Kamaavi Posted October 29, 2009 Oct 28, 2009 Sooyaalka taariikheed ee maamulada Gobolka Woqooyi Beri Somalia ee SSDF waxaa ka buuxa dunuub culus oo ay ka galeen qadiyada xaqa ah iyo shacabiga somalida O'gadeniya, sodonkii sano ee tagtay waxay soomaali ka dharagsantahay dhaqannadii iyo tallaabooyinkii foosha xumaa ee ay ku caanbaxeen, waxaa la ogyahay in badhtamihii 1978 ay ahayd bilowgii taariikhda ee siyaasiyada SSDF la safteen cadawga ummadda Soomaliyeed meel ay joogtaba ee Abasiiniya. Kolkaas oo ahayd markii ugu horeysay taariikhda dhow oo sarkaal Xooga dalka Soomaaliyeed oo lagu dhaariyay kitaabka qur'aanka ah(suuradda bara'bisin la ') uu u galo cadawgii lagu dhaariyay inuu dalka iyo dadkiisaba ka difaaco, kaas oo ahaa G/sare C/hi Yusuf Axmed Guddoomiyhii SSDF tallaabadaasi wqaxay noqotay sunne xun oo soomaali loo bilaabay, ilaa ay noqotay tusbax furtay oo sarkaalkii cadhoodaba inuu Ardisababa ka soo jeedsado isugu faanto noqotay. Falkaas madaw wuxuu dhabarjabin toos ah ku ahaa hagankii O'gadeniya ee ay ku jirtay jabhaddii WSLF somaliweyn oo dhanna garabtaagnayd, dhanka kalana waxay horseeday tallaabadaasi burburkii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo taniyo maanta saldhigi la', mudada burburku socday waxay madaxda SSDF saaxiib dhow la ahayd taliska gumaysiga TPLF heer dhammaan qabqableyaashii Somaliya rogay si xin ah ugu tukadaan qibladooda Addis Ababa ee aan lahay waxaan ka ahayn dhilo iyo khamro jaban iyo cadaawad Soomaali loo hayo, una baratamaan raali galinta iyo u adeegida taliska cadawga Soomaaliyeed ee Tigreega ah. Dhaqankaas guracan iyo siyaasadaas qaloocan waxay dhalisay in Caasimaddii Soomaaliya Muqdisho iyo gabi ahaan dalkii Jamhuuriya Somalia la galiyay gacanta gumaysiga Itoobiya ee ku caanbaxay dhulballaadhsiga iyo damaca waalan, dhacdadan taariikhda gashay waxay si toos ah lid ugu tahay jiritaanka guud ahaan ummadda Somaliyed, xagal daacinna ku ah horumarka qadiyada Somaliyeed ee O'gadeniya ee xaqa iyo cadaaladda ku dhisan. Tobankii sano ee u danbeysay mamulada SSDF ee gobalka W/bari waxaay qaaden talaaboyin dheerad ah oo ay ku raaligalinyeen sayidkooda Meles Zinawi madax gumesiga Abasiiniya,kuna dhabar jabinayaan walaalahooda Somalida O'gadenya iyagoo Apriil 2008 kala baxay laba masuul oo ah golaha dhexe ee ONLF huteel ku yaala badhtamaha magalada Garowe labadan masuul oo inan-layaalo ku ahaa deegaanka gobalka W/bari tan oo ceeb dheeri ah ku ah dhaqanka Somalida waxayna C/nuur M. Sooyan iyo Dhiire Cilmi dhax kuududaan jeel Jigjiga ku yaala iygoo lagu xukumaay 10 sano oo ciqaab ah jidhil ba,aan ka dib. Intii kadabeesay falkaas waxay mamulayaasha Bari fuliyeen hawlgalo isdabajoog ah oo ay ugu gudbiyeen shacab kor udhaafaya 20 Ruux oo ka sojeeda somalida O'gadenya gacanta cadoga ay ka so carareen, dadkan maatada ah oo maciin iyo ehelnimo soo biday deegankooda dhacdooyinkan silsilada ah ee bahalnimada iyo xishood la,aanta huwan waxaa ka mid ahaa xasuuq dad shacab ah oo dhana 183 qof oo 45 dumar yahiin oo xabsiga loo taxaabay bishii ina dhaaftay, gawraca wiil dhalinyaro ah loogu gaystay magalada Galkacayo. Haddaan xusayno faldanbiyeedyada mamulayasha SSDF ee yaabka leh waxaan la iloobikarin dilkii waxashinimada lahaa ee loogastay N/hure Xilibaan Sandoon Julay 1996 magalada Galkacayo isaga oo dhawac ahaan loo keenay inlagu daweeyo. Falba falka darane waxaa yaab laheed markii horaantii 2008 guri aroos lagu hayay oo ay odayaal,dhalinyaro,haween iyo caruur ku kulansanayeen meesha ay ubixiyeen tuur A'bsame lagu tuuray banbaano gacmeed oo 11 ruux ku dhawacantay, daqiqado ka dib la toogtay macalin wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Boosaaso, iyodoo asbuuc ka hor lagu weeraray qoys isqaba gurigoodii dhaawac ka dibna xabsiga ladhigay oo uu ku geeriyooday aabihii qoyska shahiid C'/hi Cumar oo 9 sano daganaa Boosaaso. Gaboodfalada madaxda Gobalka Bari ee SSDF ay kula kacaan shacabka dulman ee Somalida O'gadenya ee ka dhanka ah xaquuqda aadamaha,sharciga islaamka iyo dhaqanka Somalinimada iyo wadadhalashada ma aha mid qormo iyo labo lagu koobi karo laakiin waa dhito urursan oo ku keydsan kutub maguuraan ah, waana wax uyaala inlagula xisaabtamo goortii ku haboon, uhiilinta cadowga Soomaliyeed, garab wagliilka xaq udirika somalida O'gadenya, Burburinta qarannimoda iyo madaxbanaanida Jamhuriyada Somaliyeed waa tilmamaha ay ku caanbaxeen horjoogayaasha SSDF iyo mamulkooda caatada ah ee Gobalka Bari ee shacabka wakhatiga ka lumiyay kuna hankaajiyey gobanimadii iyo madaxbanaanidii shacabku u soo halgamay, taas oo 60 sano ka dib Jamhuryadii Somaliya dib u galiyay gacanta gumeysiga taagtadaran ee laangaabka Tigray. Shacabkan ay maamulaan madax kusheegan fadhiidka ah waxaa maanta la gudboon in ay soo dhacsadaan gobanimadoodii la lumiyay, Hoggaan sharaf leh oo u qalmana ay dhistaan haddii kale sharaf dhac iyo burbur aan la mahadin ayay ku abaadi, Shacabka O'gadenya waxuu leeyahay tawrad gobnimodoon ah oo aan d'abadh'ilif loodin karin. Nabsi guratay gooraad heshaba waana ii Godobe' Gadaafaba haddaad odhan lahayd laguma Gaadhsiinin Ninka gabiga igu soo dunshayow sow ku Garanmaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites