Xamar Xabashi soo galiyey? Yaa wax ku falaya magaca Soomaali ee uraya?! Khilaafka Geeddi iyo C/hi baa keenikara in ******kuna colaad u qaadaan reer Puntland. Sidaan horay u iri colaad u dhaxeysa labo dagaalooge ayaa keeni karta in labo qabiil colloobaan marka aan ka fiirsanno cidda na metesha. Hadda waxaa suurtogal in inta C/hi iyo Aadan-madoobe is qabtaan la arko ********* iyo reer Puntland dagaal iskugu soo dhiganaya! Marka waxaad mooddaa inaan diintiinna la dagaalnay aanna rabno inaan iska horkeenno dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaan u maleynayaa in waxa na horbooda iyo kuwa odayo sheegta ay aaminsanyihiin wixii tolku isku maaweelin jiray ee ahayd, “inta madaxa madoow iyo ********** baa is le’eg,” Haddii nimankaas waalani aysan waxaas aamminsaneyn maxay mar walba wiilashooda meel dagaal macno-darro ah ka socdo u geeyaan sida Kismaayo, Xamar iyo Bakaaraha, Baydhabo? Maalin dhoweyd Xaabsade iyo reer Sool Laascaanood ku jira baa mid badda Boosaaso jiraafta wuxuu iskala orday wiilal yar yar oo ehelkiis ah oo uu dagaal ku bilaabay ciidanka Somaliland. Taasi waxay tusineysaa in wiilashaas laga dhaadhiciyey ineysan jirin cid iska kiin celin karta ama aan cidna ka naxeyn. Marka wiilal badanna waa laga laayey qaarna waxaa loo qabsaday maxaabiis ahaan. Isla haddeer wiilashii oo kale baa baadiyaha laga soo aruurinayaa oo la leeyahay kaalaya iska cesha Somaliland! Horta miyeysan u jeedin Xaabsade iyo wiilasha reer Sool ee la socda Somaliland? Marka arrinta noocaas ah waxay u baahantahay caqli iyo tartiib.

 

Marka arrinta Laascaanood kuma fiicna sida hadda labada maamul sameynayaan. Marka dadweynaha reer Puntland waxaan kula talinlahaa iney maqlaan dadka waxgarad ka ah. Intaas oo jeer baan u soo jeediyey iney iska bedelaan nimankaas fadhiidka ah. Waxaa degaanka jooga intaas oo qof oo Ilaahay ku manneystay hoggaan-wanaag. Waxaan ku talinlahaa inaad iska tuurtaan wax-iskuma-falayaasha Soomaali oo dhan cadowga nooga dhigay halka Zenawi iyo gaalada kale yihiin ehelkeen.

 

F.G. Qoraalkan micnihiisu maaha in madaxda aan sheegayo ay ka xunyihiin kuwa qabiillada kale. Qof kasta wuu ogyahay dagaaloogayaal waa walaalo qabiil kasta ooy ka soo jeedaan. Maddaama ay Soomaalidu mareyso xaalad xun oo qofna uusan wax ka maqleyn qof qabiil kale ah ayaa waxaa fiican inaan la hadalno gobolladaan ka soo jeedno. Qabiilkii dadkooda meel fiican u horseeda waxay la mid yihiin iyagoo qeyb ka mid ah dadka Soomaaliyeed meel fiican u hogaamiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

mayee isaga waxaanu u keenaynaa hooyaa yaabtay
:D

SheekhaJacaylka, in order our debate goes forward and becomes more constructive and enables us or at least lays the ground for the convergence of our relative extreme positions on SL's aggression, let us not cross examine eachother. I did ask you a simple question my friend! of which if you don't have the guts to address, you've the right to remain silent or proclaim no comment!!, it is as simple as that.

 

For the record, and to the discretion of SOL nomads.. Would you please stand up and answer the stated Question? redface.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Hunguri:

Waxaan filayaa, waa iska caddahay
smile.gif
. Wixiinu maaha wax fahansii. Waxa weeye khasab fekkerkiina ku marsiiya loool. Dee diidyee iska seexda. Hurdadiiba idin-ka tagtaye. Waar waamaxay nimankani qadh adakkaa !! Hadii kale mid idinka idinka mid ahoo seexan u qorsheeya. Dee Waqdii Jaadkana waxaad ugaso qabataa Caqqaar qaad ah. Waliba waxaad usoo qabtaa kii cusbaayee Hargaisa cishadii dhawayto la keenay. "Aabaa Yaabay" looooool

Mudane Hunguri, isu kaayo daa' akhyaartan if iyo aakhiroba waa isku waayaynaa ilaa ay ka kala gartaan waxay xaq u leeyihiin iyo wax kale. Waxay moodeen in ay buuq iyo qaylo dad aan doonayn ku qabsan karaan... Ha lays daba dhabooloqo bal aan aragno dhaxalkee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this