Sign in to follow this  
General Duke

Shiekh Sharif , I recognise the TFG...

Recommended Posts

After a few days of looting Jowhar and hyping up their own power. here is a new statement by the head of the courts...

 

 

Sheekh Shariif: "Waxaan diyaar u nahay inaan dowladda federaalka la galno wadahadallo aan shuruud...?

Posted to the Web Jun 18, 14:26

 

 

Jowhar (PP) - Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ku qabtay Shir jaraa'id gudaha Magaalada Jowhar ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah.

 

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in maxkamadaha islaamiga ah ay aqoonsadaan dowladda uu ahaa mid aysan filayn in la oranayo, waxaase uu sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay waanwaan la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

"Annagu waxaan awalba diyaar u ahayn inaan waawaan la gaarno dowladda Federaalka Soomaaliya welina waxaa diyaar u nahay in wadahadal aan shuruud ku xirnayn aan la galno dowladda federaalka Soomaaliya, waana aqoonsannahay Dowladda Federaalka" ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in ay dhankooda diyaar ka tahay in la gaaro heshiis dhab ah.

 

 

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladdu ay tahay hormuudka dalka isla markaana aanay ahayn wax la inkiri karo ama hadda u baahan aqoonsi, balse annagu waxaan ka soo horjeednaa go'aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka la keeno ciidammo nabad ilaali ah oo ka socda safka hore.

 

 

Sidoo kale Sheekhu wuxuu ka hadlay maamul u sameynta Gobolka shabeellada dhexe, wuxuuna sheegay inay dhammaadeen wadahadallo lagu doonayay in lagu sameeyo maamulkaas, hadda wixii ka dambeeyana lagu dhawaaqayo maamulka Gobolka Shabeellada dhexe.

 

 

Sheekh Shariif ayaan isagu haba yaraatee soo hadal qaadin dhac ay xalay u geysteen ciidammo ka amarqaata Yuusuf Indho-cadde oo ka tirsanaa Maxkamadaha xaruntii hore ee Dowladda federaalka Soomaaliya, halkaasoo ay ka qaateen qalab kala duwan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this