Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Baraawe

Recommended Posts

Wafdi ballaaran oo uu horkacaayey Sheekh Xasan Siid Cali ayaa waxay dhowaan gaareen magaalada Baraawe ee Koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose, wafuuddan ayaa waxay iskugu jireen Culumaa'uddiin, Aqoonyahanno iyo Odeyaal Dhaqameedyo oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha [qabiil].

 

Ujeedada socdaalkooda ayaa wuxuu la xiriiraa sidii looga hortagi lahaa maamul ku sheegga dhowaan ay halkaas ka dhiseen kooxo dano gaar ah leh ka dib markii ciidamada Golaha Maxaakiimtu halkaas ‘maamulka’ kala wareegeen C/llaahi Xalane Dhuxuloow.

 

Maamulka Kumeelgaarka ah oo ka koobnaa 10 xubnood ayaa waxaa si madaxbannaan u dhisey kooxo halkaas degan oo dadka dhulka leh aan ahayn iyo kuwo ciidanka meesha la wareegey ka mid ah. Haddaba odeyaasha iyo waxgaradka Muqdisho ka tagey ayaa waxay magaalada Baraawe ku yeesheen shir ballaaran oo looga hadlaayey arrintaas. Doodo dhaadheer iyo falaqeyn badan ka dib ayaa waxaa la isku afgartey in la kala diro kooxda ismagacaawdey.

 

Maamulka Kumeelgaarka ayaa loo sheegey in aysan cidna dooran islamarkaasna sharci darro isku doorteen sidaas darteedna maalintaas laga billaabo in aysan isku sheegi karin maamul, waxaana loo sheegey inay ciidamadooda ay ku ekaadaan oo aysan soo faragelinin arrimaha gudaha ee reer Baraawe, waxana loo sheegey inay maamulkooda ayagu xaq u leeyihiin inay soo dhistaan sida kuwa Gobollada kaleba ay u dhisteen dadka deegaanka iska leh.

 

Ugu dambeyntii sida uu DMC u sheegey Xasan siid Cali waxaa dadka shirkaas ka soo qaybgaley tiradoodu gaareeysaa 150 qofood, taasina waxay keentey inay kooxdii ismagacowdey ku qancaan soo jeedinta dadka deegaanka. Arintan ayaa waxay ahayd iskudey kooxo dan gaar ah leh ku doonaayeen inay ku dhabar jebiyaan rabitaanka dadka wanaagsan ee reer Baraawe, hase yeeshee si fool xun ayay ugu fashilmeen. Waxana maamulka Degmada Baraawe inay dhisaan laga sugayaa dadkooda oo kaashanaya Golaha Maxaakiimta Soolaaliyeed.

 

Xafiiska warqabadka DMC Muqdisho

Aadan Cismaan

 

Xigasho

 

-----------------

 

With a name like Siid, the person undoubtedly is Reer Baraawe. Will they however let them form their own local, self-rule adminstration?

 

The article dates back to 31 Oktoober, more than a week ago. Will be seen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this